No comments yet

Go’aamo Laga Soo Saaray Mashruuca Biyo-Gelinta Caasimadda Ee Degaanka Xumbo-Wayne

Hargeysa (HWA)- Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Xuseen Axmed Cabdulle, ayaa shaaciyey go’aamo laga soo saaray khilaaf hore uga dhashay nidaamka loo marayo mashruuca biyo-soo-saarka degaanka Xumbo-wayne oo loogu talogalay in ay ka faa’iidaystaan qaar ka mid ah degmooyinka bilaa biyaha ah ee caasimadda Hargeysa.

Wasiir Cabdulle oo ka mid ahaa guddi 12 xubnood ah oo isugu jiray wasiirro, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo Madaxweyne Siilaanyo hore ugu saaray xallinta muranka hakadka geliyey mashruuca biyo-soo-saarka degaanka Xumbo-wayne oo ay ku deeqday dawladda Imaaraadka Carabta, waxa shir jaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay shalay kaga hadlay go’aamadan iyo siday ku yimaadeen.

“Mashruucan oo muddo socday, wuu jiitamay oo marba hakad baa soo galay, si hakadkaasi looga saaro ayuu madaxweynuhu u magacaabay guddi ka kooban 12 xubnood oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno iyo maayarka Caasimadda.

Guddigu waxay kulantay dhawr jeer oo ay arrintan dhegaysteen, waxay guddigu isugu yeedhay farsamoyaqaannada Wasaaradda Khayraadka Biyaha oo ay Wakaallada Biyaha Hargeysa ku jirto iyo injineerro ka socda Imraadkaadka Carabta oo mashruucan inoo fulinaya. Waxa kale oo guddigu dhegaysteen labadii injineer ee labada dhinac oo mid walba ay waydiisay difaaca dooddooda

Markii aannu labada dhinacba dhegaysanay waxaannu fursad u siinay in inta ay isku noqdaan go’aan ay ku midaysan yihiin oo cilmi iyo farsamaba ah guddiga ku soo celiyaan, maalin kadib waxay noo keeneen go’aan ka kooban siddeed qodob oo ay isku raaceen oo ay saxeexeen, annaguna waanu u mahadcelinay,” ayuu yidhi Wasiir Cabdulle oo ka hadlayey shirkiisa jaraa’id, waxaannu intaasi ku daray, “Haddana waxa kulmay guddiga Madaxweynuhu u xilsaaray arrintaas, waxaannu eegnay oo darisnay go’aankii ay noo soo gudbiyeen ee siddeedda qodob ahaa, waanu akhrinay oo qodob qodob ayaanu isu-dultaagnay, kadibna waxaannu isla garanay oo garawsanay in go’aanka labada dhinac soo gaadheen annaguna aannu sidooda u qaadanno, uguna faataxayno.”

Waxa kale oo uu sheegay in go’aankaasi la isku raacay kadib wasaaraddiisu la wareegtay kormeerka iyo la-socodka shaqada mashruuca Xumbo-wayne oo la isla qaatay in la qiimeeyo xadiga biyaha laga soo saari karo, “Waxa halkaa ka soo baxday in laga bilaabo maalintii aannu isku raacnay go’aankii ay isla gaadheen labada dhinac wixii ka dambeeya ay Wasaaradda Khayraadka Biyuhu la wareegto kormeerka iyo la-socodka hawsha mashruuca biyo-gelinta ee Xumba-wayne. Waxa qodobka ugu muhiimsan waxa weeye intaan biyahaa meel la gayn waxa lagama maarmaan ah in la ogaado kaydka biyaha ah ee aynu haysanno, markaa furaha mashruucani wuxuu yahay horena u ahaa in la hubiyo kaydka biyaha ah ee ku jira, taana masuuliyadeedda waxa qaaday Wasaaradda Khayraadka Biyaha oo doonaysa inay tijaabo ku samayso ceelasha aynu biyaha ka soo qaadanayno 72 saacadood.

Mashruucani waa deeq la ina siiyey in ay dib u luntana ma rabno, inuu daahana ma rabno,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Xuseen Axmed Cabdulle.

 

 

Post a comment