No comments yet

Qorshe lagu Xoojinayo Hannaanka Shaqo ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo la Bilaabay

Hargeysa (HWA)- Qorshe lagu xoojinayo hannaanka shaqo ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo shaqaalaheeda oo laga dhisayo dhinacyada aqoonta iyo hufnaanta calamkooda, ayaa si rasmi loo bilaabay.

Qorshahan oo uu maalgeliyey Baanka Adduunka, isla markaana ay fulinayso shirkad caan ah oo dunida kaga shaqaysa hagaajinta nidaamyada dhaqaale iyo shaqo oo magaceeda la yidhaa Ernest and Young (EY), ayaa tababar la xidhiidha arrintaasi qaybo ka mid ah shaqaalaha Wakaaladda Biyaha looga furay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis oo furitaankii tababarkan ay kala qaybgaleen wakiillo ka socda Baanka Adduunka iyo shirkadda fulinaysa ee EY, ayaa faahfaahin ka bixiyey hannaanka shaqo ee laga dhisayo wakaaladdiisa, waxaannu yidhi, “Tababarkani waxa uu qayb ka yahay fursad wanaagsan oo ay heshay Wakaallada Biyaha Hargeysa oo aannu doonayno in lagu dhiso shaqaalaha sida aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo, waxa naga caawiyey Baanka Adduunka, waxaanna fulinaya shirkad caalami ah oo la yidhaa Ernest and Young (EY) oo ka shaqaysa habka maamul-wanaagga iyo wanaajinta shaqada. Tababarkani waxa uu ku saabsan yahay siyaasadda sida ugu habboon ee loo maamulo lacag, wax loo iibiyo iyo sida wax loo kaydiyo.”

shaqaalaha-wakaaladdaWaxa kale oo Maareeyuhu si wayn ugu mahadceliyey Baanka Adduunka, gaar ahaan qaybta mashaariicda biyaha iyo nadaafadda oo uu sheegay inay si xoog ah ula shaqeeyeen Wakaallada Biyaha Hargeysa, “Madaxda ka socda Baanka Adduunka iyo shirkadda EY muddo ayey inala joogeen oo ay diyaariyeen buuggaag shuruucdii ay ku shaqayn lahayd Wakaaladda Biyaha Hargeysa,” ayuu yidhi Maareeye Ibraahim.

Ugu dambayntii, waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha wakaaladda ee ka qaybgalaya tababarkan inay ka faa’iidaystaan duruusta la siinayo iyo falanqaynta shuruucda loo diyaarinayo inay ku shaqayso wakaaladda, isla markaana natiijadiisu ka muuqato qof walba shaqadiisa.

Haweenay magaceeda la yidhaa Chantal Richey oo ka mid ah masuuliyiinta waaxda biyaha iyo nadaafadda ee Baanka Adduunka u qaabilsan qaaradda Afrika, ayaa hadal ay ka jeedisay furitaankii tababarka, ayaa ka warrantay mashaariicda kala duwan ee Baanka Adduunku ka wado Somaliland labadii sanno ee u dambeeyey, iyadoo sheegtay inay dawladda Somaliland kala shaqeeyaan dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin horumarinta heshiiska gaarka ee Midowga Yurub ugu talogalay Somaliland, ururinta xogaha, mashaariicda horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo arrimo kale.

Waxa kale oo ay sheegtay in kulamo dhexmaray weftiyo ka tirsan Waaxda Biyaha iyo Nadaafadda ee Baanka Adduunka iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa la isula qaatay in laga taageero xoojinta awooddeeda shaqo, “Xoojinta awoodda wakaaladdu waxa uu siinayaa hafnaan shaqo xilli ay u diyaargaroobayso inay hesho maalingelin dheeraad ah oo ka timaada miisaaniyadda qaranka iyo daneeyayaasha horumarka ee caalamiga. Sidoo kale, in la ballaadhiyo kaabayaasha biyaha iyo habka isku-xidhka ee magaalada si loo kordhiyo qaybinta biyaha,” ayey tidhi Chantal Richey.

Sidoo kale, Mr. Simeon Khakata oo ah masuul sare oo ka tirsan shirkadda Ernest and Young (EY) ee fulinaysa mashruucan, ayaa sheegay muddo bilo kooban ah oo ay la shaqaynayeen Wakaaladda Biyaha Hargeysa ay ku guulaysteen; hababka wadashaqayneed ee dawliga ah, siyaasadda maamul ee dhaqaale iyo iibka, dhismaha nidaamka hay’adeed iyo shaqaale iyo habka biyo qaybinta.

Save

Post a comment