No comments yet

Urur Wakiil u Noqon Doona Dadweynaha Biyaha Isticmaala oo Markii u Horreysay laga Aasaasay Somaliland + Sawirro

Hargeysa (HWA)- Urur wakiil ka noqonaya dadweynaha biyaha ku isticmaala shan ka mid ah magaalooyinka Somaliland, ayaa markii u horreysay aasaaskii lagaga dhawaaqay caasimadda Hargeysa.

Ururkan oo magaciisa loo bixiyey isticmaalayaasha biyaha Somaliland (Water User Associations for Somaliland) oo loo soo gaabiyo WUAs, kaas oo ay xubno ka yihiin wakiillo laga xulay dadweynaha ku kala dhaqan shan magaalo oo kala ah; Hargeysa, Burco, Boorama, Ceerigaabo iyo Wajaale, kuwaas oo ay u matali doonaan la socodshada mashaariic lagu ballaadhinayo biyaha nadiifda ah ee magaalooyinkaasi.

img_1098Shir loo sameeyey ku dhawaaqista ururkan iyo bilowga tababar loo qabanayo xubnihiisa oo lagu qabtay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, kaas oo ay soo qabanqaabisay hay’adda UN-HABITAT oo iyadu fulisa mashaariicda biyaha ee ururka Midowga Yurub ugu deeqay Somaliland, waxa ka qaybgalay masuuliyiinta Wasaaradda Khayraadka Biyaha, wakiillo ka socday hay’adda UNICEF iyo xubnaha ururka cusub ee kala matalaya shanta magaalo.

img_1087Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Khayraadka Biyaha Dr. Cabdirisaaq Jaamac Nuur oo furay shirkaasi, ayaa tafaasiil ka bixiyey ujeeddada ururkan loo aasaasay, waxaannu yidhi, “Xubnahan shirka ka qaybgalaya dhammaantiin waxaad ka turjumaysaan ama wakiillo ka tihiin bulshada rayidka ah ee ku nool magaalooyinka aad ka kala timaadeen iyo Wasaaradda Biyaha. Hore waxa u dhici jirtay mashaariicda biyaha ee waddanka inay maamulaan ama gacanta ku hayaan masuuliyiinta dawladdu, laakiin waxaan u malaynayaa in mashruucani yahay kii u horreeyey ee taladiisa laga qaybgaliyo bulshada rayidka ah, kaas oo idinku tihiin dufcaddii u horreysay ee wax ka ogaanaysa ama la soconaysa qaabka biyo-siinta magaalooyinka aad ka timaadeen, waxaannay arrintani qayb ka tahay mashruuc wayn oo biyo ballaadhin loogu samaynayo afarta magaalo ee kala ah; Wajaale, Boorama, Burco iyo Ceerigaabo iyo sidoo kale caasimadda Hargeysa.”

Waxa kale oo uu iftiimiyey hawlaha shaqo ee ururkani wakiilka uga yahay bulshada ku dhaqan magaalooyinka biyaha laga cabbo ballaadhinta lagu samaynayo, isagoo xusay in ay damacsan yihiin tallaabadani dalka oo dhan ka hirgasho.

img_1083“Shaqadiina muhiimadeeda kowaad waxa weeye inaad ilaalisaan qaabka biyo-bixiyaasha oo ah wakaaladaha ama shirkadaha biyaha maamula ee shantaa magaalo ay biyaha bulshada u gaadhsiiyaan, waxaad xaq u leedihiin inaad ka hadashaan wixii tabasho ah sida haddii qiimaha biyuhu qaaliyoobaan, markaa ku dhawaada maamulka biyaha ee magaalooyinka aad ka kala socotaan, su’aal kastoo shacabku ka qabo biyaha idinka ayaa uga wakiil ah oo la xisaabtamaya hay’adaha wakaaladaha ama shirkadaha maamulaya biyaha magaalooyinka.

Waxa kale oo aannu ku talojirnaa in magaalooyinka kale ee dalkuna idin dabasocdaan iyo dhammaan shacabka Somaliland awood u helaan biyaha ay cabbaan iyo xaaladdahooda,” ayuu yidhi Agaasime Cabdirisaaq Jaamac Nuur.

La-taliyaha Mashruuca kaabayaasha biyaha iyo caafimaadka hay’adda UNICEF ee Somaliland oo magaceeda la yidhaa Mohsena Islam, ayaa hadal ay shirka ka jeedisay ku soo dhawaysay samaynta ururka isticmaalayaasha biyaha oo ay sheegtay inuu muhiimad wayn leeyahay, “Ururkani waxa uu leeyahay muhiimad wayn markay noqoto ilaalinta iyo xaqiijinta in la maqlo codadka shacabka badan ee isticmaalaya biyaha oo ay wakiil ka yihiin,” ayey tidhi Mohsena Islam, iyadoo intaasi ku dartay in samaynta ururkani qayb ka tahay mashruuca horumarinta adeegyada biyaha ee magaalooyinka Somaliland oo ay maalgaliyaan ururka Midowga Yurub iyo hay’adda UNICEF.

Furitaanka shirkaasi kadibna waxa xubnaha ururka isticmaalaya biyaha looga bilaabay halkaasi tababar aqoon-iswaydaarsi ah muddo laba maalmood ah u socon doona.

Save

Post a comment