No comments yet

Maareeyaha Wakaallada Biyaha Hargeysa ka Hadlay Biyo-ballaadhinta Caasimadda iyo Muhiimada Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland

Hargeysa (HWA)- Maareeyaha Wakaallada Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa ka hadlay hawlaha mashaariicda lagu ballaadhinayo biyaha laga isticmaalo caasimadda dalka oo gacanta lagu hayo.

Md. Ibraahim Siyaad oo hadal ka jeediyey maanta xaflad loo sameeyey gaadiid lagu wareejiyey wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee fulinaya mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland maanta, waxa uu rajo wayn ka muujiyey in Hargeysa ka bixi doonto biyo la’aanta dhawaan marka la dhammaystiro mashaariic waawayn oo biyo-ballaadhin ah.

“Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland annagu ka wakaalad biyo ahaan waxaannu nasiib u yeelanay in aannu ka mid noqonno hay’adaha dawladda ee ka helay qaybta wayn si Hargeysa oo muddo dheer biyo la’ayd ay biyaheeda wax iskaga beddelaan oo loo soo kordhiyo, waxaannu Ilaahay ka rajaynaynaa mashruucaasi oo iminka muddaba socday inuu nagu guuleeyo dhammaystirkiisa oo magaaladana biyo la’aanteedii wax badani iska beddeli doonaan,” ayuu yidhi Md. Ibraahim.

Waxa kaloo Maareeyuhu ka hadlay muhiimada uu leeyahay gaadiid ka kooban 16 baabuur noocoodu yahay Toyota Hillux Pick-up oo lagu wareejiyey shan wasaaradood iyo laba wakaalood oo fulinaya mashaariicda laga fulinayo Sanduuqa Horumarinta, kuwaas oo Wakaallada Biyaha Hargeysa ku lahayd laba baabuur, waxaannu yidhi, “Waxaan rajaynayaa baabuurtan oo loogu shaqaynayo mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland, mashaariicdani waxay kaga duwan yihiin kuwii hore waa mashaariic baahidoodu dhexdeenna ka timi dawlad iyo shacaba oo la yidhi maxaa kuugu daran oo laguu qabtaa, halkay ha’yadaha kale iyagu la iman jireen waxay iyagu degta ku sitaan. Waxaanan rajaynayaa oo Ilaahay ka baryayaa in mashaariicdaasi guul inoogu dhammaadaan.”

 

Post a comment