No comments yet

Lacag ka Badan $3 milyan oo dollar oo Loogu Deeqay Horumarinta Adeegyada Biyaha Somaliland

Hargeysa (HWA)- Hay’adda adeegyada arrimaha biyaha ee Afrika ee AWF (African Water Facility), ayaa shaaciyey inay lacag dhan €3 milyan oo Euro, una dhiganta  $3,762,000 doollar (saddex milyan, toddoba boqol, laba iyo lixdan kun) oo doollar ku bixinayso horumarinta adeegyada biyaha iyo ka soo kabashada is-beddelka cimilada ee ka jira Somaliland.

Warkan oo hay’addu baahisay Arbacadii toddobaadkan, waxa lagu sheegay in mucaawanadan lagu horumarin doono maamulidda khayraadka biyaha, soo jiidashada maalgelineed iyadoo la samaynayo kaabayaasha biyaha iyo kor u qaadida adeegyada biyaha, taas oo keenaysa ilaalinta biyaha, ka soo kabashada isbeddelka cimilada iyo saamaynta abaaruhu ka tageen, isla markaana ay dhiirigelinayso dadaallada socda ee dhinaca biyaha, taageerana ka gaysanayso nolosha iyo dhaqaalaha waddanka, iyadoo ay ka faa’iidaysan doonaan dadweyne 3.5 milyan ku nool miyi iyo magaalaba iyo weliba 2 milyan oo xoolo-dhaqato ah.

Waxa kale oo war-murtiyeedkaasi lagu xusay in lacagtani taageero ka gaysan doonto diyaarinta mashaariic maalgelineed oo soo jiita maalgashadayaasha ujeeddooyinka kala duwan u isticmaala biyaha ee dunida, isku-xidhida qaybinta biyaha ee dadweynaha magaalooyinka iyo xoolaha, kana qaybqaadanayo nadaafadda magaalooyinka iyo ilaalinteeda, xaddi kooban oo qiimihiisu sarreeyo ee wax-soo-saarka midhaha waraabka iyo yaraynta masiibooyinka dabiiciga ah.

Xidhiidhaha hay’adda adeegyada arrimaha biyaha ee Afrika ee AWF Dr. Akissa Bahri, ayaa ku tilmaamay mashruucan mid wax wayn ka tari doona hannaanka biyaha ee Somaliland oo noloshu ku xidhan tahay biyo kaabayaashoodu nugulyihiin iyo cimilo isbed-bedel badan, iyadoo 60% shacabka reer Somaliland ku tiirsanyihin xoolaha nool iyo biyo qaabka loo helaa aannu wanaagsanayn.

Haseyeeshee, warkan laguma sheegin waqtiga rasmiga ah ee mashruucani bilaabmayo, qaabka dawladda Somaliland loo siinayo iyo weliba goobaha sida gaarka ah looga fulinayo toona.

Post a comment