No comments yet

Maareeyaha iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo ka Qaybgalaya Shir ka Dhacaya dalka Namibia

Hargeysa (HWA)- Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis iyo shan agaasime waaxeedyada wakaaladda, ayaa ka qaybgalaya shir caalami ah oo ka dhacaya dalka Namibia ee Afrika.

Shirkan oo uu soo abaabulay Baanka Adduunka oo muddo toddobaad ah ka soconaya magaalada Windhoek ee caasimadda dalka Namibia, waxa lagu casuumay masuuliyiinta wakaaladaha iyo hay’adaha biyaha ee qaar ka mid ah caasimadaha waddamada Afrika oo la doonayo in laga dhiso awoodda maamulkooda ee adeegyada u hayaan bulshooyinkooda.

Ka qaybgalayaasha shirka ayaa la bari doonaa aqoon la xidhiidha nidaamka maamul ee arrimo ay ka mid yihiin; wadashaqaynta dawladnimada, horumarinta iyo ka faa’iidaysiga xoogga bani’aadamka, hab-maamulka maaliyadda, nimaadka wax-iibsiga, xoojinta qaybaha iibka iyo farsamada iyo waxyaabo kale oo ku wajahan wanaajinta iyo horumarinta shaqada maamulka hay’adaha biyaha.

Weftiga uu hoggaaminayo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Md. Ibraahim Siyaad Yoonis oo ay xubno ka yihiin agaasime waaxeedyada kala ah; Xisaabiyaha guud ee Wakaaladda Mr. Maxamuud Axmed Xorre, Agaasimaha waaxda Maamuka iyo Lacagta Mr. Maxamuud Xaaji Xirsi, Agaasimaha Shaqaalaha Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Muuse, Agaasimaha Waaxda Iibka Xasan Muxumed Bulbul iyo Agaasimaha Waaxda Farsamada Mr. Cabdikariim Cali Askar, kuwaas oo ka dhoofay madaarka diyaaraha ee caasimadda Hargeysa Axaddii toddobaadkan, ayaa la filayaa inay dib u soo laabtaan toddobaadkan dambe.

Waa shirkii labaad ee caalami lagu horumarinayo wakaaladaha biyaha caasimadaha Afrika oo uu ka qaybgalayo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa muddo bil gudaheed ah, waxaanay arrintaasi muujinaysaa horumarka wakaaladda iyo maamulkeedu ku tallaabsaday muddadii uu xilka hayey Maareeye Ibraahim Siyaad Yoonis.

 

 

Post a comment