No comments yet

Masuuliyiin Dhagax-dhigay Xayndaab lagu Xidhayo Dhulka Berkadda Kayd Biyaha Hargeysa + Sawirro

Wasiirka Madaxtooyada, Maayarka Caasimadda, Wasiirudawlaha Biyaha iyo Maareeyaha Biyaha oo wadajir u dhagax-dhigay dhismahan

Hargeysa (HWA)- Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo hay’adaha dawladda Somaliland, ayaa dhagax-dhigay dayr wayn oo lagu xayndaabayo dhulka goobta ay ka qodontay berkadda kaydka biyaha caasimadda Hargeysa ee ku taal xaafadda Sheedaha ee degmada 26-ka June shalay, kadib markii dhawaan halkaasi laga raray 145 qoys oo muddo dheer deganaa.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Maayarka caasimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha Md. Mahdi Cismaan Buuri iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay dhismaha dayr wayn oo lagu wareejinayo dhulka berkadda kaydka biyaha ee laga raray dadka shacabka ah, halkaas oo lagu wado in laga qodo berkado kalo oo qayb ka ah mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa ee hadda socda.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis oo ka hadlay goobta dhagax-dhigga ay ka sameeyeen, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta keentay dhismaha xayndaabkan iyo heerarkii uu soo maray dadaalka lagaga raray dadkii deganaa halkaasi, waxaannu yidhi, “Dhulka berkadda muddo dheer waxa dul deganaa dad ka mid ah dadweynaha caasimadda, markaa waxaannu isku daynay in berkadda nadaafadeeda iyo ammaankeedaba la ilaaliyo, dadka degana aan la dayacin ee wax loo doono, kadibna annaga iyo hay’adda UN-HAPITAT waxaannu codsi u qornay dawladda Japan, Ilaahay wuu nagu soo guuleeyey oo 145 guri ayaa loo dhisay dadkii deganaa oo aannu u rarnay, markaa iminkana waxaannu doonaynaa in aannu dhisno dayr wayn oo ballaadhan oo lagu wareejiyo berkadda si biyaha nadaafadooda iyo ammaankoodaba loo sugo, mustaqbalkana mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa waxa ku jira laba berkadood oo waawayn oo qaada 5000 metercupic.”

Maayarka magaalada Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Wasiiru-dawladaha Wasaaradda Khayraadka Biyaha Md. Mahdi Cismaan Buuri, ayaa iyaguna soo dhaweeyey tallaabadan lagu xayndaabayo berkadda kaydka biyaha, iyagoo xusay in dadaal badan lagu bixiyey sidii biyo ku filan loogu heli lahaa shacabka ku dhaqan caasimadda oo ay ugu bushaareeyeen in ay biyo nadiif ah oo ku filan ka haqab-beeli doonaan ugu dambayn dabayaaqada sannadkan. Waxa kaloo ay ku bogaadiyeen shaqada adag ee Maamulka Wakaaladda Biyuhu wado si loogu guulaysto mashruuca biyo-ballaadhinta ee gacanta lagu hayo.

dsc_1438Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ammaanay tallaabadan lagu xafidayo dhulka berkadaha kaydka biyaha oo hal-bawle u ah caasimadda, isagoo xusay in kharashka ku baxaya dhismaha dayrkan ay bixinayso xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo uu ku hambalyeeyey.

dsc_1422Laba arrimood ayeynu u baahanahay, kow inaynu waxqabsanno oo tamarteena iyo taagteena ku tiirsanaano iyo inaynu qorshe fiican hindisano oo dunida aynu wax ku waydiisano, Ilaahayna la kaashano. Mushuucani waxa uu ka kooban yahay labadaa qaybood, wax innagaa qabsanayna oo bixinayna oo dayrkani ka mid yahay, waxna dunida ayeynu qorshe u samaysanay oo innala qabanaysa. Markaa mashruucan biyo-ballaadhinta caasimadu wuxuu ka mid yahay hiigsiga iyo himilooyinka ugu wayn ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo dhaxalka ay ummaddan uga tagayso,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi, waxaannu intaa ku daray, “Mashruucan waxa ku baxaya dhawr iyo Konton milyan oo dollar, waxaasi iskamay iman, iyadoo dunidu sacabada ku sidana laynalama caashaqin ee waxay ku timid hal-abuur, hindise, ku talogal iyo qorshe aynu diyaarsanay oo dunida aynu gacanta marinay iyo maqrado aynu dhiganay. Tani waxay ku timi innaga oo dunida tusnay inaynu waxqabsanayno oo ay ina aamintay, waxay ku timid in adduunku uu ina aaminay oo aynu la nimid waadaxnaan iyo la xisaabtan, dad badan ayaa laga yaabaa in aanay hadalkaas fahmin, duniduna cid aan hami lahayn wax lama siiyo, cid aan weel u tolana iyo cid aan u bislayna waxba lama siiyo.”

dsc_1446

Save

Post a comment