No comments yet

Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo ku Guulaysatay inay in 45 Qoys Laga Raro Dhulka Kaydka Biyaha Caasimadda oo la Dejiyey Guryo loo Dhisay

Hargeysa (HWA)- Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Wasaaradda Dib-u-dajinta ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa 145 qoys ka raray dhulka Kaydka Biyaha ee Hargeysa.

Qoysaska laga raray dhulka Kaydka Biyaha, waxa la dejiyey 145 guri oo Hay’adda UN-HABITAT uga dhistay duleedka Xaafadda Naaso-hablood ee Degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa, iyadoo goobaha dadka laga rarayna laga dhisayo Kaydka biyaha ee ugu weyn Hargeysa, kaasoo loogu talogalay in baahiyaha dhinaca biyaha lagaga haqab-tiro dadweynaha ku dhaqan caasimadda Somaliland.

qoysas%20la%20raray Hawlgalkan lagaga raray dadka danyarta ah keydkii biyaha ee caasimadda, waxa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dajinta Somaliland Md. Cali Siciid Raygal iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahin Siyaad Yoonis oo saxaafadda u sheegay inay u soo kirayeen gaadiid ay dadku ay alaabtooda ku qaataan, kadibna si habsami ah ay ugu wareejiyeen guryihii loo diyaariyey.

qoysaska%20la%20raray%203Sidoo kale, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis oo ka hadlay halkaas, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo qorshahan lagaga raray dadkii degganaa keydka biyaha ee Hargeysa, isaga oo tilmaamay inay muhiimad u lahayd oo uu ku faraxsan yahay hawsha guryo dhisida iyo rarista qoysaskani inay ka soo dhammaato.

qoysaska%20la%20raray%201Waxa kaloo Maareeyuhu kula dardaarmay dadka la raray inay ilaashadaan guryaha loo dhisay, isagoo u ballanqaaday inay heli doonaan dhammaanba baahiyaha Aasaasiga ah, sida, biyaha, waxbarashada, Caafimaadka, Laydhka, Sariibado iyo Masaajidkii.

 

Save

Post a comment