No comments yet

Masuuliyiin Kormeeray Dhismaha Xayndaabka Kaydka Biyaha Hargeysa

 

Hargeysa (WB)- Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo masuuliyiin maayirka caasimaddu ku jiro, ayaa kormeer ku sameeyey dhismaha xayn-daabka loogu samaynayo  xarunta kaydka biyaha Hargeysa.

Wasiir Maxamuud Xaashi, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ay ka go’an tahay sidii dadka ku dhaqan caasimadda Hargeysa u heli lahaayeen biyo ku filan.

kormeerka%20kaydka%20biyaha2“Anniga iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda iyo Golaha Deegaanka, ayaa saaka (shalay subax) kormeer ku samaynay mashruuca dhismaha dayrka kaydka biyaha ee caasimadda Hargeysa.

kormeerka%20kaydka%20biyaha3Dhismaha dayrka oo aannu dhawaan dhagax-dhignay ayaa hadda gabagabo ku dhaw, waxanna qorshuhu yahay in la bilaabo dhismaha laba barkadood oo cusub oo ka mid noqon doona kaydka biyaha caasimadda Hargeysa.

kormeerka%20kaydka%20biyaha%204Waxaan ku hambalyeynayaa Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa oo hawshan gacanta ku haysa, Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo ciidanka booliska oo qayb libaax ka qaatay bannaynta goobtaasi iyo hirgalinta dhismaheeda,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi oo qoraal ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakadda bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook.

Save

Post a comment