No comments yet

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo ka Qeybgalay Shir Caalamiga ah oo Lagaga Hadlay Biyaha Nadiifta ah

Kumasi (HWA)- Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa ka qaybgalay shirka 39aad ee ay yeeshaan bahweynta Ingineernimada Biyaha iyo Xarunta Horumarinta Caalamiga ah (WEDC), kaasoo ka qabsoomay dalka Ghana ee galbeedka qaaradda Afrika, kaas oo socday 11 – 15 July 2016.

safarka%20maareeyaha10Shirkan oo ay martigelisay Jaamacadda  Tignoolojiga iyo Sayniska ee Kmawe Nkrumaha University of Science and Technology (KNUST)  oo xarunteedu tahay magaalada Kumasi ee dalka Ghana, waxa ka qaybgalay ergo gaadhaysa ilaa 350 oo ka kala yimmi dalal badan oo caalamka, iyadoo shirku socday muddo afar maalmood ah.

Maareeye Ibraahim Siyaad Yoonis oo waraysi uu shirkaas kaga xog-waramay siiyey Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay inuu casuumad ka helay Jaamacadda Labourought ee dalka England ee lagu barto biyaha iyo nadaafadda.

“Waxaan joognaa magaalada Kumasi oo ay nagu soo cashuuntay Jaamacadda Labourought University ee ku taal dalka England oo ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn dalkaas ee ka shaqeeya amma wax lagu barto xaga biyaha iyo nadaafadda, sannad walbana waxay qabtaan shir caalami ah oo lagaga hadlayo biyaha iyo nadaafadda adduunka, sannadkana waxa nasiib u yeeshay in lagu qabto waddanka Ghana, halka sannadkii horena lagaga qabtay Jaamacadda Labourought oo isla UK ah.

safarka%20maareeyaha9Markaa sidaynu wada ogsoonnahay biyuhu waa nolosha, noloshuna waa biyaha oo dhibaato badan baa ka taagan adduunyada oo dhan marka la eego biyaheeda oo ilaa lix boqol iyo lix iyo lixdan malyan oo qof, ayaan haysan biyo nadiif ah oo ku filan, badi-dooduna waxay ku nool yihiin waddamada ka hooseeya saxaraha Afrika, oo lagu qiyaasay inay ku nool yihiin ilaa saddex boqol iyo labaatan milyan oo aanay haysan biyo nadiif ah oo ku filan. Tusaale ahaan; nool laba boqol iyo siddeetan ayaa ku nool Aasiya, afar iyo siddeetanka soo hadhayna waxay ku nool yihiin dunida inteeda kale.

safarka%20maareeyaha12Markaa dhibaatadaa ka taagan meelo badan oo dunida ah ayey Jaamacadda Labourought, ayaa waxay go’aansatay in dadkii biyaha ka shaqeynayey, dadkii wax ka qoray ay meel isugu keento, si ay isku-waydaarsadaan aqoontooda,” ayuu Maareeye Ibraahim Siyaad Yoonis.

safarka%20maareeyaha17Ugu dambeyn, shirka Caamaliga ah ee soo qabanqaabisay WEDC oo waa mid meeqaam sare leh oo ahaa mid wax-ka-barasho caalami ah, isla markaana ah saaxad la isugu gudbiyo aqoon, kuna kulmaan xirfadlayaasha, dadka taladu ka go’do, aqoonyahanka iyo cilmi-baadhayaasha, kuwaas oo hormood ka ah hal-abuurka biyaha iyo fayo-dhowrka ee waddamada soo koraya, iyada oo hal-ku-dhigga sannadkan 2016 uu yahay “Xaqiijinta helitaanka iyo joogtayta maamul ee biyo iyo fayo-dhawr ay helaan dhammaan dadku.”

safarka%20maareeyaha18

Save

Post a comment