No comments yet

Dhisme Cusub oo Lagu Kordhiyey Dugsi Wakaaladda Biyaha Hargeysa u Dhistay Dadka Degaanka Biyo-shiinaha

Hargeysa (HWA)- Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Somaliland Md. Yuusuf Cismaan Garas iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahin Siyaad Yoonis, ayaa 07/August/2016 xadhigga ka jaray dhismaha cusub oo lagu kordhiyey Dugsiga Beeyo-khadar oo Wakaaladda Biyaha Hargeysa ka hirgalisay degaanka ee Biyo-shiinaha ee waqooyiga Hargeysa.

Xaflad loo sameeyey furitaanka dugsigan oo lagu qabtay Dugsiga Beeyo-khadar, waxa ka gaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Somaliland Md.Yuusuf Cismaan Garas, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahin Siyaad Yoonis, masuuliyiin ka kala socotay Wasaaradda Waxbarashada, Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo dadweynaha ku dhaqan degaankaas.

Ugu horreyn, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada Somaliland Md. Yuusuf Cismaan Garas oo xadhigga ka jiray labadan fasal ee lagu kordhiyey dugsigan Beeyo-khadar, waxa uu si weyn ugu mahad-celiyey maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa ee hirgaliyey dugsiga degaankan.

Waxa kale, Wasiir Garas u ballanqaaday dadka ku dhaqan degaanka laga hirgaliyey dugsigan inay ka Wasaarad ahaan maclimiin fiican u keeni doonaan, isaga oo kula dardaarmay dadka ku dhaqan degaanka inay ka faa’iidaystaan.

maareeyaha%20wakaaladda%20biyaha%20hargeysaMaareeyaha Wakaalada Biyaha Ibraahin Siyaad Yoonis oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inuu dhismahani yahay labad fasal, horena ay wax uga dhiseen dugsiyadaasi, isaga oo arrintaas ka faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; “Illaahay mahadii, kuligeen faraxada bay inoo tahay, marlabaad inaynu isugu nimaadno innaga oo qaybtii kale ku darnay dugsigan oo laba fasal ah, annaga oo horena u dhisnay qaybtaasi kale.”

Ibraahin Siyaad Yoonis oo sharraxaad ka bixinayey ujeeddada ay dugsiga uga dhiseen Beeyo-khadar, ayaa yidhi; “Degaankan Beeyo-khadar waxay ku jirtaa halbowlaha biyo soo saarka, waanna kaamka labaad ee biyo soo-saarka xilka iyo waajibaadkayaga ayey tahay inaan dadka deegaanka wax laqabanno haddii ay dugsigan tahay iyo haddii ay caafimaad tahayba. Iminkadan waxaan ballanqaadayaa codsigaasi ay soo jeediyeen ee Maclimiinta Dugsiga Sare inaannu sidii aannu kuwii horeba gacanta uga geysan jirnay kuwana uga geysan doono annaga ka Wakaalada ahaa wixii nagu soo qayba diyaar aannu u nahay boqolkiiba boqol.”

Geesta kale, Taliyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Axmed Cali Dable iyo qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan degaankaas Beeyo-khadar oo halkaasi ka hadlay, ayaa dhammaantoodba sheegay in degaankani baahi weyn u qabay dugsigan, isla markaana ay kaga maarmi doonaan waxbarasahdii ay ugu socdaali jireen dugsiyadda ku dhex yaalla caasimadda.

Save

Save

Save

Post a comment