No comments yet

Heshiis Dhexmaray Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Shirkadda CES – Germany ee ku Guulayasatay La-talinta Mashruuca Biyo-qeybinta Caasimadda

Addis Ababa (HWA)- Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha Prof. Maxamed Aw Daahir, ayaa 03/September/2016 heshiis la saxiixday Shirkadda CES – Germany oo ka shaqeyn doonta La-talinta diyaarinta adeegyada habka nashqadda oo faahfaahsan ee caawinta kormeerka goobta dhismaha Mashruuca Biyo-qeybinta fayo-dhawrka fudud iyo joogteynta maamulka dhulka.

heshiiska%20wbh%20%20wbjsl%204Heshiiskan waxa goob-joog ka ahaa Ambassador-ku-xigeenka Somaliland ee u fadhiya Ethiopia, isla markaana ah Ku-simaha Ambassador Ayaanle, Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Prof. Maxamed Daahir, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis, Madaxa Shirkadda CES – Germany Gert Racherbaumer, Xoghaya Madaxtooyada Somaliland Md. Mawliid iyo Madax ka socotey Shirkadda CES iyo MSC, ayaa dhacay magaalada Addis Ababa.

heshiiska%20wbh%20%20wbjsl%201Maareeyaha Wakaaladda Biyaha iyo Wasiirka Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Shirkadda magaceeda la yidhaahdo CES – Germany heshiiska la saxeexatay, ayaa mashruuca fulintiisu mas’uul ka noqonaya doona illaalinta tayada shaqadda ee labada mashruuc.

“Waxaanu maanta aniga [Ibraahim Siyaad Yoonis] iyo Wasiirka Beeraha Somaliland aannu heshiis kula saxeexaney magaalada Addis Ababa ee Ethiopia shirkadda CES oo shirkad Germany ah (CES Consulting Engineers Salzgitter GmbH in Association with MS Consultancy) oo hore ugu guulaysatey inay diyaariso adeegyada la-talinta nashqadda mashruuca biyo-qeybinta caasimadda iyo joogteynta maamulka Dhulka Somaliland, waxaanan Illaahay ka baryaynaa in uu innagu guuleyo dhameystirka hawsha,” ayuu yidhi Ibraahim Siyaad Yoonis sida ku baahiyey barta uu ku leeyahay facebook-ga oo safar shaqo ku jooga magaalada Addis Ababa.

heshiiska%20wbh%20%20wbjsl%206Sidoo kale, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland heshiiskan ay kula saxeexanayeen shirkaddan CES – Germany oo marka la bilaabo labadan mashruuc illaalin doon tayada shaqadda, waxaannu intaa ku daray; “CES – Germany waxay hadhow si illaalinayso tayada shaqadda ee labadan mashruuc ee ay la saxiixatay Wakaaladda Biyaha iyo Wasaaradda Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland.”

heshiiska%20wbh%20%20wbjsl%2011Ugu dembeyn, waxa heshiiskan si wada jir ah u wada saxeexay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, Wasaaradda Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madaxa Shirkadda CES Germany Gert Racherbaumer oo ay wehelinayaan madax kale, ayaa guul ku soo dhammaaday, iyada oo la rajenayo in si dhakhso ah loo bilaabo doono hawshan.

Save

Save

Post a comment