Select Page

Safiirka Shiinaha ee Somaliland iyo Soomaaliya oo Booqday Mashruuc Dawladdiisu ka Hirgelisay Hargeysa ka Hor 40 Sanno

Safiirka Shiinaha ee Somaliland iyo Soomaaliya oo Booqday Mashruuc Dawladdiisu ka Hirgelisay Hargeysa ka Hor 40 Sanno
 
Hargeysa (hargeisawateragency) Safiirka waddanka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. H.E. Wei Hong Tain, ayaa booqday goobaha ay ku yaallaan ceelasha biyaha caasimadda Somaliland ka cabto oo dawladdiisu ka hirgelisay degaannada Geed-deeble iyo Beeniyo Liiban ee woqooyiga Hargeysa shalay.
Weftiga Safiirka Shiinaha oo uu horkacayey Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahin Siyaad Yoonis, ayaa kormeer ku soo maray goobaha ceelasha biyaha ee Geed-deeble iyo Beenyo Liiban oo dawladda Shiinuhu hirgelisay muddo haatan laga joogo 40 sannadood.
 img_3544Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahin Siyaad Yoonis oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in uu si weyn u soo dhaweynayo weftiga Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ee socdaalka ku yimi Somaliland, isagoo uga sheekeeyey tayada mashruucaas biyaha ilaa hadda ka cabto caasimadda Hargeysa la kala dhisay sannadihii 70-tanaadkii iyo ilaa siddeetamaadkii.
Mr, Yoonis waxa uu xusay inay ka rajeynayso inay intaasi iyo in ka badanba wax kala qabtaan helaanka biyo ku filan Hargeysa, isla markaana soo dhaweynayaan taageero ay ka helaan dawladda Shiinaha.
Geesta kale, Ambassador H.E. Wei Hong Tain, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko mashruuc sannado badan ka hor Shiinuhu fuliyey Somaliland oo ilaa hadda shaqaynaya, waxaannu ku tilmaamay astaan muuqata oo u taagan xidhiidhka labada dal.

 

 

 

Wariye Siciid Xuseen Yuusuf
Hargeysa Water Agenc  Office Hargeysa
Siciid4@yahoo.com

Save

About The Author