Select Page

Maareeyaha Cusub ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo Xilka la Wareegay Dulucda khudbado labada masuul ee xafiiska kala tirsaday ka jeediyeen madasha xil-wareejinta

1
 
Dulucda khudbado labada masuul ee xafiiska kala tirsaday ka jeediyeen madasha xil-wareejinta

 
Hargeysa (hargeisawateragency) – Maareeyaha cusub ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Maxamed Cali Axmed (Daarood), ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay Maareeyihii hore Ee Wakaalada Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis 
6
Munaasibad ballaadhan loo sameeyey xil-wareejinta labada masuul oo lagu qabtay hudheelka Guuleed ee magaalada Hargeysa shalay waxa ka qaybgalay, wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, Maayarka Caasimadda, xildhibaanno baarlamanka ah, masuuliyiin ka kala socday hay’adaha caalamiga ah ee wada-shaqaynta la leh Wakaaladda Biyaha, madax-dhaqameedyo, aqoonyahanno iyo marti-sharaf kala duwan oo tiro badan.
img_0905
Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ka mid ah Guddiga Sare ee Maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo ugu horreyn xafladdaas ka hadlay, ayaa ammaan weyn u jeediyey maareeyihii hore Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis oo uu sheegay inuu muujiyey
img_0908
waxqabad muuqda iyo dedaal weyn muddadii uu xilka hayey, isagoo maareeyaha cusubna u rajeeyey inuu Ilaahay ku garab galo masuuliyadda culus ee loo xambaariyey.
Maareeyihii hore ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Ibraahim Siyaad oo ugu horreyn u mahadnaqay cid kasta oo la soo
shaqeysay,  ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyey munaasibadda uu xilka ku wareejiyey, waxa uu tafaasiil ka bixiyey waxyaabaha u qabsoomay muddo lix sannadood iyo dheeraad ah uu xafiiska fadhiyey.
“Waxaan warbixin kooban ka bixin doonaan Wakaaladda Biyaha ee maanta laga joogo muddo ku siman lix sanno iyo saddex bilood aan la wareegay iyo Wakaaladda Biyaha ee aan maanta wareejinayo. Markaas waxay Wakaaladda Biyaha Hargeysa ahayd mid kooban oo ay ka shaqeeyaan 350 shaqaale ah oo haba yaraatee wax mashaariic ah ama hay’ad ama deeq-bixiye ah la shaqeyaa aannu jirin. Waxa la igu wareejiyey mishiinno aad u gaboobay oo daalay, waxa la igu wareejiyey, waxa la igu wareejiyey shaqaale mushaharkoodu aad u kooban yahay. Ilaahay mahaddii muddadaas aan joogay wax badan baa iska beddelay.”
Mar uu ka hadlayey mashaariicda qaybyada ah ee haatan socda, waxa uu yidhi; “Waxaynu ognahay biyuhu waa nolosha, noloshuna waa biyaha, biyuhuna waa xasaasi oo waa in aad loo hubiyaa. Nasiib-darro, Somaliland kama jirto wakaalad biyeed oo biyuhu markay magaalada soo gaadhaan hubisa, ayaa waxaannu ku guuleysanay in aannu sameyno laab casri ah oo iminka dhismihiisii dhammaaday oo loo qaatay shaqaalihii oo la soo tababaray.” ayuu yidhi maareeyihii hore.
“Waxyaabaha ii hirgalay intaan joogay waxa ka mid ah, in Wakaaladda Biyaha Hargeysa laga fogeeyo siyaasadda, sababta oo ah waad maqlayseen waxa qaadhaan-bixiyeyaal la shaqeeya wakaaladda, aniga oo la wareegay wakaalad biyood oo aannu hal qaadhaanb-ixiye hal dollar ka soo galin, maantana waxaan wareejinayaa Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo $60,000,000 dollar lacag ka badan ay qaadhaan-bixiyeyaashu siiyaan, waxaanan u rajeynayaa maareeyaha cusub in Ilaahay u fududeeyo xilka,” ayuu yidhi maareeyihii hore.
Mr. Siyaad waxa uu si weyn ugu mahadnaqay dhammaan cid kasta oo gacan ka siisay waxqabadka Wakaaladda Biyaha Hargeysa gaadhay muddadii uu xilka hayey, waxaannu si gaar ah ugu mahad-celiyey qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera mashaariicda horumarka iyo hay’adaha caalamiga ah ee maalgeliyey mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda oo haatan gebagebo maraya.
Maareeyaha cusub ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Maxamed Cali Axmed (Daarood) oo isaguna madashaas ka hadlay, ayaa ku bogaadiyey maareeyihii hore iyo shaqaalaha horumarka wakaaladdu ku tallaabsatay.
“Waxaan rumeysannahay oo aan aaminsannahay, sidaad dhammaantiiban dareensan tihiin masuuliyada iyo xilalka qaranku inay yihiin meerto, xilkuna cidna lamuu dhalan oo ninba maalin buu wareejiyaa oo masuulba maalin buu qabtaa oo maalinna wuu ka tagaa. Balse, masuul kasta waxa lagu xasuusanayaa raadka iyo taariikhda uu ka tago, sidaa daraadeed waxaannu ku dadaali doonaa inta aan joogo Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa aniga oo kaashanaya shaqaaleweynaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo hay’adaha ay wada shaqeynta la leedahay bal in aan shacabkan u raadinno biyo ku filan oo nadiif ah,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Cali Axmed (Daarood).
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Maareeye-ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa Cismaan Cabdillaahi Hirad, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Amb. Kaysar Cabdillaahi Maxamed iyo Wasiirul-dawlaha Biyaha Md. Mahdi Cismaan Buuri, waxaanay dhammaantood bogaadiyeen horumarka wakaaladdu ku tallaabsatay dhowrkii sannadood ee u dambeeyey.
Masuuliyiinta Waaxda Maamulka iyo Lacagta iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa iyaguna faahfaahin ka bixiyey nidaamka hawl-maalmeedka joogta ah ee shaqada wakaaladda, heerka wax-soo-saarkeeda iyo weliba qorsheyaasheeda mustaqbalka dhow iyo ka fog.
Ugu dambeyn, maamulka waaxyaha iyo shaqaalaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa shahaado-sharaf ku suntan waxqabadkiisii ku sagootiyey maareeyaha xilka wareejiyey Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis.

 

 

Wariye Siciid Xuseen Yuusuf

Siciid4@yahoo.com

Hargeisa Wateragency

Siciidm2090@gmail.com

About The Author