Select Page

Waa Kuma Maareeyaha Cusub ee Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay Wakaaladda Biyaha Hargeysa?

Waa Kuma Maareeyaha Cusub ee Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay Wakaaladda Biyaha Hargeysa?

Maareeyaha cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u magacaabay Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Maxamed Cali Axmed (Daarood) waa aqoonyahan da’yar oo wax ku bartay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, isla markaana haysta shahaadada sare ee MASTER.
Xilka Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa ee loo magacaabay Mr. Maxamed Cali Axmed waxa uu ka mid yahay xilalka ugu muhiimsan qaranka Somaliland, maadaama masuul looga dhigay hay’adda dawladda ugu xilsaaran maamulka biyaha caasimadda oo ay ku nool yihiin dad tiradooda lagu qiyaasay hal malyuun iyo badh qof, kuwaas oo nooqonaya ku dhowaad kala-badh bulshada ku dhaqan dalka oo dhan.
Haddaba, waxaan akhristeyaasha halkan ugu soo bandhigayaa qormo kooban oo ku saabsan heerka aqooneed, xilkasnimada iyo kartida shaqsiga uu Madaxweyne Siilaanyo ku aaminay masuuliyadda culus ee hawsha maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa.
Maareeye Daarood waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1985kii, halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare, gaar ahaan dugsiyada Waraabe-salaaan, Biyo-dhacay iyo Gacan-libaax.
Shahaadada 1aad ee jaamacadda waxa kuu ku qaatay Jaamacadda Caalamiga ah ee Africa oo ku taaal Sudan, wuxuuna bartay cilmiga maamulka iyo dhaqaaalaha. Shahaadada labaad ee Jaamacadda (Masters’ Degree) waxa uu ku qaatay isla dalka Sudan, isagoo bartay cilmiga maaliyadda iyo Bangiyada. isaga oo ka baxay Jaamacadda Caalamiga ah ee Sudan.
Aqoonta Maxamed Cali kuma koobna oo keliya intaas ee waxa kaloo uu diyaariyey shahaado kale oo master ah uu ku qaatay Iskaashiga Caalimiga ah iyo Gargaarka Bani’aadminimo (International Cooperation and Humanitarian Aid), wuxuuna ka diyaariyey Jaamacadda KALU oo ku taal dalka Spain. Waxa kale oo uu si xeel-dheer u bartay culuunta saxaafadda oo uu ka dhigtay dugsiga caanka ah ee lagu barto culuunta saxaafadda ee loo yaqaan School of Journalism, Michigan State University oo ku yaal dalka Maraykanka.
Aqoontaa dheer ee Maareeye Daarood leeyahay waxa uu ku darsaday khibrad shaqo oo aan iyana ka laadlaadin. Waxa uu ahaa ilaa hadda yahay bare sare oo wax ka dhiga jaamacadaha kala duwan ee dalka Somaliland, wuxuuna wax ka soo dhigay Jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan Mac-hadka Xallinta Khilaafadka, Jaamacadda Abaarso Tech, Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda iyo Jaamacadda Caalamiga ah ee Beder oo uu ilaa imminka ka yahay hormoodka Kulliyadda Ganacsiga iyo Dhaqaalaha.
Marka laga yimaad macallinnimada iyo maamulka hay’adaha kala duwan ee waxbarasho waxa uu muddo la shaqaynayey hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ee dalka ka hawlgala. Muddadaas uu hay’adaha u shaqaynayey waxa uu soo qabtay xilal kala geddisan iyo hawlo badan oo la xidhiidha dhinaca cilmi-baadhista. Waxa uu Agaasime Fulineed ka noqday hay’adda waddaniga ee SOLPAF oo ah dallad taageerta reer-guuriga, taas oo ay ku bahoobeen hay’ado badan oo waddanka ka hawlgala. Waxa uu laba sanno ka shaqaynayey cilmi-baadhis ku saabsan habka siyaasadda Somaliland u dhisan tahay iyo doorka lammaanaha oo ay wada fulinayeen Jaamacadda University College Londan (UCL) iyo Hay’adda Progressio. Cilmi-baadhistaas oo ah mid muhiima wuxuu ka qaatay door libaax, wuxuuna gebi ahaan daraasadda u turjumay luuqadda Ingiriisida, maadaama xogta cilmi-baadhista markii hore lagu ururiyey Af-soomaali.
Sidoo kale, Mohamed Ali waxa uu door shariif ah ka qaatay cilmi-baadhis ay wada fuliyeen Hay’adda Word Vision iyo Jaamacadda Charles Darwin ee dalka Ustraliya oo ku saabsan qiimaynta mashaariicda kala duwan ee World Vision ka waddo Somaliland iyo sidii loo tayayn lahaa ee u noqon lahaayeen qaar wax-ku-ool ah, isla markaana midho-dhala oo bulshada wax tara. kana shaqeeya meelo badan.
Maareeyaha cusub ee Wakaaladda Biyaha Hargeisa waxa uu ahaa qoraa, isaga oo la soo shaqeeyay Mashruuca La-dagaallanka Gabbood-falladda ka Dhanka ah Dumarka Soomaalida ee Waris Diire oo ah Safiirka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan la-dagaallanka iyo ka-hortagga xadgudubyada liddiga ku ah haweenka, waxaannu qoray maqaallo afaf badan loo turjumay oo ku saabsan arrintaas. Maxamed waxa kale oo uu la soo shaqeeyey wargeyska toddobaadka ku soo baxa luqadda Ingiriisida ee The Republican oo mataano la ah Jamhuuriya.
Magacabistiisu waxa ay ku soo beegantay waqti aanay badi shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa helin biyo ku filan, sidaa daraadeed Maareeyaha cusub ee Wakaaladda Biyaha waa aqoonyahan koobsaday aqoon, xilkasnimo iyo karti ku habboon gudashada xilka weyn ee loo xambaariyey, waxana laga rajaynayaa dhammaystirka mashaariicda biyo-ballaadhinta caasimadda Somaliland oo haatan ku dhow gebagebo.

Wariye Siciid Xuseen Yuusuf

Siciid4@yahoo.com

About The Author