Select Page

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo Caddeeyey inuu Meel Fiican Marayo Mashruuca Biyo-ballaadhinta Caasimadda

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo Caddeeyey inuu Meel Fiican Marayo Mashruuca Biyo-ballaadhinta Caasimadda

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo Caddeeyey inuu Meel Fiican Marayo Mashruuca Biyo-ballaadhinta Caasimadda

Hargeysa (hargeisawateragency.)- Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Maxamed Cali Axmed (Daarood), ayaa caddeeyey inay meel fiican marayso hawsha mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Somaliland oo uu xusay inuu ku dhammaan doono waqtigii loogu talogalay.
Maareeye Daarood oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay xafiiskii shalay, waxa uu waxba kama jiraan iyo been-abuur cad ku tilmaamay warar saxaafadda maxalliga qaarkood baahiyeen oo lagu sheegay inuu joogsaday mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa, isagoo sheegay in hawsha mashruucu sidii loogu talogalay u socoto.
“Mashruuca biyo-ballaadhinta waa mashruuc muhiimad weyn ugu fadhiya shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa, waxana naga go’an wakaalad ahaan iyo xukuumad ahaanba in aannu xaqiijinno inuu waqtigiisii ku dhammaado. Waxa jira websaaydyo iyo joornaallo qoray hawshii biyo-ballaadhintu ma socto. Sida aad ogtihiin waxaynu ku jirnaa kala-guurkii sannadka cusub, waxaanay hay’adaha hawsha waday ku jiraan fasaxii kirsmaska sida dhammaan hay’adihii caalamiga ahaa ee dalka joogay fasaxa ugu jiraan, laakiin wax istaagay ma jiraan, wax walbana sidii loogu talogalay bay u soconayaan marka ay fasaxa ka soo laabtaan maalmaha soo socda.”

maareeyaha-cusub-ee-wakaalada-biyaha-hargeysa-maxamed-cali
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo sharraxaad ka bixinayey qaab-dhismeedka hawsha mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda iyo doorka wakaaladdu ku leedahay, waxa uu yidhi; “Doorka wakaaladdu ku leedahay mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa waa inay hubiso, dabagalna ku samayso habsami-u-socodka mashruuca, waxana hawsha mashruucan gacanta ku haysa shirkad caalami ah oo laga leeyahay dalka Itoobiya, waxana heshiiska qandaraaska siisay Midowga Yurub (EU) oo mashuuca maalgalisay, xagga tayada iyo hubintiisana waxa masuul ka ah hay’adda UN-Habitat, waxana dhammaantayo naga go’an inuu degdeg u dhammaado mashruuca biyo- ballaadhinta oo haatan meel wanaagsan maraya.”
“Waxa aan arkay qaar ka mid ah warbaahinta oo qoray wakaaladda biyaha ayaa haysa lacagta mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa. Waxaan u sheegayaa in aanay wakaladdu door ku lahayn arrimaha lacagta mashruucaas, waana heshiis u dhexeeya shirkadda Itoobiyaanka ah ee ku guulaysatay fulinta mashruuca iyo hay’adda UN-HABITAT.”
Dhinaca kale, Maareeye Daarood waxa uu ka warramay waxyaabaha u qabsoomay muddo aad u kooban oo uu xafiiska fadhiyey, waxaannu sheegay in markii uu xilka la wareegay inay fadhiyeen saddex ka mid ah toddoba mishiin oo yaal waaxda biyo-soo-saarka ee Geed-deeble, haatanna ku guulaystay inuu laba mishiin oo fadhiyey kiciyo, kii saddexaadna maalmaha soo socda la dhammaystiro doono.
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay inay kordhiyeen saacadihii shaqada biyo-soo-saarka markii hore koobnaa, tallaabadaas oo uu sheegay inay suurtogelisay in shacabka reer Hargeysa helaan biyo ka badan intii hore.
Wax kaloo halkaas ka hadlay masuulka hay’adda UN-HABITAT u qaabilsan mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa Mr. Maxamed Faarax, “Shaqadii hawsha mashruuca biyo-ballaadhin 60% waa la qabtay, shirkadda qandaraaska qaadatayna sida ugu dhaqsaha badan ayey dhammaynaysaa, mashruucuna waqti buu ku socdaa, mana dhici karto in sabab la’aan la joojiyo shaqada, haddii hawshu joogsatana waxa dhaawac ka soo gaadhayaa shirkadda heshiiska saxeexday oo uu ku dhici karo toban kun dollar oo khasaare ah maalinta kaliya ee ay joojiso. Imminka markay fasaxa ka soo noqdaan way bilaabayaan hawshoodii. sidaa darteed waxaan shacabka caasimadda Somaliland u sheegaynaa in hawsha mashruuca biyo-ballaadhintu ku dhammaan doonto sidii loogu talogalay,” ayuu yidhi Mr. Faarax.

 

Wariye siciid Xuseen Yuusuf

siciid4@yahoo.com

 

About The Author