Select Page

Hargeysa: $2 milyan oo Qayb ka ah Mashruuca Biyo Ballaadhinta oo Lagu Wareejiyey Wakaaladda Biyaha

Maareeye Maxamed CaliHargeysa(HWA) Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood ayaa,sheegay inay ku guulaysteen toddobaadkan  lacagtii ka dhinayd dhammaystirka mashruuca, biyo balaadhinta Caasimad Hargeysa Maruu shalay ka hadlaayey kormeeray ay ku sameeyeen habsami u socodka mashruuca biyo balaadhinta maareeyahay iyo xubno ka tirsan golaha wasiirad sida Wasiirka biyaha ,Wasiir ku xigeenka madaxtooyad, wasiir ku xigeenka qorshaynta qaranka ,Maareeyahay oo dareen farxadeed ku soo dhaweeyey  waxaanu yidhi; “Waxaan jeclaan lahaa in aad  fursadan uga faa’iidaysto in aan u mahadcelino Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) iyo Midowga Yurub (EU) oo noogu deeqay $2,000,000 (laba milyan oo doollar) oo ahayd mashruuca hawl ka dhinayd, waxaanu markii hore haynay baybabka iyo laynkaas dheer oo  ahaa 23 kilometer oo immika ka dhamaystirmay  19 kilometer. Laakiin, mushkiladu waxa ay ahayd isku xidhka ceelasha Horo-haadlay iyo ceelasha Geed-deeble oo ahayd sidii la iskugu xidhi lahaa, oo biyo lagu tijaabiyo maynu haysan, sidaana uu mashruucu inoogu dhammaan doono, xiligii ugu fiicnaa ayeynu maraynaa, hawshuna meel wanaagsan ayey maraysaa, cidkastaana waxa ay ku dedaalaysaa in ay hawshu si fiican u dhammaato.”ayuu yidhi maareeye daarod

 

 

Wariye siciid Xuseen Yuusuf

HWA OFFICE HARGEYSA

SICIIDM2090@GMAIL.COM

About The Author