Select Page

Wefti Xukuumadda ka Tirasan oo Kormeeray Mashruuca Biyo-ballaadhinta Caasimadda

Wefti Xukuumadda ka Tirasan oo Kormeeray Mashruuca Biyo-ballaadhinta Caasimadda

IMG_2316
Wefti Xukuumadda ka Tirasan oo Kormeeray Mashruuca Biyo-ballaadhinta Caasimadda

Hargeysa (HargeisawaterAyency )- Wefti ballaadhan oo ka tirsan xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo isugu jiray Wasiirro iyo Wasiir-ku-xigeenno uu korkacayey Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa kormeeray habsami-u-socodka mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda. Weftigan oo kormeerkooda ugu kuurgalay goobaha uu ka socdo mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda, waxa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland, Wasiir-ku-xigeennada Madaxtooyada iyo Qorshaynta, kuwaasoo dhammaanba soo maray goobaha uu ka socdo mashruuc biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa ee ay ka mid yihiin Hor-haadlay, Geed-deeble iyo beebka soo xidhiidhsan ilaa Hargeysa.

 

 

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood oo ka war bixiyey habsami-u-socodka mashruuca biyo-ballaadhinta, ayaa sheegay inay ku guulaysteen toddobaadkan  lacagtii ka dhinayd dhammaystirka mashruuca, waxaanu yidhi; “Waxaan jeclaan lahaa in aad  fursadan uga faa’iidaysto in aan u mahadcelino Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) iyo Midowga Yurub (EU) oo noogu deeqay $2,000,000 (laba milyan oo doollar) oo ahayd mashruuca hawl ka dhinayd, waxaanu markii hore haynay baybabka iyo laynkaas dheer oo  ahaa 23 kilometer oo immika ka dhamaystirmay  19 kilometer. Laakiin, mushkiladu waxa ay ahayd isku xidhka ceelasha Horo-haadlay iyo ceelasha Geed-deeble oo ahayd sidii la iskugu xidhi lahaa, oo biyo lagu tijaabiyo maynu haysan, sidaana uu mashruucu inoogu dhammaan doono, xiligii ugu fiicnaa ayeynu maraynaa, hawshuna meel wanaagsan ayey maraysaa, cidkastaana waxa ay ku dedaalaysaa in ay hawshu si fiican u dhammaato.”

 

Dhanka kale, waxa ka isna halkaas ka hadlay Wasiirka Khayraadka Biyaha Md. Xuseen Cabdi Boos  oo si weyn u soo dhaweeyey halka uu marayo  mashruuca biyo-ballaadhintu waxaanu u rajeeyey in dhawaan shacabka caasimaddu heli doonaan biyo macaan oo nadiif ah.

“Insha Allaah hawshu si degdeg ah ayey hawshu u socotaa, waanad aragtaan in aanu wasaarad ahaan aanu ka soo qaybqaadanay waxaanan wadnaa dedaalkii hore ka ballaadhan, insha Allah waxaan rajaynaynaa in biyo macaan oo nadiif ah la helo sida ay xukuumaddu ugu dedaalayso, wakhtiguna wuu dheeraaday, dadkiina wayna eegayaan laakiin imiga way iska dhaw dhawdahay,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada Md. Axmed Xaashi  Cabdi isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka xukuumad ahaan ka go’antahay  hirgalinta mashruucan, waxaanu xusay in ay guulweyn u tahay inay  ku soo guulaystaan lacagtii dhammaystiri lahayd mashruucan biyaha lagu gaadhsiinayo bulshada caasimadda.

“Waxaanu halkan u nimid in aanu u guurgalno hawlaha ka socoda biyo ballaadhinta Caasimada Hargaysa, halka ay marayaan inta wax la soo qabtay carqaladaha hor yaal, sida Maareeyuhu sheegay waxa ahaayeen carqaladaha horyeelay qaybaha magaalada iyo isku xidhka oo marba wax soo baxayeen, kaana waxaanu kaga hadalnay shirkii u danbeeyey ee aanu la lahayn, taasna waanu ku guulaysanay sida uu sheegay Maareeyaha Wakaaladda biyuhu waanu ku guulaysanay $2,000,000 (laba milyan oo dollar) ee sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF ku deeqay, xukuumaduna way ka hawlgashay,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Madaxtooyadu.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Md. Kaysar Cabdillaahi Maxamed, waxaannu yidhi; “Muhiimadda koowaad ee Madaxweynaha Somaliland muhiimada siiyey waxa weeyaan sidii shacabka Somaliland ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah oo ay awoodaan, gaar ahaan caasimadda Hargaysa, sidii qof kastaa u heli lahaa biyo nadiif ah, waxaanay tani ku tusaysaa sida ay nooga go’antahay xukuumad ahaan in la helo biyo nadiif ah, si wanaagsana hawshu way u socotaa, waxanan aad ugu mahadnaqayaa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha iyo shaqaalaha hawshan ku jira ee habeen iyo maalin ka shaqaynaya.”

Guddoomiyaha Shirkadda Star Group Mr. Ismaaciil oo halkaasi ka hadalay, ayaa sheegay in mashruucu halkii ugu fiicanayd marayo, waxaannu yidhi; “Waxa anaguna isku taxaluujin doonaa anaga iyo shirkadan Hawaash in aanu sida ugu dhakhsaha badan intaan roobabku iman ay dhammaystiraan oo ay dooxa ka gudbaan waqti dhaw ayaan soo gabogabayn doonaa, runtii Maareeyuhu aad ayuu uga qaybqaatay isaga iyo wasiirradu sidii ay hawshu u dhaqaaqi lahayd, dedaal badana waa la sameeyey, biyuhuna insha ALLAAH way soo gaadhi doonaan.”

 

Siciid Xuseen Yuusuf

HargeisawaterAyency Media

About The Author