Select Page

Safiirka Holland Ee Somaliland & Somalia oo Kormeer ku Tagey Mashruuca Biyo-ballaadhinta Caasimadda

Safiirka Holland Ee Somaliland & Somalia oo Kormeer ku Tagey Mashruuca Biyo-ballaadhinta Caasimadda
  • WAFTIGA SAFIIRKA 2Waftiga safiirka 3waftiga safiirka 4Hargeysa (HargeisaWaterAgency)- Wefti balaadhan oo uu hoggaaminaayo Safiirka dalka Holland ee Somaliland & Somalia Ambassador Frans Makken, ayaa shalay booqasho ku tagey goobaha uu ka socdo mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa ee Degmadda Daarsalaam.

Waftigan oo ay hor kacyeen   Wasiir-ku-xigeen Madaxtooyadda iyo Maareeye-ku-xigeen Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Cismaan Cabdillaahi Hirad, ayaa ay ku wehelinayeen booqashadan, Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta Qaranka, Maayar-ku-xigeen ka caasimadda, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Warbaahinta, Wakiilka SDF, ayaa soo socodkooda ka bilaabay Hargeysa, waxayna goob-goob u dul tageen, isla markaana warbixin kagaga dhegaysteen masuuliyiinta shirkadaha ku hawlan hirgalinta mashruucan biyo-ballaadhinta caasimadda.

Ugu horreyn, Maareeye-ku-xigeen Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Cismaan Cabdillaahi Hirad oo halkaasi kala hadlay saxaafadda, ayaa sheegay inay ka Wakaalad ahaan si weyn u soo dhaweynayaan weftiga safiirka, waxannu tilmaamay in kormeerkan yahay xaqiiqo-raadin ah.

“Waxaan aad iyo aad u soo dhaweynayaa weftigan Safiirka Holland hoggaamiyo oo markii ay madaarka ka soo dageenba toos noola soo eegay habsami-u-socodka mashruucan, waxanna farxad weyn noo ah inuu nala arko halka uu marayo mashruucan oo ay dhaqaalihiisa qayb ka yihiin, iminkana aan rajeynayno inay dalka holland ka qaybqaato xagga beebka runtii waxaan ka badnaynin 10km baa hadhay barkadii biyuhu ku soo dhacayeena meel fiican bay maraysaa dhawaan waxa filayaa inuu dhammaan doono,” ayuu yidhi Cismaan Cabdillaahi Hirad.

Wasiir-ku-xigeen Madaxtooyadda Md. Axmed Xaashi oo halkaa ka hadlay, ayaa faahfaahiyey ujeeddada weftiga safiirka, waxannu xusay inay muhiimad ugu weyni tahay inay soo eegaan wax-ka-dhiman mashruuca gaar ahaan isku xidhka mashruuca.

“Muhiimad weftiga Safiirku waa inay indho-indheeyaan halka uu marayo, gaar ahaan waxyaabaha gacanta ka geysan karaan, waxaan leeyahay aad iyo aad ayaan idiinku mahad-celinayaa iminka marka la isku xidho ceelasha iyo beebabka waxa la gali doonaa biyo-qeybtii magaalada Hargeysa waxaanan ugu baaqayaa bulashada inay soo dhaweeyaan,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeen Madaxtooyadda Md. Axmed Xaashi.

Maayar-ku-xigeen Caasimadd Md. Cabdicasiis Cago-weyne oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kormeerka waftiga safiirka, waxannu xusay inuu mashruuca biyo-ballaadhintu meel fiican oo gabogabo ku dhaw maraayo, isla markaana dhawaan la xaqiijin doono, waxannu yidhi; “Annaga ka Xildhibaanno ahaa waannu ku faxsanahay in caasimaddii nalaga soo doortay biyo hesho, markaa waxaan leeyahay Hargeysa oo wado iyo biyo heshaa waxay la tartami doontaa caasimadaha kale.”

Wasiir-ku-xigeenka Qorsheynta Qaranka Somaliland Md. Keysar Cabdilaahi oo halkaas ka hadlay, ayaa ku amaanay maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa inay qabteen shaqo laxaad leh, waxaannu hadalkiisii ku bilaabay; “Runtii markaad soo aragto xaqiiqad mashruuca waxa kuu caddaanaysa in shaqo xoog leh la qabtay, waxaanan ku hambalyeynayaa maamulka Wakaaladda Biyaha iyo hawlwadeennadeeda, waxa hubaal ah in daboyaaqada sannadkan guri karta oo Hargeysa ku yaalaa uu biyo heli doono. Dadaalka xukuumada ee ah in biyo la helo maaha mid ku kooban caasimad laakiin waa mid ka go’an Madaxweynaha.”

Ugu dembeyn, Ambassador Frans Makken  oo socdaalkiisa ka hadlay, waxa sheegay inuu indho-indhaynaayo sida uu u socod mashruucan biyo-ballaadhinta Hargeysa oo ku tilmaamay mid muhiim u ah bushadda ku dhaqan,waxannu tilmaamay in mashruucu gabogabo ku dhawyaha marka loo eego waxa la qabtay.

About The Author