No comments yet

Kulan Dhexmaray Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Gaadiidka Yaryar ee Biyaha u Dhaamiya Bulshada Caasimadda

 

Hargeysa (HWA) Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md.  Maxamed Cali Daarood oo uu wehelinayo Maareeye-ku-xigeenku, ayaa kulan la yeeshay gaadiidka yaryar ee biyaha u dhaamiya bulshadda ku dhaqan caasimadda Somaliland.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa shalay, waxa lagaga wadahadlay qiimaha dad caasimadda lagaga iibinayo biyaha laga dhaamiyo kaalmaya ku yaal gudaha Hargeysa.

“Wakaaladda Biyaha Hargeysa kadib, waxa magaalada gudaheeda waraabiya waa booyadaha. Waad ogtihiin oo waxa ay Wakaaladda Biyuhu wada shaqayn dhaw la leedahay booyadaha, waxa jira urur maamulla oo wakaaladdu ka qeyb ahayd sameysankiisii, sicirkoodana waannu u goynaa, iyagana waannu la soconaa xaaladdooda, inkastoo meelo fog-fog biyaha ka keenaan. Midda jirtay waxay ahayd qolada amma gawaadhida loo yaqaanno dameer-qadiyaha ee ah mootooyinka yaryar iyo dhaynaha yaryar ee ay saaran yihiin shanta foosto intaasba runtii aan si toos ah u soo hoos gelin sharciyadda Wakaaladda Biyaha Hargeysa, inkasta oo biyaha wakaaladda shacabka ka iibiyaan.” Sidaa waxa yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha oo saxaafadda la hadlay markii uu dhammaaday kulankoodu.

Waxaannu intaas ku daray; “Booyadahaas yaryari waxay foostada biyaha ah ku soo qaataan waa saddex kun oo shilling (3,000/=), shacabkana waxay ka siiyaan qiimayaal kala du-duwan, laakiin maanta laga bilaabo qiimahaasi waxa uu noqon doonaa mid go’an oo Wakaaladda Biyaha Hargeysa goyso oo shacabkana ay ku wargeliso.

Booyad yar oo kasta ama dameer-qadiye ama dhayne waxa la siin doonaa summad u gaar ah oo lagu qori doono qiimaha biyaha, kaasoo ah boodh ama tilmaan yar oo sheegaya qiimaha ay foostada biyaha ah kaga iibinayaan shacabka. Waxa kale oo lagu qori doonaa telefoonnada Wakaaladda Biyaha Hargeysa kala soo xidhiidhayaan.

Markaa shacbiweynaha waxaannu ku dhiirrigelinaynaa, waannu u dedaalaynaa, dabagalkii ayaannu ku haynaa, iyaguna inay na wargeliyaan markii ay dhacdo sicirkaas sicir ka badan lagu yidhaahdo, si aannu tallaabo uga qaadno, waayo kaalmaha biyaha ee Hargeysa ka jiraa kuma iibin karaan sicirka aannu u goynay mid ka badan, haddii ay ku iibiyaan ruqsadda ayaan kula noqonaynaa.”

“Maanta waad arkayseen gawaadhidii ballaadhnaa ee halkan joogay [Xarunta Wakaaladda Biyaha Hargeysa] iyo inay dhammaantoodba halkan yimaaddeen, sababta aannu ugu yeedhnayna waxay ahayd in aannu ku wargelinno isbeddelka yimmi iyo in loo baahan yahay iyaga laftooda inay u hoggaansamaan sharciga iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa, shacabkoodana u naxariistaan, iyaga oo aannu u oggol nahay inay shaqeystaan, waxna faa’iidaan, taasi Al-xamdulillaah si fiican ayey u dhammaatay, farriintoodiina waannu gaadhsiinay,” ayuu yidhi Maareeyuhu.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha, ayaa sidoo kale shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa ka codsanaday inay qeyb ka noqdaan, isla markaana ay kala shaqeeyaan hirgelinta awaamiirta lagu soo rogay gaadiidka biyaha u dhaamiya dadweynaha.

“Shacabka waxaannu ka codsanaynaa inay hawshaas hirgelinteedii nagala qeybqaataan oo Wakaaladda Biyaha Hargeysa xidhiidhkoodu toos noqdo, oo gaadhi yar oo walba waxa lagu dul xidhi doonaa boodh, kaas oo sheegaya biyaha qiimahoodu intay tahay foostadu iyo lambarada laga soo xidhiidhayo wakaaladda, haddii wax isbeddel ah dhacaan. Markaa labadaasba inay shacabku sidooda ula socdaan, way caban doonaan oo qaarkood waxba laga yaabaa inay yidhaahdaan; ‘Biyaha ma helno, biyaha ayaa nagu adag.’ Laakiin, qiimaha aannu u goynaynaa waa qiime ay ku faa’iidayaan ee ma aha qiime ay ku khasaarayaan, qiimaha kaalmuhu wuu go’an yahay, iyagana qiimahoodu wuu go’naanayaa, maadaama aanay iyagu biyaha magaalada dibeddeedii ka keenaynay oo magaalada gudaheeda ka soo qaadayaan oo laga yaababa mararka qaar meelaha ay biyaha ka soo qaadayaan inay geeyaan meel 100 miter ama 500 miter u jira, oo hadday ugu badan tahay geynayaan 4km ama 5km, iyagana waxa muhiim ah inay shacabka u naxariistaan.”

Waxa kaloo uu ka hadlay dhibaatooyinka biyo la’aanta ah ee ay haysta dadweynaha, waxaannu yidhi; “Waannu ognahay oo shacabka waxa haysata dhibaato biyo la’aan, culeys badan ayaa jira, biyuhu waa ku qaali, Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxaas oo dhan way og tahay, laakiin midda muhiimka ahi waxa weeye mashaariicdan noo jira, waa mashaariic u baahan in si sax ah loo hirgeliyo. Waayo, waxa loogu talogalay inay waraabiyaan magaalada Hargeysa boqolka ama labada boqol sanno ee soo socda, inay noqdaan system (hannaan) jira oo magaalada waraabiya oo aanay wax dhib ahi ka iman. Markaa taas si aannu u helno waa inaynu u samirno hawsha inta la dhammeystirayo mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa, hawshaas oo meel fiican inoo maraysa oo Insha Allaah aannu rajeynayno inay si guul ah ku dhammaanayso.”

Maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa muddadii ugu dambaysay dedaal dheer ugu jirta sidii bulshada ku dhaqan caasimadda Somaliland u noqon lahayd mid hesha biyo ku filan, isla markaana qeyb kala noqota tartanka kale ee ay ku jirto caasimadaha kale ee dhiggeeda ah ee ka dhisan isla qaaradda Afrika.

Wariye siciid Xuseen Yuusuf

Siciidm2090@gmail.com

Siciid4@yahoo.com

SOMTEL ; 0654461316M Maxamed Cali sax

Post a comment