Select Page

Wakaalada Biyaha Hargeysa Oo Markii Ugu Horeeyey Fulisay Qorshe lagu ilaalin Doono Fayo-Dhawurka

Wakaalada Biyaha Hargeysa Oo  Markii Ugu Horeeyey Fulisay  Qorshe lagu ilaalin Doono Fayo-Dhawurka

Hargeysa (HWA)- Wakaalada Biyaha Hargeysa ,ayaa  Markii Ugu Horeeyey Fulisay Qorshe lagu ilaalin Doono Fayo-Dhawurka iyo Sicirka Ay Biyaha Ku Iibiyaan Biyoole Yaasha Mootooyinka iyo Dameerada Bulshada Uga Dhaamiya Kaalmaha Wakaalada Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa Maareeyahay Oo Faah Faahiyey Qorshan Wakaaladu Fulisayaa ayaa, sheegay in bishii mar labaadhi doono

Mr. Maxamed Cali Daarood, waxuu cadeeyey qiimaha ay gaadiidlayda booyadaha yaryar biyaha kaga iibin karaan bulshada ku dhaqan caasimadda Somaliland.

Mr. Maxamed Cali Daarood oo saxaafadda la hadlay maanta  waxa kaloo uu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cidda lagu qabto inay dadka biyaha kaga iibiyeen lacag ka badan qiimaha loo gooyey, isagoo ugu horayn u mahadnaqay dadka ku shaqaysta gaadiidka booyadaha yaryar oo uu xusay inay aqbaleen qiimaha loo gooyey biyaha.

“Waxaan jecelahay in aan maanta halkan uga mahad-naqo gaadiidka yaryar ee booyadaha yaryari saaran yihiin ee loo yaqaanno Dameer-qadiyaha ee ah Dhaynayaasha yar-yar ee ay saaran yihiin shanta foosto, kuwa saddexda foosta saaran yihiin iyo kuwa halka foosto saaran yihiin, dhammaantood sidii ay u aqbaleen, una fuliyeen qorshihii Wakaaladda Biyaha Hargeysa ee ahaa in la xakameeyo sicirka biyaha ay kaga iibiyaan shacabka, ayna Wakaaladdu u goyso si uu u noqdo mid aan shacabka culays ku ahayn oo looga naxariisto, isla markaana uu u noqdo mid iyaga faa’iido ugu jirto,” ayuu yidhi Maareeyuhu.

 

Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo ah 1,700/= shilling foostadii iyo qolyaha aannu ruqsadda u siinay oo ah kaalmaha 1,300/= shillin oo faa’iido ah inay saartaan oo ah 3,000/= shillin foostadii. Laakiin, caqabadda muddo badan taagnayd waxay ahayd sicirka ay Dameeruhu ama Dameer-qadiyuhu kaga iibinayaan shacabka foosta biyaha ah oo qiimayaal kala duwan ahayd, mararka qaar runtii aad u sarreysay oo gaadhi jiray 15,000/= ilaa 18,000/= shillin foostadii, xaataa 20,000/= shillin qaarkood ku iibinayeen foostadii, Wakaaladda Biyaha Hargeysana ay muddo dheer ay ka fikiraysay sidii sicirkaas ay shacabka uga xakamayn lahayd. Ugu dambeyntii, waxa mahad Ilaahay ah inay hawshaasi hirgashay, maantana aannu xadidnay sicirkii ay kaga iibin lahaayeen shacabka, sicirkaas oo noqon doona 12,000/= shillin (laba iyo toban kun oo Somaliland shillin ah) oo ay iyaguna kaga soo iibsanayaan kaalmaha 3,000/= shillin.”

Waxa kaloo maareeyuhu sheegay in ay lambaro gaar ah u sameeyeen gaadiidka yaryar ee biyaha ka qaata kaalmaha ku yaal gudaha caasimadda Hargeysa, kana iibiya dadweynaha, waxaannu yidhi; “Si ay Wakaaladda Biyaha Hargeysa u aqoonsato gaadhigaas yari ka uu yahay, matelan waxay u sheegi doonaan lambar 1 ama lambar 5 ama lambar 6 ama  lambar 21. Sidaa si le’eg, Dameer-qadiye kasta ama Dameer kasta ama gaadhi yar oo ay saaran yihiin booyadaha yar-yari waxa ku qoran farriin sheegaysa qiimaha foostada oo ah 12,000/= shillin. Waxa kaloo ku qoran farriin ah intaa wax ka badan lagu yidhaahdo, kala soo xidhiidh number-rada shaqaalaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa u xil-saaran hawshaas, inamadaas oo si toos ah u shaqeyn doona.

Markaa qofka shacabka ahi waxa uu u baahan yahay, haddiiba ay dhacdo, gaadhiga number-kiisu caynkaas iyo caynkaas yahay ama summaddiisu yahay number 21 ama number 70 ama number 80, waxa uu igaga iibiyey qiimihii loogu talogalay qiime ka badan, Wakaaladda Biyaha Hargeysa way garanaysaa oo qofkii ayey u yeedhaysaa, sharcigu waxa uu noqdo ayaa la marin doonaa cidda ku shaqeysata, waayo halkii ay 3,000/= shilling ku soo iibsadeen, waxannu u oggolaanay inay ku iibiyaan 12,000/= shilling oo faraqa u dhexeeyaa waa 9,000/= shillin oo u saaran, waanna lacag badan runtii, oo inay shacabka si toos ah noola soo xidhiidhaan.”

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha, ayaa sheegay in sidoo kale ay wadaan qorshe la xidhiidha fayo-dhawrka biyaha laga iibiyo bulshada caasimadda Hargeysa, waxaannu yidhi;

“Waxa kaloo aannu ku wargelinaynaa qolada wadata Dameer-qadiyaha bishiiba inay hal mar iman doonaan lab/shaybaadhka Wakaaladda Biyaha Hargeysa, si loo  hubiyo weelkan ay haystaan nadaafadooda iyo saxadoodaba.”

Maareeye Maxamed Cali Daarood, waxa uu farriin u diray Gaadhi-dameeraha u dhaamiyaha biyaha gudaha magaalada Hargeysa, isaga oo ugu baaqay inay muddo toddaba maalmood gudahood ah isaga soo diiwaangeliyaan xarunta guud ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

“Kuwani waxay ahaayeen gaadiidkii yaryaraa ee Dameer-qadiyaha, laakiin Dameerka ciddii wada ee foosto ama foosto iyo badhi ha saarnaatee inay iyaguna muddo toddoba maalmood gudahood ah ay nidaamkaas Wakaaladda Biyaha Hargeysa u soo maraan, isna diiwaangeliyaan, sicirkaas aannu u goynayna wax ku iibiiyaan. Waayo, sicirkani gaadiidkan yaryar ee loo yaqaanno Dameer-qadiyaha ma taabanayo/saameynayo, laakiin dameerlaydii caadiga ee berigii hore biyaha shubi jirtay iyagana sidaa si le’eg ayuu u taabanayaa oo waxa ku waajib ah inay shacabka intaa wax kaga iibiyaan.

Waxa kale oo aannu faraynaa inay Wakaaladda Biyaha Hargeysa yimaaddaan, isna diiwaangeliyaan, summaddaas Wakaaladda iyo shacabku ay ku wada xidhiidhayaanna ee iyaga la siinayo ee lagu aqoonsanayana ay qaataan,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood.

Barnaamijkan, Wakaaladda Biyaha Hargeysa hindiseen, ayaa  meesha ka saari doona dhaqaalaha xad-dhaafka ah oo aan xaddidnayn ee ay gaadiidleyda biyuhu ka qaadi jireen shacabka caasimadda ee ay biyaha u dhaamiyaan

 

About The Author