Select Page

Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Hay’adda UNHABITAT oo Shirkadda Almis Construction ku Wareejiyey Dhammaystirka Xarumaha Biyo-soo-saarka

Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Hay’adda UNHABITAT oo Shirkadda Almis Construction ku Wareejiyey Dhammaystirka Xarumaha Biyo-soo-saarka

Hargeysa (HWA)- Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Hay’adda UNHABITAT, ayaa hawsha dhammaystirka dhismaha xarumaha cusub ee biyo-soo-saarka Geed-deeble si rasmi ah ugu wareejiyey shirkadda la yidhaah Almis Construction, kadib markii hawshaas laga wareejiyey shirkadda kale ee Caalami Construction oo dhismayaashaas ku dhammastiri wayday muddadii heshiiska lagula galay sannadkii 2015.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wakaaladda Biyaha Hargeysa shalay, kaasoo u qornaa sidan; “Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Hay’adda UNHABITAT waxay maanta (shalay) oo taariikhdu tahay 25/02/2018 ay si rasmi ah ugu wareejiyeen shirkadda Almis Construction inay ka sii amba-qaado dhismaha xarumaha cusub biyo-soo-saarka Geed-deeble, ee kadib markii hawsha dhismahaas laga wareejiyey shirkadda Caalami oo hore gacanta ugu haysay hawshan.

Xilwareejintan labada shirkadood ayaa timid, ka dib markii uu sidii loogu talogalay u fuli waayey heshiis dhinaca dhismaha xarumaha cusub biyo-soo-saarka ah ee Geed-deeble oo  UNHABITAT, la gashay Shirkadda Caalami, taariikhdu markay ahayd 9 October 2015, heshiiskaas oo dhigayey in hawsha lagu dhammaystiro muddo 9 bilood ah, hawshaas oo ahayd afar qaybood oo kala ah;

  1. Dhismaha Berked cusub uu yeelan doono Geed-deeble
  2. Dhismaha xarunta kaydka shidaalka ee mashruuca biyo-ballaadhinta
  3. Dhismaha uu yeelan doono bamka weyn ee biyo-soo-saarka
  4. Dhismaha uu yeelan doono gurigii lagu rikibi lahaa mishiinada

Kuwaasoo qeyb ka ahaa mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa.

 

Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Hay’adda UNHABITAT oo laba jeer hore digniino muddo-kordhineed ah siiyey shirkadda Caalami, si ay u dhammaystirto waxyaabihii qabyooyinka noqday iyo dib-u-dhaca fara badan ee ku yimmi dhismayaasha ay yeellan doonaan xarumaha cusub ee biyo-soo-saarka Geed-deeble. Nasiib-darro, arrintaas may suurtogelin inay heshiiskaas sidii loogu talogalay u fuliso shirkadda Caalami, annaga oo si rasmi ah hore shaqada uga joojisay taariikhdu markay ahayd 28 July 2017.

Haddaba, si loo dardargaliyo hawlaha mashruuca biyo-ballaadhinta, isla markaana sida ugu dhakhsiyaha badan loo rikibo bamka biyo-soo-saarka cusub, waxa ay Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Hay’adda UN-HABTIT ay heshiis la galaan shirkadda Almis Construction taariikhdu markay ahayd 22/02/2018 si ay halkaa ka sii amba-qaado dhammeystirka xarumaha cusub ee Geed-deeble ee la xidhiidha mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Waxaanay ku dhamayn Doontaa mudo shan ilood ah Marka Shirkadu Dhamays Tirto waxaa Kale Wareegi Doonta Shirkad Faran Siis ah Oo ku Rikibdoonta Bamka iyo nidaamkii casrig ahaa Xil-wareejinta labadan shirkadood waxa goob-joog ka ahaa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood iyo wakiilka madaxa mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa ee Hay’adda UN-HABTIT Mr. Maxamed Faarax,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Madaxa Warbaahinta

Warbaabinta Wakaaladda Biyaha Hargeysa

Mr. Siciid Xuseen Yuusuf.

 

 

 

About The Author