Select Page

Shir Lagu Gorfeeyey Mashaariicda Biyo-ballaadhinta Hargeysa oo ka Qabsoomay Caasimadda Somaliland

Shir Lagu Gorfeeyey Mashaariicda Biyo-ballaadhinta Hargeysa oo ka Qabsoomay Caasimadda Somaliland

Hargeysa (HWA)- Kulan ballaadhan oo lagu gorfeeyey dardar-gelinta mashaariicda kala duwan ee la xidhiidha biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa, ayaa lagu qabtay hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa shalay.

Shirkan lagu dardar-gelinayo hawlaha la xidhiidha mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Somaliland ee ay fulinayso Wakaaladda Biyaha Hargeysa, sidoo kale waxa qeyb ka ahaa mashaariic ku lammaan oo ay qeyb ka yihiin; horumarinta fayo-dhawrka magaalooyinka iyo beeraha ee uu maalgeliyey Bandhigga Horumarka Jarmalka ee loo soo gaabiyo (KFW), kaasoo lacag dhan 30 milyan oo doollar ku bixinaya biyo-ballaadhinta Hargeysa.

Kulankan oo ay ka qeybgaleen madax ka kala socotay Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Agaasimaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Agaasimaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Maxamed Cali Bille, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Maayarka Hargeysa, madaxa Hay’adda UN-HABITAT u qaabilsan mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa Mr. Maxamed Faarax, khuburro iyaguna Wakaaladda Biyaha Hargeysa ka taageera mashruuca biyo-ballaadhinta oo ka kala socday waddamo kala duwan iyo kuwo u dhashay Somaliland, madax ka socotay Bandhigga Horumarka Jarmalka ee loo soo gaabiyo (KFW) iyo mas’uuliyiin kale oo iyana lagu marti-qaaday.

Kulankan oo ahaa mid intiisa badan lagu gorfaynayey mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa ee ay gadh-wadeenka ka tahay Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa lagu lafa-guray hirgelinta beebka loogu talogalay inuu qaybiyo biyaha waraabinaya  xaafadaha magaalada Hargeysa iyo sidoo kale berkado cusub oo talogalay inay qeyb ka noqdaan mashruucan in laga kala qotomiyo agaagarka Manhal Hospital, Madarasadda Al-Hudda ee Degmada Axmed-dhagax, Karinta Daami ee Degmada Gacan-libaax iyo laba berkadood oo laga garab dhisayo Keydkii hore ee biyaha magaalada Hargeysa.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Maxamed Cali Axmed (Daarood) oo furay kulankaas, ayaa si qoto-dheer uga sheekeeyey maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Somaliland iyo ujeeddada gaar ahaaneed ee bud-dhigga kulankan laga leeyahay.

“Waxa aan ku faraxsannahay in aan idinku soo dhaweeyo kulankan muhiimadda ballaadhan leh ee uu ugu muhiimsan yahay mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa iyo sidoo kale fayo-dhawrka iyo beeraha. Kulankan waxa kaloo goob-joog ku ah, innagalana soo qeybgalay marti-sharaf kale duwan oo ka socda xukuumadda iyo sidoo kale marti aad u muhiim ah oo ka socda Bangiga KFW oo ah kuwa hadda inoo fulin doona mashaariic kala duwan oo muhiim u ah Somaliland oo ay ku bixi doonto lacag dhan in ka badan $30 milyan doollar,” ayuu yidhi Maareeye Daarood, waxaannu intaa ku daray, “Mashruucan oo aannu rabno inuu wax weyn ka beddelo biyo la’aanta Hargeysa ka taagan oo aannu ku wadno inuu noqdo mid dabboola baahida dhammaanba bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa si caddaalad ah oo ay ku jiraan dhigidda beebabka magaalada gudaheeda. Sidoo kalena noqon doona mashruuca ka shaqeyn doona dhanka beeraha iyo fayo-dhawrka magaalooyinka. Biyaha caasimadda Hargeysa, waa muhiimadda koowaad ee xukuumaddii hore iyo xukuumadda timi.”

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Mr. Andreas Holkot oo ah Madaxa Bangiga Horumarinta Jarmalka ee KFW u qaabilsan Gobolka Bariga Afrika oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay dhankooda ka go’an tahay in mashruucani hirgalo, mas’uuliyinta ku shaqada lehna la rabo inay qeybtooda ka qaataan, isagoo xusay inay Madaxweynaha Somaliland ay iska arkeen, isla markaana uu ku bogaadiyey ka-qeybqaadashadooda maalgalineed ee mashaariicda biyo-ballaadhinta.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mr. Maxamed Cali Bille oo isna halkaa ka hadlay, ayaa xusay qalabka uu ku arkay mashruucan inuu yahay mid anfici doona bulshada reer Hargeysa, isla markaana uu ku faraxsan yahay mashruucan ay maamuli doonaan waaxyaha kala duwan ee dawladda oo qeyb ka noqon doona goobaha laga hirgelinayo mashaariicda kala duwan.

Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha Md. Saleebaan Yuusuf Cali-koore oo kulankaas soo xidhay, ayaa si qoto-dheer leh u dul istaagay ahmiyadda biyo-ballaadhintu u leeyahay Hargeysa, isla markaana xusay inay dhankooda ka go’an tahay sidii biyo ku filan u heli lahaayeen bulshada ku dhaqan caasimadda Somaliland.

“Ka-xukuumad ahaan sida aynu ka wada war-qabno xukuumaddu waa cusub, Madaxweynuhu wuu cusub, waxaannu Madaxweynuhu soo magacaabay Gole cusub oo Wasiirro ah uu ku hoggaaminayo wixii uu ololihiisii ballanqaadka ku sameeyey, si loo hubiyo in la dhaqan-geliyo ballanqaadkaasi soo taxnaa sannado badan,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxaannu intaas ku daray; “Markaa waa in la dhammeystiro dhammaanba qorshayaashii lagu soo ololeeyey, biyuhuna waa waxa koowaad ee ka go’an hirgelintooda Madaxweynaha cusub iyo Wasiirradiisa, annaga oo eegayna saaxiibadayada caalamka siday nooga taageeraan hirgelinta qorshayaashaas. Sidoo kale, xisbiga KULMIYE isna waxa ka go’an inuu dhaqangeliyo dhammaanba wixii uu ballanqaaday ee uu dadka u sheegay. Sidaasi daraadeed, biyuhu waa muhiimadda koowaad ee aannu doonayno bulshadayada in aannu ka-haqabtirno bulshada Somaliland.”

Mashruucan biyo-qeybinta caasimadda Hargeysa oo lagu wado inuu hirgalo badhtamaha sannadkan lagu jiro ee 2018, haddii Ilaahay yidhaah, waxa dardar-gelin hor leh ku wada Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo gadh-wadeenka ah biyo-ballaadhinta caasimadda Somaliland.

About The Author