Select Page

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Warbixin ka Dhegaystay Masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha iyo Hay’adaha la Shaqeeya..

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Warbixin ka Dhegaystay Masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha iyo Hay’adaha la Shaqeeya..

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Warbixin ka Dhegaystay Masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha iyo Hay’adaha la Shaqeeya, Kormeerna ku Tagey Xarumaha Biyo-soo-saarka Geed-deebel

Hargeysa (HWA)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo kormeer ku tegay goobaha laga wado mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa, ayaa warbixin ka dhegaystay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha iyo Hay’adaha caalamiga ah ee la shaqeeya.

Guddoomiye Faysal Cali-waraabe oo ugu horayn ka qaybgalay kulan ka qabsoomay hoolka shirarka ee Xarunta Wakaaladda Biyaha Hargeysa shalay, waxa uu warbixin la xidhiidha mashruuca biyo-ballaadhinta ka dhegaystay maamulka Wakaaladda Biyaha, madaxda Hay’adda UN-HABITAT oo uu ka mid yahay Mr. Maxamed Faarax, saraakiisha Hay’adda TS, Injineerada iyo farsamo-yaqaannada gacanta ku haya hawlaha biyo-ballaadhinta caasimadda.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Maxamed Cali Axmed (Daarood) oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in hawlaha biyo-ballaadhintu ay hadda meel fiican marayaan, isagoo Guddoomiyaha UCID uga mahadnaqay dedaalka uu geliyey inuu xog buuxda oo sax ah ka helo mashruucan.

“Haddii ay tahay network (isku-xidh) magaalada loogu sameynay, haddii ay tahay keydadkii biyaha ee magaalada loogu sameynayey biyaha ee cusbaa, haddii ay tahay dhismaha beebabka (pipings) cusbaa caasimadda ayuu u kala baxaan. Markaa mashruuca magaalada dibeddiisa waa mashruuc si wadajir ah u maalgeliyeen Midowga Yurub (EU) iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF). Waa mashruuc ay ku baxayso soddon milyan ($30,000,000 milyan) oo doollar,” ayuu yidhi Maareeyuhu.

Waxaannu intaas ku daray; “Waa mashruuc qorshihiisu yahay ceelal cusubna in la qodo, xarun cusub oo biyo-soo-tuura ah (Pumping Station) in la sameeyo, la soo dhigo beebab saddex iyo labaatan kiiloomitir (23km) ah, oo 24inch ama 6000mm diameter dhumucdiisu tahay, ka soo bilaabmaya ceelasha Horo-haadlay, Geed-deeble ilaa Hargeysa.

 

Mashruucan waxa maamulkiisa iyo fulintiisa gacanta innoogu haysa Hay’adda UN-HABITAT, waxaanna weeye qorshihiisu in la dhiso berkado cusub oo laga kala dhisayo xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa, laba waxa laga dhisi doonaa keydkii hore ee biyaha, labana waxa laga dhisi doonaa Maxamuud-haybe iyo Axmed-dhagax, midna Gacan-libaax ayaa laga dhisi doonaa. Markaa qorshihiisu yahay in la sameeyo shantaas berkadood ee cusub oo wata beebabkoodii oo cusub, runtiinna waa mashruuc aannu is-leennahay mushkiladda iminka jirta ee ah Hargeysa in aanay biyaha si simman u helin, inuu meesha ka saaro.”

Masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha iyo Guddoomiye Faysal Cali-waraabe, waxa kaloo ay kormeerkooda ku mareen Keydka Biyaha Hargeysa iyo goobaha shaqaddu ka socoto ilaa iyo intii lagaga gaadhayey xarunta biyo-soo-saarka ee degaanka Geed-deeble, halkaas oo uu Maareeyuhu mar kale hadal ka jeediyey, isla markaana uu faahfaahin ka bixiyey qaabka ay shaqadu u socoto iyo hay’adaha qorshahaas kala shaqeeya.

“Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo hay’adaha la shaqeynayaa oo ay ugu horreyso Hay’adda UN-HABITAT, hay’adaha kale ee qaabilsan Hubinta Tayada ee Jarmalka ah (Terra Solidali – TS) iyo dhammaan hay’adaha nagala shaqeeya magaalada gudaheeda ama mashruuca biyo-qeybinta magaalada gudaheeda oo saaka (shalay subax) isugu yimi hoolka shirarka Wakaaladda Biyaha Hargeysa, si ay warbixin u siiyaan Guddoomiyaha xisbiga UCID, uguna kuurgeliyey si toos ah, maadaama uu isagu injineer yahay halka ay wax marayaan innala ogaado, talanna nagu kordhin karo shaqada wixii wax-ka-beddel u baahan iyo dadajinteedaba iyo mas’uuliyiinta kale ee xsbiga UCID aad baannu ugu mahad-celinaynaa, annaga oo xarunta aannu ku soo siinay warbixinno ah mashaariicda kala duwan ee ay ugu horreeyo kan biyaha lagaga qaaday xarumaha biyo-soo-saarka ee Geed-deeble iyo Hora-haadlay ilaa Hargeysa oo runtii iminka gebogebada ku dhaw oo beebkii maanta wax yar u hadhsan tahay,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyuhu.

Waxa kaloo uu Maareeyuhu caddeeyey in kala badh dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa ay isticmaalaan biyaha ay soo dhaamiyaan booyaduhu, kuwaasoo uu uu xusay in aanay caafimaad ahaan fiicnayn, waxaannu yidhi; “Markaa mashaariicdan guud ahaan iminka marxaladoodu meel fiican ayey maraysaa, shaqadooduna si fiican ayey u socotaa, laakiin waa mashaariic hay’ado kala duwan ka shaqeynayaan. Reer Hargeysa waxay boqolkiiba konton (50%) wax ka helaan waa booyadaha, biyahaas booyaduhuna runtii waa biyo aad u qaalli ah, caafimaad ahaan laftoodu ay tahay mid aan aad u fiicnayn.”

Waxaannu intaas ku daray; “Laakiin, markasta Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo hay’adaha la shaqeynayaa waxay ku dedaalayaan inay dabada ka riixaan hay’adahan, dedejiyaan, isla mar ahaantaana iska hubinno wixii la inoo qabanayey wax sax ah inuu yahay. Aad baannu ugu mahad-celinaynaa Guddoomiyaha Eng. Faysal Cali-waraabe oo runtii ah Somaliland shaqsiyaadka dacal ilaa dacal arrimaha bulshada u danta ah kow ka ah inuu ku macruuf ah (lagu yaqaan) ay soo siiyeen warbixinta hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya, oo dhammaantood waxa innooga mas’uul ah hay’ado, hay’ado caalami ah ayaa innooga shaqeeya.”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna u mahadnaqay maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxaannu yidhi; “Horta maanta waxaan ugu mahad-naqeyaa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo hay’adihii ka shaqeeyey oo dhan. Markii aannu codsanay inuu Maareeyuhu warbixin na siiyo, waxa uu noo ballamiyey ama casuumay intaas oo hay’adood ee uu tirinayey hadda oo ku hawlan mashruucan biyo-gelinta. Halkaa waxa nooga muuqatay inay hawl weyni socoto, si xawli ah (degdeg ah)-na u socoto. Weliba waxaan ku sii farxay, wixii lacag la bixinayo in aan la bixin ilaa uu ogolaado masuul Jarmal ah, sida aad la socotaana dalka Jarmalku waa ka ugu horeeya dhinaca la-dagaalanka musuqmaasuqa, taasina aad iyo aad ayey ii farax-gelisay oo aannu u mahad-naqeynaa hay’adaha maalgeliyey, gaar ahaan Jarmalka, waxa aannu jecelnahay Insha Allaahu-tacaalaa inuu time table-kaas (jad-walkaas) ay sameeyeen inuu waqtigiisu ku dhammaado.”

“Markaa aad iyo aad ayaannu xisbi ahaan uga mamsuud nahay iyo shaqsi ahaanba, shaqada socota, Illaahay waxa aan ka baryeyaa inuu si dhakhso ah u hawlgeliyo, oo waxa weeye dadkeenu ku-tiri-ku-taynta ayey isku xukuntaa, halkanna waxa nagaga baxday wixii la yidhi iyo waa la yidhi oo iminka xaqiiqada ayaannu soo taabanay, waannu u sheegnay Maareeyaha iyo Hay’adahana inay Hargeysa biyo si dhakhso ah uga ka sugeyso.

Waa dhan yahay iminka biyaha intii ceelasha laga keenayey ee magaalada dusheeda la keenayey, laakiin qaybinta biyaha lagu gaadhsiinay magaalada ayaa hadhsan. Waxaan u sheegayaa qolooyinka deggan Koonfurta Hargeysa ee loogu sheekeeyo; ‘Biyo idin soo gaadhi maayaan.’ Haddana, waxa iminka nala tusay ilaa shan berkadood in la idiin sameynayo qaar Siinga-siingaha, Ina Naxar agtiisa ee Manhal laga sameynayo. Markaa waxbaa la hubsadaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID.

About The Author