Select Page

Wasiirka Biyaha ,Qorshaynta iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa, Maayarka Caasimada Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socda Midowga Yurub

Wasiirka Biyaha ,Qorshaynta iyo  Maareeyaha  Wakaalada Biyaha Hargeysa, Maayarka Caasimada Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socda Midowga Yurub

MCD3MCD3Wasiiradda,Biyaha ,Qorshaynta iyo  Maareeyaha  Wakaalada Biyaha Hargeysa ,Maayarka Caasimada Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socda Midowga Yurub iyo Kormeerkii Biyo Soo Saarka Cusub

Shir Lagu Dardargelinayo Mashruuca Biyo-ballaadhinta Hargeysa

Hargeysa (HWA)- Shir lagu dardargelinayo mashaariicda la xidhiidha biyo-ballaadhinta Hargeysa, ayaa lagu qabtay hudheelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa, kuwaasoo laga soo bilaabay degaannada Hora-haadlay iyo Geed-deeble.

Kulankan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Md. Cawaale Ibraahim Shirwac, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, madax ka kala socotay, Midowga Yurub, Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), UN-HABITAT, kuwaas oo dhammaantood ah waaxyaha kala duwan ee iska kaashanaya sidii mashruuca biyo-ballaadhinta caasimaddu u guuleysan lahaa ee ay wada naawilayaan shacbiga ku dhaqan Hargeysa oo lagu qiyaasay in ka badan hal milyan qof sidii ay u heli lahaayeen biyo ku filan, isla markaana kaga bixi lahaayeen biyo-la’aanta ba’an ee sannado badan la soo baaxaa-dagayeen.

Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa sheegay in biyuhu yihiin waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha bani’aadamka, waxaannu yidhi; “Biyuhu waa nolosha, noloshuna waa biyaha, dadka reer Hargeysa ama dadka Reer Somaliland ee ugu horreeya Madaxweynuhu, Madaxweyne-ku-xigaanka, Golaha Wasiirradu, runtii waxay aad iyo aad u sugayaan mashruucaas la yidhahado biyo-ballaadhinta Hargeysa, si ay dadku biyo uga cabbaan.”

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Md. Cawaale Ibraahim Shirwac oo tilmaamay in qorshayaasha qaranka ay ugu muhiimsan yihiin hirgelinta mashaariicda la xidhiidha dhinaca biyaha.

“Mashruucan waxa ka wada shaqeynaya hay’adahan badan, wuxuunna ku kacay lacag aad u badan, waqti badan ayuu socday, waxanna ahmiyad ah oo muhiim ah in Wasaaradda Khayraadka Biyaha, Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo dad kale ee ka wada shaqeynayaa ay ka wadahadlaan waxyaalaha carqaladda ku ah inay dhammaystirmaan,” ayuu yidhi Wasiirka Qorshayntu.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Axmed Daarood oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa u dammaanad-qaaday xukuumadda iyo xubnaha Wasiirrada ah ee kulankaas goob-joogga ka ahaa in mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa lagu dhammaystiri doono xilliga loogu talogalay.

“Waxa aan jecelahay in aan halkan ka xaqiijiyo in muhiimadda ugu weyni tahay sidii mashruucan biyo-ballaadhintu u dhammaystirmi lahaa xilliga saxda ah ee loogu talogalay, taasina waa mudnaanta koowaad ee dawladda Somaliland oo ah in bulshada caasimadda Hargeysa ay helaan biyo ku filan,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

Saraakiil ka socday Hay’adda UN-HABITAT, Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF iyo Midawga Yurub oo iyaguna halkaas hadalo ka jeediyey, ayaa tilmaamay in laga wada shaqaynayo sidii loo hirgelin lahaa mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa, kaasoo ay ku tilmaameen inuu muhiim u yahay bulshada ku dhaqan caasimadda Somaliland.

 

Waxa kaloo ay masuuliyiinta dawladda iyo saraakiisha ka socday Hay’adaha kala duwan ay safar ku tegeen Deegaanka Geed-deeble oo masaafo dhan ilaa 23km u jira caasimadda Hargeysa, halkaas oo laga wado rakibaadda mishiinnada loogu talogalay inay soo saaraan biyaha la soo gaadhsiinayo bulshada reer Hargeysa.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Axmed Daarood oo halkaas kula hadlay, ayaa mas’uuliyiinta sheegay inay dhawaan siiyeen shirkadda Almis Constriction oo sii amba-qaadi doonta dhismayaasha berkedaha iyo xarumaha la dhigayo minjiinnada, marka la dhammeystiro beebabka oo iminka wax yari ka hadhsan yihiin.

“Shirkadda Almis Constriction waqtigii aannu kula heshiinay inay dhismayaashan shan biyood ku diyaarinaysaa, haddii ay noqoto berkeddii biyuhu ku soo ururayeen, dhismihii lagu rakibayey bamkii biyaha soo tuurayey, dhismihii shidaalka, inay Wasirraduna la dardaarmaan, kolay hawshaas ayaannu u nimid. Waxa kaloo iyaduna nala joogta shirkaddii fulinaysa mashruuca ee UN-HABITAT,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Axmed Daarood, isaga oo xusay marka ay dhammaystirmaan dhismayaasha ay Geed-deeble ka hirgelinayso Almis Constriction kadib ay shirkad Faransiis ahi ay dhigi doonto injiinnada iyo qalabka biyaha soo-tuuri doona.

Maayarka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo isna qeyb ka ahaa weftiga booqday Deegaanka Geed-deeble, ayaa yidhi; “Madaxweynaha cusub Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu bilaabay in la dardargeliyo, dhakhsanna loogu sameeyo, haddii ay Wasiirka tahay, haddii ay tahay annaga, haddii ay tahay Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo haddii ay tahay hay’adaha in dardargelin lagu sameeyo, mashruucaasina sida ugu dhakhsaha badan leh u dhammaado.”

Gunnaanadkiina waxa hadalka halkaas ku soo af-meeray Wasiirrada Wasaaradaha Khayraadka Biyaha iyo Qorsheynta Qaranka, kuwaasoo sheegay inay ku jirtay awooddii dawladda iyo Madaxweynaha cusub Md. Muuse Biixi Cabdi, in la dardargeliyo mashaariicda biyaha ee socda, waxayna dhinacyada gacanta ku haya mashruucan ay kula dardaarmeen inay ku dedaalaan sidii degdeg loogu dhammaystiri lahaa mashaarciida la xidhiidha biyo-ballaadhinta Hargeysa.

 

 

 

About The Author