Select Page

Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Shirkad Jarmal ah oo Kala Saxeexday Fulinta Mashruuca biyo Galinta Caasimada

Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Shirkad Jarmal ah oo Kala Saxeexday  Fulinta Mashruuca biyo Galinta Caasimada

 

Mashruuca dhismaha berkedaha iyo dhuumaha biyo-qaybinta degmooyinka Hargeysa oo la filayo inuu bilaabmo bisha dambe, laguna dhammaystiro muddo saddex sanno ah

Hargeysa (HAW)- Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Shirkad laga leeyahay dalka Jarmalka oo la yidhaahdo Ludwig Pfeiffer, ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ku saabsan dhismaha xarumo (berkado) loogu talogalay in biyaha loogu qaybiyey bulshada degmooyinka Caasimadda Hargeysa, halka sidoo kale heshiisku dhigayo in la sameeyo mashaariic khuseeya naadafadda aasaasiga ah ee biyaha la cabbayo (Construction of Hargeisa Water Supply and Basic Sanitation Projects).

Xafladda lagu kala saxeexday heshiiskan oo ka qabsoontay xarunta Wakaaladda Biyaha Hargeysa gelinkii hore ee shalay, waxa ka qaybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somaliland, Golaha Degaanka Hargeysa, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, madax-dhaqameed, madaxda shirkadda Jarmalka ah ee mashruucan fulinaysa iyo marti-sharaf kala duwan.

Xubno ka mid ah Injineerada Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucan biyo-qaybinta ah oo bilaabmaya bisha soo socota ee November 2018 uu socon doono muddo saddex sanno ah, haddii Ilaahay yidhaahdo, iyadoo berkedu am xarumo biyo-qaybin ah laga dhisayo shan degmo oo kala ah;

  1. Berkedda u horaysa waxa lagu kordhinayaa Berkedda weyn ee xaafadda Sheedaha ee Degmada Ibraahim Kood-buur ee Hargeysa.
  2. Berkedda labaad waxa laga dhisayaa goobta la yidhaahdo Al-hudda ee Degmada Axmed-dhagax, Hargeysa.
  3. Berkedda saddexaad waxa ku taal agagaarka Cusbitaalka Manhal ee Degmada Maxamuud Haybe, Hargeysa.
  4. Berkedda afraad waxay noqonaysaa goobta la yidhaahdo Karinta Daami ee Degmada Gacan-libaax, Hargeysa.
  5. Berkedda shanaad waxay noqonaysaa mid koraysa (meel sare ku taal) oo loogu talogalay inay biyaha gaadhsiiso goobaha aanay biyuhu gaadhayn.

Waxa kaloo xafladaas hadallo ka jeediyey xubno madax-dhaqameedyo ah oo ay ka mid yihiin Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan, Caaqil Xaaji Cabdi Aw Cadde, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada Dowladda Hoose ee Hargeysa Mr. Khadar Yuusuf Cali iyo xubno kale, kuwaasoo soo dhaweeyey heshiiska lagu dhisayo goobaha biyo-qaybinta degmooyinka Caasimadda Hargeysa, waxayna bulshada ugu baaqeen inay la shaqeeyaan shirkadda mashruucan fulinaysa iyo Wakaaladda Biyaha, si hawshan u dhammaystiranto waqtiga loogu talogalay, iyagoo ka digay in dad danno gaar ah leh ama sheeganaya dhulka laga dhisayo berkeduhu ay carqaladeeyaan mashruucan faa’iidooyinka u leh dadweynaha reer Hargeysa.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood oo hadal ka jeediyey xafladda, ayaa sheegay in muddo badan laga soo sheekaynayey mashruucan lagu dhisayo goobaha biyo-qaybinta ah, balse hadda la bilaabayo fulintiisa, maadaama si rasmi ah heshiis loola saxeexday shirkadda Jarmalka ah ee ku guulaystay qandaraaskii lagu bixiyey mashruucan.

“Waxa aannu rajaynaynaa in shaqadu bilaabanto bil kadib oo markaa laga shaqeeyo gudaha caasimadda Hargeysa. Runtii waxa ay Hargeysa maanta ugu baahi badan tahay inay hesho biyo nadiif ah, biyahaas nadiifta ahna habka lagu qaybinayo ama weelkii lagu qaybin lahaa waa kan (dhismaha berkedaha biyo-qaybinta), markaa mashruucani waa shaqo ballaadhan oo caasimadda oo dhan ayaa laga shaqaynayaa, waxaana la dhigayaa dhuumihii (tuunbooyinka) oo masaafadoodu tahay 149km, waxaanna lagu xidhayaa ilaa shan berkedood oo la dhisayo. Mashruuca intaas le’egna waxa qorshihiisu yahay in muddo saddex sanno ah (haddii Ilaahay yidhaahdo) lagu dhammaystiro,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Maareeyaha Shirkadda Jarmalka ah ee Ludwig Pfeiffer oo sheegay inuu ku faraxsan yahay inay ku guulaystaan mashruucaha lagu dhisayo goobaha biyo-qaybinta caasimadda Hargeysa, isagoo xusay inay ku dedaali doonaan sidii ay ula iman lahaayeen dedaal dheeraad ah oo la xidhiidha dhammaystirka mashruucan.

“Shaqadani waa mid carqalad iyo caqabado ka hor iman karaan, waxaanna jiri kara inay dhibaatooyin aan lagu talogelin yimaadaan, laakiin anagu shirkad ahaan dhinacayaga waxba iskula hadhi mayno, waanan ka shaqayn doonaan dhammaystirkiisa…iyadoo aynu dhammaanteen iska wada kaashan doono oo hareeraha ka joogsan doono,” ayuu yidhi masuulka ka socday Shirkadda Jarmalka ah.

Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland oo iyaguna halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay in mashruucani yahay mid lagu dhaqaaqi doono fulinta iyo hirgelintiisaba, maadaama la wada saxeexday heshiiskii u dambeeyey, waxayna  iftiimiyeen in berkedaha la dhisayo ay biyaha u qaybin doonaan degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa.

 

HWA : Wariye Siciid Xuseen Yuusuf

siciidm2090@gmail.com

heshiiska biyo galinta 1

About The Author