Select Page

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Furay Munaasibad Lagu soo Bandhigaayo Qayb Ka Mid Ah Mashruuca Biyo Galinta Caasimada oo ay maal galisay Coca Cola foundation

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo  Furay Munaasibad Lagu soo Bandhigaayo  Qayb Ka Mid Ah Mashruuca Biyo Galinta Caasimada oo ay maal galisay Coca Cola foundation

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo  Furay Munaasibad Lagu soo Bandhigaayo  Qayb Ka Mid Ah Mashruuca Biyo Galinta Caasimada oo ay maal galisay Coca Cola foundation

Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargaysa, mudane Maxamed Cali Daarood ayaa ka war bixiyay kayd-biyoodyadan cusub iyo halka ay marayso guud ahaan biyo ballaadhinta caasimadu isagoo sheegay in wakaaladda biyuhu dadaal xoogan  gelisay sidii biyo loo gaadhsiin lahaa guud ahaan xaafadaha kala duwan ee caasimadda Hargaysa isagoo maareeyuhu u mahad celiyay shirkada Cocacola foundation oo gacan weyn siisa Wakaaladda biyaha.

Wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in guud ahaan ay rajo weyn ka qabaan islamrkaan ay dadaal kooda oo dhan isugu geeyeen sidii caasimadda Somaliland ee Hargaysi u heli lahayd biyo ku filan waxaanu rajo ka muujiyay wasiirku dadaalka biyo ballaadhinta caasimadda loogu jiro wakhtigan.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa si weyn ugu mahadceliyay wakaaladda biyaha ee Hargaysa iyo wasaaradda horumarinta biyaha, dadaal-ka dheer ee ay geliyeen hawshan, waxaanu xusay madaxweyne ku-xigeenku in guud ahaan-ba ay biyo yaraani ka jirto caasimadda islamrkaan aaanay jirin xaafad-xaafad kale ka biyo badani, waxaanu sheegay madaxweyne ku-xigeenku in xukuumadda Somaliland diyaar u tahay in ay bulshada caasimadda wada gaadhsiiso biyo ku filan waxaana kamid ahaa hadaladii madaxweyne ku-xigeenka “Marka hore waxaan hambalyaynayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay kayd biyood kan casriga ah, waxaynu ognahay in guud ahaan caasimadu biyo yaraani ka jirto laakiin hadh iyo habeen waxaanu wadnaa dadaal aanu caqabadaas kaga gudubno,walaalayaal biyo waynu u wada baahannahay, mana haboona in aynu siyaasadayno biyaha, xaafadaha caasimadu waa isku wada mid, laakiin diyaar ayaanu u nahay in biyo la helo” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

 

Sidoo kalana Madaxweyne ku-xigeenka ayaa soo kormeeray kaydad biyood-yada caasimadda Hargaysa loo diyaariyey inay gaadhsiiyaan xaafadda, isagoo madaxweyne ku-xigeenkuna amaanay dadaalka wakaaladda biyuhu ugu jirto inay caasimadu noqoto mid biyo wada hesha.

Wa-bilaahi Tawfiiq

https://youtu.be/XJcAx8wyq-w

https://youtu.be/32XwAGNN3iw

https://youtu.be/32XwAGNN3iw

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

http://www.somalilandnation.net/

 

Preview YouTube video Wasiirka Biyaha Oo ka hadlay halka ay marayso biyo balaadhinta Caasimadu

Wasiirka Biyaha Oo ka hadlay halka ay marayso biyo balaadhinta Caasimadu

Preview YouTube video Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Kormeeray Mashruuca biyaha Hargeysa kana hadlay Qorshaha Xukuumadda

About The Author