Select Page

Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirrada oo ka Digay in la Carqaladeeyo Marinada Beebabka iyo Dhismaha Berkedaha Biyo-qaybinta

Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirrada oo ka Digay in la Carqaladeeyo Marinada Beebabka  iyo Dhismaha Berkedaha Biyo-qaybinta

 

Wasiirro ugu baaqay bulshada in wad-jir looga shaqeeyo hirgelinta mashruuca biyo-qaybtinta Hargeysa + Maareeyaha Wakaalladda Biyaha oo sheegay in carqalad kastaaba dib-u-dhac ku keenayo hirgelinta mashruucan

Hargeysa (HWA)- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa ku baaqay in si wada-jir ah looga hortago cid kasta oo isku dayda inay carqalad ku abuurto hirgelinta mashruuca lagu dhisayo berkedaha loogu talogalay in biyaha loogu qaybiyo dadweynaha ku dhaqan degmooyinka caasimadda Hargeysa.

MCD2

Xubnahan Wasiirrada ah oo hadallo ka jeediyey xaflad lagu qabtay magaalada Hargeysa oo ay Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Shirkad Jarmal ah ku kala saxeexdeen heshiiska dhismaha goobaha biyo-qaybinta caasimadda shalay, waxa ay sheegeen in mashruucan lagu samaynayo shan berkedood oo laga dhisayo shan degmo oo Hargeysa, kaasoo sidoo kale lagu dhigayo dhuumaha loogu talogalay in biyaha loogu qaybiyo xaafadaha kala duwan ee caasimadda Somaliland.

Hasa yeeshee, waxa ay ka dayriyeen inay jiraan dad si gaar ah u sheeganaya goobaha buuraha ah ee loogu talogalay in laga dhiso berkedaha biyo-qaybinta ah, waxayna ugu baaqeen bulshada inay ka waantoobaan sheegashada dhulka danta guud ee aan sida gaarka ah loo yeelan karin, kuwaasoo sidoo kalena hay’adaha dowladda ee arrintan khusayso ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii dhulka danta guud dib loogu soo celin lahaa gacanta dowladda.

kormeerka fayal 3

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in hirgelinta mashruucan lagu guulaysan karo oo qudha haddii laga daayo dhibaatooyinka iyo dibin-daabyada, isla marMCD5kaana lala shaqeeyo cidda gacanta ku haysa fulintiisa.

“Waa in loo wada diyaargaroobo sidii loo caawin lahaa Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Dowladda Hoose iyo gaar ahaan shirkadda fulinaysa mashruucan ah qandaraaska biyo-qaybinta, kaasoo ay innaga caawisay dowladda Jarmalku, markaa waa inaynu la wada sahqayno, maadaama aanay lacag innaga gelayn,” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.

Waxaannu intaas ku daray; “Waa in guud ahaan la iska kaashado oo lala shaqeeyo, lana caawiyo qofka shaqaynaya oo aan lagala hor iman dibin-daabyo iyo dhibaato, laakiin lagu dedaalo sidii loo fulin lahaa shaqadaas uu hayo, haddii kale maalinta uu dib u dhacaba waxa ku kordhaya kharash (dhaqaale), innagana waqti ayaa innagaga dhacaya (lumaya). Markaa waa in aynu fursadaas ka wada faa’iidaysanno haddii aynu nahay reer Hargeysa, loona wada guntado sidii ay biyahaasi inoo soo gaadhi lahaayeen, weliba biyahaas oo nadiif ah.”

Wasiirka Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska marwo Hinda Jaamac Gaani oo iyaduna halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in dowlad ahaan lagu dedaalayso sidii biyo nadiif ah loo wada gaadhsiin lahaa degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa, balse loo baahan yahay in aan laga fikirin danta gaarka ah, lagana wada shaqeeyo danaha guud, waxayna tidhi; “Waxa aad qiimaysaan oo aad qadarisaan sida ay Xukuumaddiinu idiin qadarinayso ee ay idiin qiimaynayso, idiinna ilaalinayso, iyadoo awoodda inay kaa qaado waxa aanad xaqa u lahayn (ee aad sheeganayso), ayey haddana waxay (dowladdu) ogoshahay wadahadal adiga kaala yeelato oo ay kaala xaajooto (dhulka danta guud ee berkadaha laga dhisayo), sidaa darteed waxa aan bulshadayda ku wacyigelinayaa oo aan leeyahay dowladdu waa dowladdiinii, waxa ay idiinka qabanaysaana waa idinka dantiinii ee iska daaya dhulka aad sheeganaysaan ee aanay jirin wax faa’iido ah oo idiinku jirtaa.”

Waxayna Wasiirradu baaq u dirtay Dowladda Hoose iyo Wasaaradda Hawlaha Guud, waxayna tidhi; “Waxa aan ka codsanayaa Dowladda Hoose ee Hargeysa iyo Wasaaradda Hawlaha Guud in ay dhulka ku soo celiyaan gacanta dowladdii masuuliyadeeda lahayd.”

Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), waxaannu yidhi; “Maareeye, dedaalkiina waannu la soconnaa oo habeen iyo maalin kama seexatid (haddana) idinka oo sidaas u dedaalaya ayey dadkiina leeyihiin; “biyana waannu u baahannahay, buurihiina anaga ayaa sheeganayna oo rabna.” Taasina ma soconayso. Waxa weeyaan dhaqankii wuu innaga xumaaday, dhulkana dowladda ayaa leh, anigu waxa aan joogi jiray dalka Imaaraadka Carabta oo haddii loo baahdo in waddo (dariiq) la dhiso waan garayaa oo cimmaarado (dhismayaal dabaqyo ah) ayaa la marin jiray, haddana waa cimmaarado lagu dhisay $10 milyan oo doollar ama $20 milyan oo doollar, waana la dumin jiray, waddo ayaana laga dhigi jiray, innagana (Somaliland) waxa aad arkaysaa dariiqii oo socda in dhinac kale loo leexiyo marka dhisme ka horyimaad, mana garanayo cidda khaladkaas leh, laakiinse khaladaad waaweyn ayaa waddanka ka dhacay, markaa waxa weeye waa in dadku aamino in dowladdu ay dhulka masuul ka tahay,” ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga Somaliland.

Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ah Wasiirka Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, ayaa iyaduna sheegtay inay guul weyn tahay in heshiis lala saxeexday shirkadda fulinaya mashruuca lagu dhisayo goobaha biyo-qaybta degmooyinka caasimadda Hargeysa, balse waxay tilmaantay in bulshada looga baahan yahay inay soo dhaweeyaan, kana shaqeeyaan sidii biyaha loo soo gaadhsiin lahaa xaafadaha iyo degmooyinkooda.

“Inta la sugayey biyahan Hargeysa malaha way ka badan tahay muddo 40 sanno ah, waayo markii hore waxa biyaha loogu talogalay in yar oo ah 20% ama 25% (oo bulshada caasimadda ah), maantana magaaladu xoog ayey u waynaatay oo intaas (xaafadaha iyo degmooyinka soo kordhay) booyadu ayaa waraabiya maanta oo magaalada 70% waxa waraabiya booyado, waynanu ku wada faraxsannahay inay booyahadaasi ina waraabiyaan, laakiin waxaynnu ka sii farxad badnaan lahayn haddii nin walba (qoys kastaaba) helo biyaha qasabadaha ee tuushka ku wada maydha,” ayey tidhi marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.

4 (3)

Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Md. Saleebaan Cali Koore oo isaguna hadal ka jeediyey xafladda lagu kala saxeexday heshiiska lagu dhisayo goobaho biyo-qaybinta degmooyinka Caasimadda Hargeysa, ayaa ku baaqay in loo wada diyaargaroobo sidii dhinacyada loo wada qaban lahaa biyo-gelinta, waxaannu yidhi; “Waxa aynu u diyaargaroobaynaa in mashruucani uu noqdo mid wax badan ku u soo kordhiya ummadda reer Somaliland oo wax badan ku soo kordhiya caasimadda Hargeysa. Dhibaatada ugu badan ee haysata magaalada Hargeysa waxa weeyaan maalin kasta dad ayaa guryo dhisi lahaa, dad ayaa hudheelo casri ah dhisi lahaa, magaaladuna qurux ayey yeelan lahayd, beero ayaa la beeri lahaa oo waxa la samayn lahaa wax badan oo caasimadda Hargeysa ku soo jeediya indhaha caalamka, laakiin biyo la’aantood waxba dhaqaaqi maayaan.”

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood, ayaa isaguna caddeeyey in mashruucan ku dhammaystirmi karo muddada loo qabtay, haddii laga horqaado caqabadaha horyaal, lagana shaqeeyo taageerada iyo fulintiisaba.

WAFTIGA SAFIIRKA 1

“Mashruucaasi waxa uu ku fuli karaa muddada saddexda sanno ah, haddii ay reer Hargeysa iyo dhammaanba Hay’adaha kala duwan ee qaranka Somaliland ee ay hawshaasi khusayso ay sidii loogu talogalay ula shaqeeyaan,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

Wariye Siciid Xuseen Yuusuf

Siciidm2090@gmail.com

Siciid4@yahoo.com4 (3)

About The Author