Select Page

Taliyaha Booliska oo Saldhig iyo Baabuur Boolis Kala Wareegay Wakaaladda Biyaha Hargeysa

Taliyaha Booliska oo Saldhig iyo Baabuur Boolis Kala Wareegay Wakaaladda Biyaha Hargeysa

Maareeye Maxamed Cali Daarood oo ka hadlay adeegyada ay ka fuliyeen Degaanka Daarasalaam iyo masuuliyiin uga mahadnaqay dedaalka uu muujiyey

Hargeysa (HWA)- Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Generaal Maxamed Aadan Saqadi (Dabo-gale), ayaa si rasmi ah Saldhig boolis oo ay Wakaaladda Biyaha Hargeysa ka hirgelisay degaanka Geed-deeble ee Degmada Daarasalaam ee Woqooyiga Hargeysa, halka sidoo kale Taliyuhu la wareegay baabuur kuwa booliska ah oo loogu talogalay inuu ka hawlgalo saldhigaas cusub.
Xaflad kooban oo lagu qabtay degaanka Geed-deeble shalay oo ay goob-joog ka ahaayeen Taliyaha Ciidanka Booliska, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo maamulka Degmada Daarasalaam, ayaa lagula kala wareegay Saldhiga cusub iyo baabuurka, iyadoo loogu talogalay inay ka hawlgalaan ciidan ilaaliya ammaanka xarumaha biyo-soo-saarka iyo guud ahaanba ammaanka Degmada Daarasalaan.
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in muddada ay xilka hayeen ay Degaanka Daarasalaam ka hirgeliyeen waxyaabo lagu horumarinayo adeegyada bulshada, isagoo xusay inay halkaas hore uga dhiseen Xarun Xannaano ah (MCH) oo wax loogu qabto adeegyada caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka.
“Waannu ku faraxsannahay in Hay’adaha Qaranku ay noqdaan qaar is-dhammastira oo sannadkan bilawgiisii, waxa aannu halkan ka hirgelinay xannaano caafimaad oo dhisme wayn ah oo imminka degaankaas Woqooyiga oo dhan hooyada ku xannuunsata, iyadoo aan shidaal la weydiin ayaa la soo qaadaa oo la keenaa xannaanadan (MCH), waxaanna halkan ku umula bil walba ilaa 12 dumar ah oo adeeggii caafimaadka wax badan ayey ka tartay, biyihii iyo laydhkiiba waannu u gelinay oo taasina nadaafaddii iyo shaqadii Xannaanada laf-dhabar ayey ku noqotay,” ayuu yidhi Maareeyuhu.
Waxa kaloo uu tilmaamay inay ka shaqeeyeen sidii loo hirgelin lahaa Saldhig boolis oo laga dhiso degaanka Geed-deeble, kaasoo si buuxda hadda loo dhammaystiray, isla markaana diyaar u ah inay la wareegaan Ciidanka Booliska Somaliland, kuna shaqeeyaan.
“Arrintan oo ah amniga lagu ilaalinayo hantida qaranka ugu muhiimsanayd mid ka mid ahna inay Wakaaladda Biyuhu waajibkeeda dhinaca ka saarnaa ay ka ciyaarto, iyadoo ay Taliska Booliska iyo Wasaaradda Arrimaha Guduhuna ay dhinacooda ka ciyaaraan, maantana (shalayo) uu Taliyaha Boolisku nagala wareegi doono dhismaha Saldhigan cusub, iyadoo uu Taliska Booliskuna hore u keenay ciidankii booliska ee ka hawlgeli lahaa Saldhigan, markaa imminka anaga waa naga diyaar Saldhigii, baabuurkiina waa diyaar, markaa sidaas ayey tahay in muddada aannu joogno in shaqada Hay’adaha Qaranka ee is-dhammaystiraa aannu qaybtayada ka ciyaarno,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Daarasalaam Mr. Ciise Muuse oo sheegay inay degmo ahaan si weyn ugu mahadnaqayaan Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo uu xusay inay door fiican ka qaatay horumarinta adeegyada bulshada degmada Daarasalaam.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Md. Jaamac Xaaji Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa uga mahadceliyey Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa doorka uu ka qaato horumarinta adeegyada aasaasiga u ah baahiyaha bulshada, waxaannu yidhi; “Runtii, Maareeyuhu sannadkii horena (2018) waxa uu degaankan ka hirgeliyey Xarun Caafimaad (MCH) oo dhammaystiran oo aan filayo inay wax badan ka tartay baahiyihii caafimaad ee ka jiray degaankan. Masuuliyiinta Qaranka marka uu masuul kastaaba kaalinta uu joogo uu ka soo baxo ama uu kor u qaado waxqabadkiisa way iskaabayaan dowladnimadu, waana waxyaabaha horumarka lagu gaadho.”
Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Generaal Maxamed Aadan Saqadhi (Dabo-gale) oo hadal ka jeediyey xafladda ay kula wareegeen Saldhigga Booliska ee laga Dhisay Degaanka Geed-deeble ee Woqooyiga Hargeysa, ayaa isna dhinaciisa u mahadnaqay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxaannu yidhi; “Waxa aan u mahadnaqayaa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Mr. Maxamed Cali Daarood oo aan u arkayey inay tahay hawl weyn oo la soo qabtay, waxaas oo dhanna ninkaas Maareeyaha ah ee dhallinyarada ah ayaa qabtay, isagoo dowladdana kaashanaya, laakiin haddii uu qofku ka soo baxo hawsha loo dhiibo waxa weeyaan in loo mahadnaqo. Haddii Ilaahay yidhaahdo waannu soo kordhin doonaa Ciidanka ka hawlgelaya Saldhigga Booliska degaanka Geed-deeble, markaa waxa aannu maanta (shalay) la wareegaynaa Saldhigan iyo Baabuurkan booliska oo aannu kala wareegayno Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo hawshaas diyaariyey, iyadoo ay tahay hawl dheeraad ku ah shaqada uu hayo, ujeedadiisuna ahayd in la sugo ammaanka goobaha iyo qalabka biyo-soo-saarka.”
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo halkaas khudbad ka jeediyey, ayaa ku ammaanay Wakaaladda Biyaha Hargeysa doorka ay ka qaadatay dhismaha Saldhigga Booliska iyo adeegyada kale ee ay ka fuliyeen degmada Daarasalaam ee woqooyiga Hargeysa.
“Goobtani waa meel aad ugu baahnayd in laga dhiso Saldhig Boolis oo ay ciidanku degaan, waxaanna halkan Geed-deeble hore u joogi jiray askar kooban oo saddex ilaa afar askari ahaa oo aan hoy iyo meel ay galaan lahayn, waxayna dhex seexan jireen mishiinnada biyo-soo-saarka, laakiin maanta waxay heleen Saldhig Boolis iyo meel ay galaan, ciidankiina

 

waa la soo kordhiyey, markaa aad ayaannu ugu mahadnaqaynaa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo shaqadaas ballaadhan ayuu qabtay, anagana waxa la naga yaaqaan in aannu ilaalino oo dayactirkiisa iyo ilaalintiisaba aannu masuul ka noqonno,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.
Dhinaca kale, xubnaha Weftigu waxay kormeer ku mareen dib-u-dhiska iyo ballaadhinta lagu samaynayo berkedda kaydka biyaha Hargeysa iyo goobaha kale ee laga wado mashaariicda la xidhiidha biyo-ballaadhinta Hargeysa.

 

Wariye Siciid Xuseen Yuusuf
Siciid4@yahoo.com
Siciidm2090@gmail.com

About The Author