Select Page

Shir Lagu Dardargalinaayo Wadashaqaynta Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa. Iyo Booyadaha Caasimada u Dhaamaya oo Xarunta Wakaaladda Ka qabsoomay

Shir  Lagu Dardargalinaayo  Wadashaqaynta Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa. Iyo Booyadaha Caasimada u Dhaamaya oo Xarunta Wakaaladda Ka qabsoomay

Shir  Lagu Dardargalinaayo  Wadashaqaynta Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa. Iyo Booyadaha Caasimada u Dhaamaya oo Xarunta Wakaaladda Ka qabsoomay

 

Shir  Lagu Dardargalinaayo  Wadashaqaynta Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa. Iyo Booyadaha Caasimada u Dhaamaya oo Xarunta Wakaaladda Ka qabsoomay

 

 

Hargeysa (WBH) Kulan ballaadhan oo diirada lagu saaray Dardar galinta wadshaqaynta Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa. Iyo iskaashatada Booyadaha Caasimada u dhaamaya kulankan ayaa ka qabsoomay xarunta guud ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa.
Kulankan oo ay ka qaybgaleen Gudoomiyaha  Gobolka  Maroodijeex, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa ,Hawulwadeenada Shaybaadhaka  iyo Ururka Booyadlayda  kulankan oo maanta  ayaa  kor loogu qaadi doonaa fayo-dhurka Ceelsha iyo booyadaha waxaana Gacan ka geysan doonta Hay,adda GIZ

Kulan ka waxaa ugu horeyn faah faahin ka bixyey

Mustafe Cali Maxamud oo ka mid ah mas’uuliyiinta Shaybaadhka Hubinta Tayadda Biyaha waxaanu iftiimiyey mihiimada ay leedahay wadashaqaynta shaybaadhka iyo biiyaduhu  waxaanu yidhi
“Shirkan aynu isugu nimi waa mid aynu kaga wada hadli doono sida aannu u wada shaqayn lahayn  Shaybaadhka cusub ee hubinta tayadda biyaha  Runtii waa mid lagu  illaalin doono tayadda biyaha ay bulshada Hargeysa hesho, waxanan idin ku soo dhaweynnaynaa  inaad nala shaqaysaan, annaguna idinla shaqayno, si aannu bulshada shaqo wanaagsan oo tayo leh iyo biyo fiican u helaan.”
Agaasimaha Waaxada Qorashaynta Wakaalada Biyaha Hargeysa Madaxa Waaxda Qorshaynta Axmed Muuse ayaa soo dhaweeyey wadashaqaynta ururka booyadaha caasimada u dhaamiya waxaanu yidhi

 

“Qofkasta oo ku nool magaalada Hargeysa waa inuu helo biyo ku filan oo nadiif ah. Markaa inta aynaan helin biyo ku filan waxa ka horreysa inta haynu hayno oo nadiif  waxa muhiim ah biyahan aynu keenayno magaalada Hargeysa inay yihiin biyo la cabbi karo oo  aan caafimaadka waxba u keeni karayn dadweynaha magaalada Hargeysa.”

Dr Axmed Xuseen Ciise oo ah La-taliyaha Shaybaadhka Hubinta Tayadda Biyaha

Ayaa sheegay in shaybaadhku diyaar u yahay inuu door muhiim ah ka qaato ilaalinta iyo daweynta ceelsha waxaanu yidhi
“Markay inoo suuragashay inaynu helno shaybaadh casri ah oo kuwa adduunyada u dhigmo ah oo aynu maanta haysanno inaynu ku shaqayno sidii adduunka kaleba iyo cid weliba ku habboonayd. Markaa waxaynu bilaabaynaa wada shaqayntii aynu marka horeba ku hubin lahayn meelahan biyuhu innooga imanayaan iyo booyadaha ay innooga imanayaan inay dadkii gaadhsiin karaan biyo wanaagsan. Shaybaadh ayaa jira oo waynu baadhaynaa, haddaba haddii aynu mushkilad aragno, mushkilad weliba dawo ayey leedahay. Markaa waxaynu ku dhaqaaqaynaa dawadeedii inta aynaan control iyo wax kale u gelin, dawadeedii aynu ku dhaqaaqaynaa.”

ayuuyidhi

Gudoomiyaha Ururka Booyad layida Xiis Cumar Muxumed ayaa soo dhaweeyey  shaybaadhka Cusub Ee ilaalinta Tayada biyaha waxaanu balan qaaday inay la shaqayn doonaan waxaanu yidhi “Shirkan iyo hawshan aynu isugu nimi waxa weeye inaynu wuxuun kor  hagaajino oo aynu adduunka uun gaadh oo qofna ma oggola inay carruurtiisu xanuunsato, carruurtayda halka aan uga shubo ayaan qofkan kale ee bani’aadamka ah uga shubaa. Haddii roobku si kasta u da’ao meelahan ku-wareegaalaysigeedu waxa weeyaan daacuun, daacuunkaasina carruurtaada ayuu u taalla, haddii aad kaa uga shubto, kaagana la qariso, kaagana dar Ilaahay ayuu ugu dhacayaa, wada shaqayntuna waa fiican tahay. Laakiin, shaybaadhkanina waa mid loo baahan yahay, caafimaadkuna waa mid loo baahan yahay, tayadda waannu idin kala shaqaynaynaa, ceelashaas iyo nidaamkooda iyo sida loo soo maraayo xilliga Wakaaladda Biyaha Hargeysa soo diyaargarowdo diyaar ayaannu u nahay.”

 

Maareeyaha guud ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood oo halkaas isaguna ka hadlay, ayaa faahfaahin ka  bixiyey ujeeddada gaar ahaaneed ee kulankan laga leeyahay.waxaanu yidhi
“Marka koowaad waxaan idiinka mahadcelinaynaa waqtiga aad soo hurteen oo ka go’an shaqadiinii inta aad halkan nala joogtaan, runtiina duruufo adag ayaad ku shaqaynayseen, taana waannu idiinka mahadcelinaynaa adeegga aad u haysaan bulshada reer Hargeysa.
Kulankan aynu isugu nimidna waa mid kor u qaadaya kalsoonida iyo xasilloonida ay dadkeenu ku qabaan biyahan aynu u keeno markay cabbayaan, oo wax culays idinku soo kordhinaya urur ahaan ma aha oo waa wax wanaag iyo sharaf inoo kordhinaya, muhiimaduna waxay noqonaysaa illaha biyaha laga soo qaado inaynu ogaano siday u kala tayo wanaagsan yihiin. Laakiin, maadama shaybaadhkiina inoo hirgalay oo in muddo ahba shaqaynayey in wada shaqayntii la xoojiyo aad ka war haysaan, isla markaana aynu kala barano ceelasha biyaha magaalada Hargeysa daraf wal oo ay tahayba looga soo qaado biyaha siday kala yihiin xaaladdooda iyo siday u kala tayo wanaagsan yihiin inaynu ogaano wax badan ina taraya haddii aynu nahay bahdii biyaha iyo bulsho ahaanba.
Ugu dembayn, kulankaasi waxa si rasmi ah u soo af-meeray Guddoomiyaha Gobalka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed, waxaannu yidhi: “Waa markii ugu horreysa ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa yeelato shaybaadh lagu baadho tayada biyaha, biyuhuna waa noloshii oo Ilaahay ayaa Qur’aankiisa innoogu sheegay, bani’aadamka, xayawaanka, noolaha kale iyo ciiddu waxay ku nool yihiin biyaha. Maadaama, biyihii noloshii yihiin in aynu tayadooda, bad-qabkooda iyo saxadooda ogaano runtii waa darruuri.”

Shaybaadhka Tayadda Biyuhu oo dhawaan la daah-furay oo aan ku koobnayn doonin hubinta tayadda ceelasha biyaha booyaduhu ka soo dhaamiyaan, waxa uu isna qayb ka noqon doonaa hubinta biyaha ka yimaadda Geed-deeble ee Wakaaladda Biyuhu bulshada soo gaadhsiiso iyo sidoo kale shirkadaha mooyo-saxada soo saara.
Hargeysa

 

 

 

a

 

 

 

About The Author