Select Page

Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida oo Kalfadhigoodii 53aad Kaga Warbixyey Habsami U Socodka Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada

Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida oo Kalfadhigoodii 53aad Kaga Warbixyey Habsami U Socodka Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada

Hargeysa(hargeisawateragency) Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida oo Kalfadhigoodii 53aad Kaga Warbixyey Habsami U Socodka Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada Hargeysa Iyo Waxyaabaha Qabsoomay Gudiga oo Warbixin siinaayey Furitaanka Kal Fadhigoodii 53 Naad Waxbixintan oo dhamaystirani waxay u dhignayd Sidan

Guddida Joogtada ah Ee Golaha Guurtida oo Kalfadhigoodii 53aad (Qeybta Wakaaladda Biyaha Hargeysa)

Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida Oo Kalfadhigoodii 53 Naad Ku Soo Bandhigay Habsami U Socodka Mashaariicda Wakaalada B Golehooda Ku Soo Bandhigay Warbixin Ku Saabsan Bahsami U Socodka Ugu Soo Bandhigay Habsami Usocodka Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada

Guddida Joogtadu iyagoo gudanaya hawlahooda shaqo waxay kal-fadhigan xogwaraysi la yeesheen masuuliyiintan hoos ku xusan:-

1. Maareeyaha Wakaaladda Biyaha.

2. Wasiiru Dawlaha Wasaaraadda Biyaha.

3. Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda.

4. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka.

Balse, waxannu ka soo qaaday xogwarreysiga ay la yeesheen Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa warbixintii ay ka soo saareen oo u dhignayd sidan.

“Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtidda oo shaqaynayay muddadii u dhaxaysay labada kal-fadhi ee 60aad iyo 61aad. Sida ku cad xeer hoosaadka Golaha Guurtida qodobka 6aad, waxay u dhignayd sidan

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa markii uu Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida warbixinta siinayey wuxuu sheegay in labada Mashruuc ee ugu weyni ay tahay Mashruuca Biyo soo saarka iyo Mashruuca Biyo qaybinta.

B. Qaybta Biyo Soo-saarka

Waxa maalgaliyey Midowga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waxayna kala bixiyeen 15,000,000 EURO oo ay bixiyeen Midowga Yurub iyo 10,500,000 dolar oo ay bixiyeen SDF, waxaanna fulinaysa UN-HABITAT waxaanna illaalinaysa shirkada Fithner oo ah shirkad Germany ah waxaannu mashruucu ka kooban yahay sidan hoos ku qoran:

1. Doorshada Mashruuca Consultant-iga ah ee FITHNER.

2. Soo Iibinta 23km oo pipe ah oo 600mm (Waa la soo iibiyey waana la keenay).

3. Soo iibinta 7KM Pipe ah iyana al dhigayo G/deeble iyo ceelasha inta u dhaxaysa (Waa la soo iibiyey waana la keenay)

4. Soo iibinta 6KM oo Pipe ah oo laga dhigaayo Hore-haadlay illaa Geed-deeble (Waa la soo iibiyey).

5. Qodista 4ceel oo laga qodaayo Hore-haadlay (Waa la qoday).

6. Qodida/dhigista iyo xidh xidhka Pipe ka Hargeysa illaa Geed-deeble (Wuu socdaa).

7. Qodista/dhigista iyo xidh xidhka Pipe-ka u dhexeeya Hore-haadlay illaa Geed-deeble (Dhammaad).

8. Soo Iibinta 4Mashiin oo waawayn oo midkiiba yahay 1000KVA (Waa la keenay).

9. Soo iibinta 3 Pump oo kuwa biyaha soo tuura ah (Waa la dalbay).

10. Soo iibinta 3amshin oo kuwa ceelasha Hore-haadlay ah (Waa la dalbay)

11. Dhismaha xarunta cusub ee Geed-deeble oo la dhigaayo mashiinada & Bamamka (Way socotaa).

12. Dhismaha Barkado Cusub oo Biyaha Geed-deeble ku soo dhacaan (Way socotaa).

13. Dhismaha Laab Casriya oo loogu tala galay in lagu baadho tayada Biyaha (Wuu socdaa ).

14. Dhigitaanka 5KM oo Pipe ah iyo 7 kaalmood oo laga samaynaayo xaafada Ayax 1 & 2 (Dhammaad).

15. Samaynta 3 Dhaam oo laga samaynaayo Dooxa Xaraf si kor loogu qaado Biyaha imanaya Ayax 1 & 2 (Qalabkii loogu tala galayna waa la dalbay).

16. Samaynta Nashaqada biyo qaybinta magaalada Hargeysa (Way socotaa).

17. Dhismaha 142 Guri oo loo dhisaayo dadkii muddada dheer dul daganaa labada barkadood (Wuu dhammaaday waana la raray).

T: Mashruuca Biyo Qaybinta

Mashruuca 2aad waa mashruuca uu innaga caawinayo baanka horumarinta u qaabilsan Germalka ee loo yaqaan KFW oo lacagtiisu dhan tahay 23,500,000 EURO waxaanu ku jihaysan yahay qodobadan:

1. Dhismaha laba Barkadood oo waawwayn oo Biyuhu ku soo dhacaan oo laga dhisaayo Barkad Chineseka.

2. Dhismaha Barkad iyo Pipe-ka biyaha qaada ee xaafadaha dhexdooda oo laga samaynayo Degmada Axmed Dhagax (Al-huda school).

3. Dhismaha Barkad iyo Pipe-ka biyaha qaada ee xaafadaha dhexdooda oo laga samaynayo Degmada Maxamuud Haybe (Al-Maktuum School)

4. Dhismaha Barkad iyo Pipe-ka biyaha qaada ee xaafadaha dhexdooda oo laga samaynayo Degmada Gacan Libaax (Buurta Daami).

5. Dhismaha Barkad iyo Pipe-ka Biyaha qaada ee Xaafadaha dhexdooda oo laga samaynayo Degmada Ibrahim Koodbuur (Buurta Sheedaha).

Mashruucan labaad waa mashruuca hadda la qaatay shirkadii illalin lahayd cidda la siin doono qandaraaska oo ah shirkad Germal ah oo lagu magacaabo CES oo joogta magaalada waxaana la xayaysiin doonaa qandaraaskii mashruucaa bilaha soo socda hadii alla yidhaahdo.

Gabagabadii waxa uu Maareeyuhu ka codsaday Guddida Joogtada ah ina ay indhahooda ku soo arkaan mashruucan biyo ballaadhinta Hargeysa ee aan warbixinta ka siiyey Guddidu way ka aqbashay, waxaanna loo baxay in la soo arko sida uu sheegay Maareeyuhu hawsha halkaasi ka socota.

Kormeerka Guddida Joogtada & Mareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa

Ugu horreynba waxay ka bilaabeen kormeerkoodii Barkada Biyaha ee Hargeysa halkaasi oo uu Maareeyuhu warbixin ka siiyey in Goobtaasi laga raray 142 Qoys, kuwaasoo dul yaalay Barkada Biyaha walina ay ku hadhsan yihiin 5 Qoys oo iyana lagu talo jiro sidii looga rari lahaa, waxa kale oo lagu wareejiyey Dayr weyn si loo xafido.

Waxa kale oo ay Guddidu warbixin ka dhagaysatay Wakiilka Shirkada Qandaraaska lagu siiyey kormeerka iyo qaabka loo dhigayo Beebabka Biyaha nin u dhashay dalka Germary laguna magacaabo Engineer Yone iyo shirkada ka socota dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya oo iyana Sub Contract ku qaadatay dhigida Beebabka cusub ee Biyaha.

Waxaannu Engineerku Guddida u sheegay in masaafada u dhaxaysa Barkada Biyaha & Barkada Biyaha ee Geed-deeble ay tahay 25KM, waxaanna beebkii cusbaa la dhigay 19KM inta hadhsanna hada gacanta lagu hayo, halkaasoo ay Guddidu hore uga socotay si ay u soo aragto hawsha dhigida Beebka.

Waxa kale oo ay Guddidu is dul taagtay hawsha iyo shaqadda ay hayso Shirkadda Itoobiyaanka ah ee dhigaysa beebka iyaga oo noo sheegay in beebkii hore ee Chineseku iyo beebkan cusubi waxa ay ku kala duwan yihiin.

Beebkii Chinese-ku wuxuu qodnaa 1mitir Beebkan cusubna waxa la qodayaa 3mitir. Waxa kale oo hoosta iyo dushaba lagaga shubayaa Niis Mishiinbaana kubaynaya inta aan lagu rogin ciida kale, waayo beebkan cusub dushiisa iyo hoostiisab waxa ku jira aalad ka illaalinaysa inuu daxalaysto sida uu u sheegay Engineerku, waxaanna loogu talogalay Afartan sanno oo Damaanad Qaad ah (Grantee).

Waxa kale ooay gudidu aad ugu qushuucday in hadii beebku ku soo hagaago geed laga duwayo sida uu noo Engineer Yone, waxa kale oo ay gudidu aragtay shaqaalaha iyo macadaadka shirkad Itoobiyaanka ah ee beebka dhigaysa oo hawshoodii Gudanaya.

Waxa kale oo ay Guddidu tagtay Barkada Geed-deeble ee cusub halkaasi oo shirkada dhismaha Barkada qaadatay ay warbixin ku siisay Gudida, halkaasi oo ay hawl balaadhani ka socotay. Intaasi kadib waxay Guddidu u dhaaftay si ay u soo aragto Ceelasha cusub ee laga dhisay Hore-haadlay, kuwaasi oo la dhammays tiray Saddexda Ceelba.”

 

WARIYE SICIID XUSEEN YUUSUF

SICIID4@YAHOO.COM

About The Author