Select Page

Shir Lagu Falanqeeyey Mashaariic Dhinac Beeraha, Nadaafadda iyo Biyaha ah Oo Uu Maalgaliyey KFW oo Hargeysa Lagu Qabtay

Shir Lagu Falanqeeyey Mashaariic Dhinac  Beeraha, Nadaafadda iyo Biyaha ah Oo Uu Maalgaliyey KFW  oo  Hargeysa Lagu Qabtay

3

Hargeysa (HWA)- Shir balaadhan  oo lagu eegayo mashaariic uu Bangiga Horumarinta Jarmalka oo magaciisa loo soo gaabiyo (KFW) ka maalgaliyo Somaliland Dhinac  Beeraha, Nadaafada iyo Biyo Qaybinta Mashruuca biyo Balaadhinta Caasimada Caasimada ayaa,lagu qabtay Hotel Ambasdor ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo lagu falanqeynayey mashaariicda beeraha, nadaafadda iyo biyaha ee Bangiga Horumarinta Jarmalka (KFW) uu ka Maal galiyey Somaliland  ayaa,ujeedadiisu ahayd

in lagu ogaado waxyaabaha u qabsoomay ilaa hadda. Qorshihii Mashaariicdaasi

 

1

waxaan shirkan ka qayib galay Maareeyahay Wakaalada Biyaha Hargeysa,Maayarka Caasimada ,Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Beeraha iyo qaarka mid ah Hay,addaha la shaqeeya Masuuliyiin ka Socda KFW,iyo CS, Gabo gabadii shirkaasi lagu falanqeynayey mashaariicda uu Bangiga Horumarinta Jarmalka (KFW) ka maalgeliyo Somaliland, ayaa gunnaandkiisii warbaahinta uga warramay waxyaabaha diirad lagu saarayo inay muhiim u leeyahay in wax midho dhal ah ka soo bixi doonaan Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahin Siyaad Yoonis.

“Shirkan runtii waa shir aad iyo aad u muhiim ah oo uu soo qabanqaabibiyey Hay’adda KFW Hay’adda Jarmalka ah oo maalgalisay mashruucan oo ka kooban saddex qaybood oo kala ah; beeraha, nadaafada iyo biyaha. Saddexdaa hay’addood ka dhexaysa mashruucaasi oo qandaraas lagu siiyey shirkad kale oo Jarmal ah CS biyo-qaybinta markaa kani waa kii ugu horeeyey ee ay ku soo bandhigayaan shirkani wixii u qabsoomay labadii bilood ee ay joogeen, ayaa ay soo bandhigayeen oo aan aad iyo aad ugu mahad celinayo. Waxaanan filaayaa inuu shirkani noqdo mid ay ka soo baxdo wax midho dhal ah oo wax weyn ka qaban doona magaalada biyoheedii iyo nadaafadeedii,” ayuu yidhi Md. Ibraahin Siyaad Yoonis.

Sidoo kale, Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) ayaa oo faahfaahin ka bixyey ujeedad kulankani u lahaa caasimadda Somaliland, ayaa hadalkiisa ku bilaabay; “Mashruucan oo nagala shaqeeyo KFW ee dhinacyada; nadaafada caasimadda, biyaha caasimada iyo beeraha, waxaannu maanta isugu nimi kulankii koowaad ee lagu soo bandhigayo dhibaatooyinkii koowaad ee la ururiyey ee mashruuca waxaan ku rajoweynaha inuu mashruucaasi noqdo mid midhodhal ah si dhaqso ahna uu u hawlgalo waana guul u soo hoyatay Somaliland iyo caasimadaba oo aan ku ammaanan yihiin tayad iyo dhaqsaha ay wax u fuliyaan.”

Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyey ee tan iyo intii Bangiga Horumarinta Jarmalka (KFW) uu ballanqaaday inuu kala shaqeyn doon Wasaaradda Beeraha Somaliland kor u qaadida wax-soo-saarka beeraha, halka Dawladda Hoose Hargeysa uu ka taakuleyn doono nadaafadda iyo fayo-dhowerka iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa-na uu kala hawlgeli doono marka uu dhammaado mashruuca biyo ballaadhinta dhinaca biyo-qeybta caasimadda Somaliland.

 

Wariye Siciid Xuseen Yuusuf

Siciid4@yahoo.com

About The Author