Select Page

Maareeyahay wakaalada biyaha hargeysa oo lab ingiin Qiimahoodu Kabadan yahay 100 Ku Oo Dolar Ku Wareejiyey Biyo Soosaarka Geedeeb leh

Maareeyahay wakaalada biyaha hargeysa oo lab ingiin  Qiimahoodu  Kabadan yahay 100  Ku Oo Dolar Ku Wareejiyey Biyo Soosaarka Geedeeb leh

Maareeyahay wakaalada biyaha hargeysa oo lab ingiin  Qiimahoodu  Dhanyahay 180 Ku Oo Dolar Ku Wareejiyey Biyo Soosaarka Geedeeb leh

Hargeysa (HWA)- Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood, ayaa  laba mishiin oo qiimahoodu ka badan yahay $100 kun oo doollar ku wareejiyey xarunta biyo-soo-saarka ee Geed-deeble ee waqooyiga Caasimadda Hargeysa.

SAWIRKA WAKAALADA SAX

Labada mishiin oo mid kastaaba yahay 550 KVA, isla markaana ah qaar cusub, waxa loo sameeyey xaflad kooban oo lagula kala wareegay shalay, iyadoo Maareeyaha Wakaaladda Biyuhu sheegay in mishiinadan qayb ka qaadan doonaan dhinaca biyo-soo-saarka xarunta Geed-deeble.

hwa 4

“Waxaan wareejinaynaa laba mishiin oo kuwa biyo-soo-saar ka ah, mishiinadan oo qiimahoodu kor u dhaafayo $100 kun oo doollar, waxayna mishiinadan runtii ahaayeen qaar baahi weyn loo qabo, wakaalladana waxa ku tiirsan caasimadda Hargeysa oo aynu ognahay in dadweynaha ku nool kor u dhaafeen hal milyan oo qof, inkastoo aynaan biyaha wada gaadhsiin karin shacabka Hargeysa,

awoodeediina aynaan lahayn, laakiin aannu wakaalad ahaan ku dedaalno mar kasta in biyaha aannu hayno ay si fiican u soo gaadhaan dadweynaha oo aanay ku iman wax kala googo’ ah oo aanay  xagayaga ka iman wax gaabis ah,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa.

Waxa kaloo uu sheegay in mishiin kale iyo gaadiid ku wareejiyeen xarunta biyo-soo-saarka ee degaanka Biyo-shiinaha laba toddobaad ka hor, isagoo xusay in saddexda mishiin iyo gaadiidka ay wareejiyeen lacagtoodu kor u dhaafayso $180 kun oo doollar, kuwaasoo qayb ka qaadan doona in sare loo qaado awoodaha xarumaha biyo-soo-saarka.

hwa 4

“Wakaaladda Biyuhu waa meesha ugu mudan in wixii aynu hayno ee lacag ah u hurno oo taageerno, lana maalgeliyo oo ay awood lahaato, waayo biyuhu waa  noloshii oo kama maarmi karno, mar kastana waa loo baahan yahay, annaga ka wakaalad ahaan waxa naga go’an in adeega aannu u hayno bulshada loo wado si habsami ah oo aan waxba lagala hagran, dakhliga ay soo saartu wakaalladuna noqdo mid dib ugu noqda oo lagu maalgaliyo,” ayuu yidhi Maareeyuhu.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaashi oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay goob-jooga uu ka yahay xafladda lagu wareejiyey labada mishiin ee loogu talogalay xarunta biyo-soo-saarka Geed-deeble.

“Labadan mishiin oo awoodoodu aad u weyn tahay, runtii wax weyn ayey ku soo kordhinayaan biyo-soo-saarka Wakaaladda Biyaha, Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa ay idin tusaysaa sida ay muhiimadda u siinayso wax-soo-saarka biyaha iyo in dadka caasimaddu helaan biyo ku filan, waana taas siyaasadda guud ee ay ku shaqaynayso xukuumaddu, maareeyaha cusubna waxa aan uga mahadcelinayaa sida firfircoon ee umadda uu joogay u dardar-geliyey hawlaha wakaaladda Biyaha Hargeysa,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Madaxtooyadu.

Qaar ka mid ah injineerada Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in mishiinnadan cusub ee lagu wareejiyey xarunta biyo-soo-saarka Geed-deeble ay kaalin weyn ka qaadan doonaan awooda biyo-soo-saarka Wakaaladda Biyaha Hargeysa

 

Wariye siciid Xuseen Yuusuf

HWA MEDIA

SICIID4@YAHOO.COM

 

About The Author