Select Page

Maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Masuuliyiinta Gobolka Maroodi-Jeex oo Digniin u Diray Gaadiidleyda Biyaha Dhaamiya inay Bulshada ku Kordhiyaan Qiimaha Biyaha

Maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Masuuliyiinta Gobolka Maroodi-Jeex  oo Digniin u Diray Gaadiidleyda Biyaha Dhaamiya inay Bulshada ku Kordhiyaan Qiimaha Biyaha

shir 5shir 6shir 6Hargeysa (Jam)- Kulan ay Wakaaladda Biyaha Hargeysa la yeelatay Gaadiidleyda biyaha ka ganacsada, ayaa lagaga wadahadlay in aan qiimaha biyaha lagu kordhin bulshada ku dhaqan caasimadda Somaliland, maadaama aanay wakaaladda biyuhu wax isbeddel ah ku samayn biyaha laga iibiyo gaadiidka.

 

 

shir 6

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Wakaaladda Biyaha Hargeysa shalay oo ay ka qeybgaleen Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex iyo Hoggaanka Hawlgelinta Ciidanka Booliska ayaa digniin wada jir ah loogu diray gaadiidleyda booyadaha biyaha waraabiya bulshada ku nool Hargeysa, iyadoo ay maalmihii u dambeeyey qaar ka mid ah Gaadiidleyda ka dhex dhaamiya gudaha Hargeysa ay qiimaha biyaha ka dhigeen 15,000/= (shilling Somaliland ah)

Waxa kaloo kulankan ayaa lagu lafo guray, isla markaana lagaga hadlay sidii loo ilaalin lahaa qiimaha biyaha ku iibiyaan biyooleyaasha iyo dameerlayda, waxa ugu horreyn ka hadlay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood u mahad-celiyey Guddiga Gaadiidleyda Booyadaha, ayaa ku bilaabay hadalkiisa; “Maanta waxaynu isugu nimi ina aynu ururka boyadlayaasha qiimaha biyaha ay ku iibiyaan ee qarkood kor-u-qadeen. Sidaa darteed, waxannu dadwaynaha u sheegaynaa in aanay kaga iibsan qiime ka badan kii hore ay booyadaha kaga iibsan jireen, maadaama oo aannu isla garanay in aan waxba lagu kordhin,” ayuu yidhi Maareeye Daaroood, waxaannu intaa ku daray, “Dhinaca kale waxa jira dameerlayda iyo gadiidka yaryar ee kaalmaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa ka dhaamiya in ay iyaguna ku iibiyaan qiime aan macquul ahayn, madaama ay kaalintu kaga iibiso saddex kun oo shilin, markaa waa caddaaladd-darro, kana yeeli mayno waanannu ku daba jirnaa. Dadwaynahana waxan ka codsanaynaa inay nagu soo-war galiyaan Wakaalad ahaan, annaguna kana yeeli mayno dameerluhu markuu saddex ku dhaansado, haddana sii-siiyo labatan kun, isagoo lagaba yaabo in uu u jiraba shan mitir ama laba boqol oo mitir arin saxmaaha.”

shir 5

 

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood oo si gaar ah ula hadlayey gaadiidleyda biyaha dhaamiya, ayaa kula dardaarmay; “Xaggan booyadaha iyaga laftooda caqabad badan baa haysata, hadday tahay meeshii ay biyaha kasoo qadayeen iyo waddooyinkii oo xun, balse iyaguna dadkooday u adeegayaan sidaa Wakaaladduba ugu adeegayso.”

Geesta kale, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood waxa uu xusay in ay si gaar ah ula socon doonaan dhammaanba adeegayaasha bulshada biyaha u dhaamiya caasimadda Hargeysa duruufaha ku gadaaman, isla makaana wax ula qaban lahaayeen.

Maareeye Daarood isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi; “Wakaaladdu arrimahooda si dhaw bay ula socotaa, waxananu uga hawlgalaysaa sidii ay wax ula qaban lahayd, hadday tahay waddooyinka iyo qaar ka mida ceelasheeda, si hawshu ugu fududaato waxananu siino ceel Geed-deeble ah iyo ceel Kal-qoraya uga dhaamiyaan bulshada ku dhaqan caasimadda.”

Dhinaca kale, Gudoomiyaha guddiga Booyadlayaasha Xiis Cumar Muxumed oo shirkaasi ka hadlay, ballanqaaday inaanay wax qiimaha biyaha ku kordhin doonin bulshadeeda ay u adeegsan, iyaga oo aan waxba kala socon siinin Maamulka, isaga oo Wakaaladda Biyaha Hargeysa ku ammaanay inay mar kasta diyaar u yihiin wax-kala-qabashada caqabadaha haysta

Hoggaanka hawlgalin Ciidanka Booliska Hargeysa Cabdiqani Ganey oo halkaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey go’aankan ay isla qaateen Maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Gaadiidleyda biyaha u qeybiya caasimadda Hargeysa ee goob-joogga u wada yihiin iyaga iyo maamulka Gobolka Maroodi-jeex.

Ugu dembeyn, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Mr. Burraale oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa bulshada ugu baaqay inay la soo xidhiidhaan haddii ay arkaan booyad ama dameer biyo qaali ah ka iibiyey biyaha soo wargeliyaan maamulkooda.

“Bulshada caasimadda ku nool aan leeyahay ha aqbalina haddii waxaanan idiin sheegaya inaannu jirin wax qiimo ah oo lagu kordhiyey biyaha booyadaha,” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Mr. Burraale.

 

Wariye siciid Xuseen Yuusuf

Siciidm2090@gmail.com

Siciid4@yahoo.com

Tell : TELESOM : 0634461316

SOMTEL ; 0654461316

 

 

About The Author