Select Page

Nairobi: Kulan Lagaga Dhawaaqay Dhammaystirka Mashruuca Biyo-ballaadhinta Caasimadda Hargeysa

Nairobi: Kulan Lagaga Dhawaaqay Dhammaystirka Mashruuca Biyo-ballaadhinta Caasimadda Hargeysa

Nairobi (HWA)-  Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa Mr. Maxamed Cali Axmed (Daarood), ayaa ka warbixiyey kulanka 26aad ee ay isugu yimaadeen guddida wada-jirka ah ee maamula sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF (Somaliland Development Fund), kaasoo uu ka qabsoomay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulan-hawleedkan oo uu qabanqaabiyey guddiga maamula mashruuca SDF oo ka kooban safaaradaha dalalka Netherlands, Denmark, England iyo Norway, isla markaana qabsoomay maalintii Khamiista, waxa ka qaybgalay  masuuliyiin ka kala socday Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta Qaranka iyo Waxbarashada, Wasiiru-dawlaha Biyaha ee Somaliland iyo weliba Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

Ujeeddada kulanka ayaa la xidhiidhay sidii loo dhammaystiri lahaa mashaariicda ka qabyada ah wejigii 1aad ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland, ka hor inta aan loo gudbin wejigiisa 2aad, iyadoo si gaar ah diirrada loogu saaray qabyo-tirka mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa, gaar ahaan isku xidhka ceelasha cusub ee biyaha degaanka Horo-haadlay iyo xarunta biyo-soo-saarka guud ee Geed-deeble.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Maxamed Cali Axmed (Daarood) oo dalka ku soo laabtay maalintii Jimcaha, ayaa ka xog-warray waxyaabaha lagaga arrinsaday kulanka ay kaga qaybgaleen Nairobi, isaga oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Maadaama, uu dhammaaday wejigaas koowaad ee mashruuca Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), waxay soo bandhigeen waxyaabihii qabyada ka ahaa mashruucaas, sidaa awgeedna waxa la isla gartay in wejiga labaad wixii qabyo ah loo sii amba-qaadi lahaa si  inta aan hawlaha u qorsheysan la qaban.”

Dhanka kale, Maareeye Daarood waxa uu sheegay in qaadhaan-bixiyeyaasha dhaqaalaha ku taageera Sanduuqa Horumarinta Somaliland, gaar ahaan dawladda Netherland ay kulankaas kaga dhawaaqeen inay gacan weyn ka geysan doonaan dhammaystirka hawsha isku-xidhnka ceelasha biyo-soo-saarka ee Hora-haadlay iyo Geed-deeble oo ay ka qayb ka ah mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa oo hadda gebogebo ku dhow.

Wariye siciid Xuseen Yuusuf

Siciidm2090@gmail.com

Siciid4@yahoo.com

SOMTEL ; 0654461316nayroobi

About The Author