Select Page

Wakaaladda Biyaha Biyaha Hargeysa Oo Maanta Fulisay Talaabo Ay Ku Diirsadeen Shacabka Caasimada..

Wakaaladda Biyaha Biyaha Hargeysa Oo Maanta Fulisay Talaabo Ay Ku Diirsadeen Shacabka Caasimada..

Wakaaladda Biyaha Biyaha Hargeysa Oo Maanta Fulisay Talaabo Ay Ku Diirsadeen Shacabka Caasimada Ee Ay U Dhaamiyaan   Biyooleyaasha Dameerku iyo Fariinta Maareeyahay

Hargeysa (WBH)- Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Maxamed Cali Axmed (Daarood), ayaa ka hadlay qiimo gaar ah oo loo gooyey biyoola-yaasha Gaadhi-dameerka ku shaqaysta ee biyaha ka iibiyey bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa, iyadoo la shaaciyey in foostada biyaha ah ay ku iibiyaan qiimo dhan 12 kun oo shillin Somaliland shillin ah (12,000 SLSH).

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo hadal ka jeediyey hawlgal lambaro calaamado ah loogu samaynayey gaadhi-dameerka biyaha dhaamiya, isla markaana lagu diyaariyey lambaro ay dadka macmiisha ah kala soo xidhiidhi karaan maamulka Wakaaladda Biyaha, haddii ay arkaan biyoolayaal foostada biyaha ku iibinaya wax ka badan qiimaha loo gooyey.

“Iyaga markasta waxa aannu ku dedaalnaa in qiimo go’an wax lagaga iibiyo, kaalmahana waannu kormeernaa si joogta ah oo saddex kun oo shillin (3,000 SLSH) ayaa laga siiyaa foostada. Mar haddii saddex kun (3,000 SLSH) laga siiyo waxa aannu garanay qiimaha maqcuulka ah ee dadweynaha wax kaga iibin karaan inuu yahay laba iyo toban kun oo shillin (12,000 SLSH), oo sagaal kun oo shillin (9,000 SLSH) oo macaash ah ayaa u saaran,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyuhu.

Waxaannu intaas ku daray; “Laakiin, waxa dhacaysay muddooyinkii ugu dambaysay markii aannu sameynaynay arrintan ee aannu u kuurgelaynay in aannu ogaanay inay dadka biyaha kaga iibiyaan foostadiiba shan iyo toban kun oo shillin (15,000 SLSH) iyo siddeed & toban kun (18,000 SLSH). Taasina runtii waa mid aad loogu talax-tagey oo culays la saaray bulshadii.”

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay inuu hadda dhaqan-galay go’aan ay hore qiimaha biyaha ugu gooyeen booyadaha yaryar ee saddex-taayirlaha ah (dameer-qadiye), sidaa darteedna loo baahday in qiimo loo jaro biyaha lagu iibiyo dameeraha.

“Markaa annaga oo ka duulayna hawshii hore ee aannu fulinay ee ahayd gawaadhida loo yaqaanno Dameer-qadiyaha ama Dameer-nasiyaha ee ah mootooyinka yar-yar ee dhawrka foosto saaran yihiin oo aannu qiimo go’an u goynay, dhaqan-gashay, si joogta ahna loo kormeero, annaga oo taa ka duulayna, waxa aannu garanay inay darruuri tahay in Gaadhi-ximaarkana sharciyada Wakaaladda Biyaha Hargeysa la soo geliyo.

Markaa in aannu Gaadhi-ximaarka diiwaangelino iyaga oo summad gaar ah u sameyno, numberkoodana qiimo go’an ku dul qorno, number Wakaaladda Biyaha Hargeysa ahna u sameyno, qof kasta oo dameer leh oo Hargeysa ka shaqeeyaana uu ku jiro system-ka Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo la yaqaanno,” ayuu yidhi Maareeyuhu.

Waxax kaloo uu caddeeyey inay mar walba samayn doonaan dabo-gal lagu samaynayo qiimaha biyaha lagaga iibiyo dadka ku dhaqan caasimadda Hargeysa, waxaannu yidhi; “Daba-galkaasi laba ayuu noqonayaa, kuwaasoo kala ah;

  1. Middi waa mid dhinaca Wakaaladda Biyaha Hargeysa ah, waxa jira kooxo u xil-saaran hawshaas fulinteeda oo kaalmahana kormeera, dabadeedna gawaadhidan yar-yar ee Gaadhi-ximaarkana kormeera. Mararka qaarkood waxa dhacda inay daba-galaan guryaha qiimaha ay kaga iibinayaan, iyaga oo kaadhkii aqoonsiga Wakaaladda Biyaha Hargeysa xidhan ay tagaan, oo markuu ka dhaqaaqo yidhaahda; ‘Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaannu nahay.’ Kaadhkooda aqoonsi (ID Card) tusaan, ‘Maxaa wax la idin kaga iibiyaa?’

Markaa marka uu macmiilkii yidhaahdo; ‘Laba iyo toban kun (12,000 SLSH) ama saddex iyo toban kun (13,000 SLSH).’ Micnihii, waxa weeye laba iyo toban kun (12,000/=) wuu u jabiyey, haddii uu jabiyeyna numberkiisa waa la arkayey oo waa; ‘Number Hebel ama NO.2 ama NO.3 ama NO.4.’ Simple waa loo yeedhayaa, biyaha ayaa laga joojinayaa, tallaabadii iyo wixii ku habboon ayaa laga qaadayaa.

  1. Midda labaad ee aannu ku dabagalaynaa waxa weeye, waa inay dadweynuhu lambarada aannu ku dhejinay numberradaas ku qoran ee Gaadhi-dameer kastaa leeyahay, summad u gaar ah, number lagu yaqaanno lagu qoray, telefoon Wakaaladda Biyaha Hargeysa ahna waa lagu qoray,  inay telefoonkaas Wakaaladda ah ee lagu qoray inay soo garaacaan oo ay u sheegaan, metelan oo kale; ‘Dameerka numberkiisu yahay NO.7 ama NO.8 ama NO.50 qiimihii Wakaaladda Biyaha Hargeysa u qortay ee ay u goysay waxba igagama uu iibin,’ inay yidhaahdaan.”

Maareeye Maxamed Cali Daarood, ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabaha sababta u ah biyo yaraanta ka taagan degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa; “Biyaha Hargeysa nidaamkan hadda inoo shaqeeya waa nidaam loogu talogalay boqol iyo siddeedtan kun (180,000) oo qof ugu badnaan, Hargeysa-na maanta waad qiyaasi kartaa oo hal milyan iyo dheeraad qof ayaa degan oo ku nool. Markaa Hargeysa haddii ay ahayd afar xaafadood oo yaryar, (imminka) xaafad ka mid ah degmadii Hargeysa ayaaba laga yaabaa inay Hargeysa-dii hore ka weyn tahay. Maadaama oo ay magaaladii aad u ballaadhatay, markaa waxay keentay in biyihii loo qeybiyo, taas ayaa keentay biyo-qeybinta iyo inuu wereeggii biyuhu inuu dheeraado, caddaadiskoodiina (pressure-koodiina) hoos u dhaco,” ayuu Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Maxamed Cali Axmed (Daarood).

Wariye Siciid Xuseen Yuusuf

Siciidm2090@gmail.com

0654461316

 

mcdd6mcdd6

About The Author