Select Page

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Daah-furay Munaasibad lagu soo Badhigay Todoba Shirkood Oo Isugu Soo Hadhay Tartanka Loogu Jiro Mashruuca Biyo Galinta Caasimada Hargeysa

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Daah-furay Munaasibad lagu soo Badhigay Todoba Shirkood Oo Isugu Soo Hadhay Tartanka Loogu Jiro Mashruuca Biyo Galinta Caasimada Hargeysa

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Daah-furay Munaasibad

Hargeysa (HWA) madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa daah-furay munaasibad lagu soo bandhigay todoba shirkadood Todoba shirkadood oo dhamaantood ay ajaaniib yihiin oo isugu soo hadhay tartanka loogu jiro biyo galinta caasimada Hargeysa, waxaana la doonayaa hal shirkad oo keliya inay kasoo baxdo tartankan, taasi oo samaysa biyo galinta caasimada Hargeysa. Shirkaddo badan ayaa ku jiray tartankan, balse waxay ku hadheen shuruudaha lagu xidhay ee looga baahnaa. shirkaddaha oo ah Saddex shirkadood oo laga leeyay Shiinaha iyo shirkad Jarmal ah, Mid Faransiis ah iyo Laba shirkadood oo Imaaraati ah.

 

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay maareeyahay wakaaladda Biyaha Hargeysa oo sharaxay talaabooyinka hadda hadhay ee la qaadayo, waxaanu yidhi; “Mashruucan aanu halkan u fadhino ee soo xidhida mudadii loogu talogalay inay shirkadduhu kusoo xareeyaan qandaraaska, waa mashruuc weyn oo ay maalgalisay dawladda Jarmalku, iyadoo lacagta mashruucan soo marinaysa bangiga horumarinta Jarmalka ee loo yaqaan KFW.”

Wasiirka qorshaynta Somaliland Cawaale Ibraahim Shirwac oo isna halkaasi ka hadlaya ayaa yidhi; “waxaan rajaynayaa oo aan culayska saarayaa inaan heli doono shirkad ku guulaysata sidii ay fulin lahayd ama u dhamaystiri lahayd. Mashaariic waaweyn oo biyaha ah ama kuwa kale ah challenges baa innagala kulmay fulintooda, qaar baa socda, waxaanan filayaa inaan casharo ka baranay markaanu dooranayno kuwa fulinaya hadda, inay casharadaa hore ina anfacaan oo aynu ka fogaano waxyaabihii inna soo maray.”

Ugu dambayn waxa munaasibadaasi soo xidhay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, oo yidhi; “bilowgii waxa innoo dhigay salka oo lacagta ugu badnayd bixiyay midowga Yurub, laakiin se waxa alaaliyo wixii kale ee dhaqaale la helay, waxaanu ku leexinay sidii bioyahaasi u soo gaadhi lahaayeen Hargeysa, hadday tahay baanka adduunka iyo haday tahay sanduuqa SDF, wixii lacag la helayayba waxaanu iskugu gaynay sidii Hargeysa biyo loo soo gaadhsiin lahaa, nasiib wanaag biyahaasi markay Hargeysa yimaadaan haddaan la helin qaybin gudaha ah waxay noqon lahayd uun wax aan dalka si fiican biyuhu u gaadhin, waxaanan nasiib wanaag aanu Jarmalka ka helnay dhaqaalihii lagu baladhin lahaa, tiina waa ta maanta aanu u fadhino, waxaan leeyahay waa balanqaadkii xukuumadda Kulmiye inay mar labaad hawshaasi degdeg u dhamaystiri doonto.”

 

tartanka 1

Wariye Siciid Xuseen Yuusuf

Siciid4@yahoo.com

Siciidm2090@gmail.com

HWA

About The Author