Select Page

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Oo Faahfaahiyay Qalab Cusub Oo Ah Bamamka Biyaha Soo Tuura Ee Geedeeble

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Oo Faahfaahiyay Qalab Cusub Oo Ah Bamamka Biyaha Soo Tuura Ee Geedeeble

Hargeysa (HWA)Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Caasimadda Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood, ayaa faahfaahin ka bixiyey qalab cusub oo ah bamamka biyaha soo tuura (water pumps ama bowsers) oo loogu talogalay in lagu beddelo qalabkii hore ee ku rakibnaa ceelasha biyaha laga soo saaro ee Geed-deeble.

Maareeye Maxamed Cali Daarood oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qalabkan cusub oo ay samaysay shirkad la yidhaahdo KSB oo xarunteeda guud tahay magaalada Frankenthal ee dalka Jarmalku uu wax weyn ka tari doono hannaanka biyo-soo-tuurka, laguna beddelayo qalabkii hore u yaalay ceelasha Geed-deeble oo muddo dheer shaqaynayey.

“Bamamkan biyaha soo tuura oo aan in badan wax kobcin ah (upgrading) lagu samayn, laakiin shaqaynaya, balse mishiinnadan biyaha soo tuuraa ama Wakaaladda Biyuhu way shaqayeen 24-ka saacoodba oo iyadoo aanan weli wada gaadhin in caasimadda oo dhan ay hesho biyaha qasabadaha, haddana inta ay u shaqayso (xaafadaha biyaha hela) kolba qayb ayey u shaqaysaa oo biyaha loo sii daayaa, markaa ma jirto saacad qudha oo biyuhu joogsadaan ama mishiinnadan la nasiyo 24-ka saac (habeen iyo maalinba), markaa mishiinnadan ama bamamkan cusub oo ay noo keentay ama noo soo samaysay oo ah Shirkad Jarmal ah oo la yidhaahdo KSB, iyadoo ay halkan nala joogaan injineero ka socda xafiiska Shirkadan ee magaalada Nairobi,” ayuu yidhi Maareeyuhu.

Waxaannu intaas ku daray in Wakaaladda Biyaha Hargeysa ay xilligan doonayso sidii dib-u-habayn iyo casriyeyn loogu samayn lahaa qalabka biyaha soo saara ceelasha ku yaal Geed-deeble, waxaannu yidhi; “Waxa aannu doonaynaa in hannaanka biyo-soo-tuurka (water pumping system) marka sare loo qaado awooddiisa, si uu uga fogaado in wax hakad ah ama hoos-u-dhac ah ku yimaad, waana wax muhiim ah in markasta la maalgeliyo oo la casriyeeyo qalabka kala duwan ee lagaga shaqeeyo biyo-soo-saarka, markaa qalabkan aannu maanta keenayna waxa uu qayb ka yahay in hannaankaas la sii casriyeeyo oo biyaha ay soo tuurayaana ay ka fiicnaadaan sidii hore, maadaama oo uu qalab cusub yahayna kolayba waxa uu yarayn doonaa shidaalka iyo saliidaha uu ku shaqeeyo, halka sidoo kalena uu sare u qaadi doono awoodda biyaha la soo saarayo.”

Maareeye Maxamed Cali Daarood, ayaa sidoo ka hadlay mashaariicda biyo-ballaadhinta degmooyinka Caasimadda Hargeysa, waxaannu yidhi; “Biyaha Hargeysa waa mashruuc runtii la doonayo in 50-ka sanno ee soo socda ama 60-ka sanno ee soo socda aynu manaafacaadsanno, marka ay sidaas tahayna waa shaqo ahmiyaddaas leh oo haddana marka aan sidaas leeyahay macnuhu maaha in ay tahay wax weligiiba iska jiitamaya, laakiin shaqooyinka inoo socdaana waa shaqooyin muddaysan, sidaa darteedna mashaariicda biyo-ballaadhinta Hargeysa meel fiican ayey inoo marayaan, waxaanan u mahadnaqayaa Xukuumadda Somaliland oo ay ka go’an tahay in mashaariicdan biyo-ballaadhinta ah ay midho-dhalaan oo waxa weeyaan iyadoo ay mashaariicdan kolba cid innaga caawiso, haddana dowladdu waa inay noqoto mid si firfircoon qayb uga ah mashaariicdan oo diyaar u ah inay mashruucii dhinaceeda qabato, la shaqayso oo wax ku darsato, dabo-gasho oo la-xisaabtan la sameeyo, markaa hawshaasi waa mid aannu si aad ah uga mahadcelinayno Xukuumadda iyo Madaxweynaha talada dalka haya ee Md. Muuse Biixi Cabdi oo doorkoodii ciyaaraha sidii loo soo gabogabayn lahaan hawshan biyo-ballaadhinta ah.”

Waxa kaloo uu tilmaamay in shaqada lagu kala beddelayo qalabka bamamka ah ee hore loo isticmaalayey iyo kuwan cusub ay suurtogal tahay in ay saamayso qaybo ka mid ah dadka isticmaala biyaha Geed-deeble, isla markaana dib-u-dhac ku yimaad jad-walka xiliga ay biyaha heli jireen.

“Dayac-tirka aannu wadno iyo bamamkan aannu beddelayno waxa laga yaabaa in qaybo ka mid ah dadka biyaha naga helayey ay isbeddel dareemaan oo halka bam (bamka qudha) marka la beddelayo waxa uu qaataa muddo toddoba maalmood ah ama mararka qaarkood waxa ay qaadan kartaa ilaa toban maalmood, laakiin waxa aannu uga dan leenahay in hannaanka biyo-soo-saarku noqdo mid intii hore ka badan, kamanna daalno in aannu markasta dib-u-habayn ku samayno ama aannu qalabka iyo shaqadaba casriyeyno,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

 

 

HWA WARIYE SICIID XUSEEN YUUSUF

About The Author