Select Page

WAKAALADA BIYAHA HARGEYSA OO JAWAAB KA BIXSAY WAR BEEN ABUUR AH OO LAG BAAHIYEY

WAKAALADA BIYAHA HARGEYSA OO JAWAAB KA BIXSAY WAR BEEN ABUUR AH OO LAG BAAHIYEY
WBH(HWA)Cisbitaalka guud ee Hargeysa Qaranka waxa uu u hayaa shaqo xasaasiya, xiligan uu xanuunka covid-19 ku soo laba kacleeyeyna mas’uuliayada Hay’addaha Dawladda ka saaran taageerada cisbitaalku waa mid ahmiyaddeeda gaarka ah leh.
Qarankana siyaasad baa uga taala qaabka loo dhawrayo adeegyada cisbitaalada guud u baahanyihiin ee ay ka midka yihiin biyuhu.
Arrinka uu ku eedeeyay wakaaladda Biyaha Hargeysa mas’uulka ku hadlay magaca xisbiga waddani waxba kama jiraan, waa ay jirtaa cagaf Dawladda Hoose ee Hargeysa leedahay oo waddo banayn ka wadda cusbitaalka Hargeysa hareerihiisa oo mid ka mid ah dhuumaha biyaha dhaawacday, taasna waa arrin dhacda oo gacanta ku hayaan Farsamyaqaanada Wakaaladdu.
Waxa aan u sheegaynaa mas’uulkan in xilkasnimada iyo bisaylka mas’uuliyadu ay farayso in uu ka dhawrsanaado in si fudud warar aan la hubsan loogu eedeeyo Hay’addaha Qaranka, looguna jaha-wareeriyo dadweynaha reer Somaliland.

About The Author