Guddida Degaanka, Khayraadka Dabiiciga ah iyo Waxsoo-saarka ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta xarunta Golaha ku yeeshay kulan xog-waraysi iyo qiimayn ah oo ay la yeesheen Maareeyaha Wakaaddab Biyaha Hargeysa, Mudane Cabdilaahi Maxamuud Ibraahim (Beershiya).
Kulankan oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddida, Mudane Maxamed Cismaan Maxamed (Liimo), ayaa diiradda lagu saaray hawlaha shaqo ee Wakaadda Biyaha Hargeysa, mashaariicda horumarineed ee ay waddo, xaaladda ceelasha biyaha iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegga biyaha ee Caasimadda Hargeysa.
Mudanayaasha Guddida ayaa Maareeyaha Wakaladda B,Hargeysa, wax ka weydiiyey mashaariicda biyo-ballaadhinta Caasimadda Hargeysa, xaaladda ceelashii hore iyo kuwa cusub ee la qoday, iyo qorshayaasha farsamo ee Wakaaddu u dejisay kordhinta iyo horumarinta ilaha biyaha.
Sidoo kale, Guddidu waxay su’aalo ka weydiisay Maareeyaha aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo, fahamka uu u leeyahay caqabadaha ka jira Wakaadda iyo qorshe-hawleedka uu ku doonayo inuu ku horumariyo adeegyada biyaha iyo maamulka khayraadka biyaha.
Kulanku wuxuu qayb ka yahay waajibaadka dastuuriga ah ee Guddida ee la xidhiidha korjoogtaynta, la-xisaabtanka iyo qiimaynta hay’adaha dawladda, iyadoo Guddidu xoogga saarayso sidii loo heli lahaa xog dhammaystiran oo ku saabsan hawlaha hay’adaha iyo adeegyada ay bulshada u hayaan.
Ugu dambayn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-dhaafsi xogeed iyo is-faham wanaagsan, iyadoo labada dhinac ay isla garteen muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn dhow oo joogto ah, si loo dardargeliyo adeegyada biyaha iyo xal-u-helidda caqabadaha horyaalla Wakaadda Biyaha Hargeysa.
Qaybta Isgaadhsiinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Wakaalada Biyaha Hargeysa.