Mashruuca Dib u Kicinta Beebkii Hore ee Magaalada Biyaha Keeni Jirey.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Mudane Cabdilaahi Beershiya, ayaa maanta ka warbixiyey dib-u-dayactirka iyo dib-u-hawlgelinta beebkii hore ee Wakaaladdu ka guurtay oo muddo hawl-gab ahaa, kaas oo qayb muhiim ah ka noqonaya qorshayaasha lagu xoojinayo biyaha magaalada Hargeysa.
Sidoo kalena, lagu xasilinayo qaabka biyuhu u soo gaadhaan caasimadda. Beebkan ayaa noqon doona mid heegan ah, gaar ahaan marka ay cillad ama hakad ku yimaaddo beebka weyn ee biyaha magaalada hadda keena.

Maareeyaha Wakaaladda Biyuhu waxa kale oo uu sheegay in dhawaan ay shaqayn doonaan laba beeb, oo midkood hadda la dayactiray, halka ka labaadna hawshiisu socoto, waxaana la filayaa in dhawaan la soo gabagabeeyo.
Hirgelinta labada dhuumood (beeb) ayaa la filayaa inay si weyn uga qayb qaadato kordhinta xaddiga biyaha soo gaadha magaalada, isla markaana kor u qaaddo awoodda nidaamka biyaha caasimadda.

Dhanka kale, Maareeyuhu waxa uu ka warbixiyey in dhawaan la filayo inay yimaaddaan laba mishiin oo cusub, kuwaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo nidaamka biyo-soo-saarka, kuwaas oo midkiiba cabbirkiisu yahay 1500 KVA.
Ugu dambayn, mashruucan ayaa qayb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo adeegga biyaha caasimadda.

Qaybta Isgaadhsiinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wakaaladda Biyaha Hargeisa