Select Page

Maayarka Hargeysa Oo Furay Kulan Loogu Diyaar Garoobayo Biyo Galinta Caasimadda Hargaysa

Maayarka Hargeysa Oo Furay Kulan Loogu Diyaar Garoobayo Biyo Galinta Caasimadda Hargaysa

Maayarka Caasimadda Caasimada Oo Furay Kulan Loogu Diyaar Garoobayo Biyo Galinta Caasimadda Hargaysa.

Hargaysa(HWA)Kulanka ay wakaalada biyaha hargaysi iyo Bangiga Horumarinta Jarmalka KFW ay soo qaban-qaabiyeen oo Lagu  dardar galinayay biyo galinta caasimada hargaysa iyo sidii loo maarayn lahaa caqabadaha ka horyimaadda meelaha ay marayaan beeb dhigista gudaha magaalada  ayaa maanta lagu qabtay Hargaysa.

Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay Mareeyaha Wakaaladda biyaha Hargaysa,maayarka caasimada,wasiiradda wasaaraddaha Qorshaynta deegaanka iyo Odayaal ka kala socda shanta degmo ee caasimadda hargaysa. Maayarka caasimadda hargaysa cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteco oo furay kulankan ayaa tilmaamay muhiimadda uu leeyahay mashruucani iyo sida loogu baahan yahay in bulshadu

ugu diyaar garowdo una soo dhawayso hirgalintiisa.

“Waxaan Balan Qaadayaa in ka dawlad hoose ahaan si buuxda u fulin doonaan isla markaasina aanu xalin doono wixii caqabado ee ka yimadda xaga dhulka,waxaanan dadwaynaha ugu baaqayaa in ay mashruucan soo dhaweeyaan kana faa’idaystaan midho dhalka mashruucan oo bulshadda caasimadda muhiimad badan u lehay si wayna u kafayn doonaa xaga biyaha oo ay cabasho ka qabeen mudooyin badan.

Wasiirka qorshaynta qaranka somaliland ayaa sheegay inuu mashruucani tijaabo u yahay mashaariic waawayn oo Jarmalku somaliland ka fulin doono isaga oo xusay in 2019kana ay jiraan mashaariic kale oo xukuumadu fulin doonto.

Wasiirka wasaarada horumarinta deegaanka somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil(Baandare)ayaa iyaduna dhinaceed sheegtay in ka deegaan ahaan ay si wayn wakalaada biyaha ugala shaqayn doonaan fulinta mashruucani,waxaana ay haay’addaha dawlada iyo xukuumadda-ba ugu baaqday in ay layska kaashaddo fulinta iyo hirgalintiisa mashruucani.

Suldaan saleebaan oo isaguna ku hadlayay afka madax dhaqameedka degmooyinka caasimadda ayaa tilmaamay in ay gacan wayn ka gaysan doonaan fulinta mashruucan isaga oo ugu baaqayna bulshadda caasimaddana in ay diyaariyaan qorshe kasta oo looga baahdo.

Mareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargaysa Maxamed Cali Daarood ayaa isaguna dhankiisa sheegay inuu yahay mashruucan mid nidaam casri ah loo samayn doono beeb dhigista caasimadda hargaysa shirkanina yahay mid loogu diyaar garoobayo caqabaddaha ka horiman doonaa mashruucan.

“Kulankan aynu maanta iskugu nimid waxa uu daaran yahay sidii ay uga tashan lahayn fulinta mashuuracani iyo in ay ka hortagno caqabadka kasta oo inaga horiman doonta,waxaanan halkan uga mahad naqayaa bangiga horumarinta jarmalka Iyo waliba dawlada jarmalka iyo shacabkeed oo mashruucan ay shacabkeenu ka faa’idaysanayaan inoo keenay.

Gaba-gabadii kulankan oo siwayn loogu gorfeeyay Xalka caqabadaha ka horiman doona biyo galinta caasimada hargaysa ayaa waxa soo xidhay mareeyaha wakaalada biyaha hargaysa Maxamed Cali Darood oo bulshaddana ku dhiiri galiyay in  meel looga soo wadda jeesto fulinta mashruucani si ay bulshadda caasimadu u helaan biyo ku filan oo nadiif ah.

 

 

About The Author