![](https://i0.wp.com/www.hargeisawateragency.org/wp-content/uploads/2019/02/HWA-SH-1.jpg?fit=960%2C589&ssl=1)
Hargeysa(HWA)kulan hawuleed Lagu Dardar galinaayo habsami u socodka mashruuca biyo balaadhinta caasimada ayaa , shalay lagu qabtay hargeysa kulan kan oo ay qayib ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda horumarinta biyaha Md Saleeban yuusuf Cali Koore , Maareeyahay Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md Maxamed Cali Axmed Midawga Yurub(EU), UN-Habitat ayaa diirada lagu saaray mashruuca waxyaabaha qabsoomay iyo waxyaabaha qabyada ah
Maareeye Maxamed Cali Axmed oo boggiisa xidhiidhka bulshada soo dhigay qoraal kooban oo ku saabsan shirkaasi ayaa waxuu u qornaa sidan
Waxaa maalintii shalay ahayd noo soo dhamaaday kulamo ay qayb ka ahaayeen xubno muhiim ah oo ka socday Midawga Yurub(EU), UN-Habitat, Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa, kulamadan oo
ahaa kuwa lagaga war qaadanayo mashruuca Biyo-fidinta Hargeysa ee ka socda Deegaamada Geed-Deeble ilaa Hargeysa oo ay qaybo dhawr ah oo mashruuca ka tirsan ay hadda dhamaad ku dhawyihiin amaba dhamaadeen, waxaa mashruucan si wadajir ah u maalgaliyay Dawladda Somaliland, SDf iyo EU-da oo taageerada ugu balaadhan ka gaysatay. Allah Mahad leh.
Wariye Siciid Xuseen Yuusuf
siciidm2090@gmail.com