Select Page

Wakaaladda Biyaha Magaalada Hargeysa waxaa si rasmi ah loogu martiqaaday Shirweynaha ‘Bandhiga Biyaha iyo Horumarinta ee Sannadkan 2023’, kaas oo ka qabsoomaya Caasimadda Dalka Rwanda ee Kigali.

Wakaaladda Biyaha Magaalada Hargeysa waxaa si rasmi ah loogu martiqaaday Shirweynaha ‘Bandhiga Biyaha iyo Horumarinta ee Sannadkan 2023’, kaas oo ka qabsoomaya Caasimadda Dalka Rwanda ee Kigali.
Wakaaladda Biyaha Magaalada Hargeysa waxaa si rasmi ah loogu martiqaaday Shirweynaha ‘Bandhiga Biyaha iyo Horumarinta ee Sannadkan 2023’, kaas oo ka qabsoomaya Caasimadda Dalka Rwanda ee Kigali.
Shirweynahan waxaa qabanaya Ururka Caalamiga ah ee Biyaha ( International Water Association) iyagoo la kaashanaya Wasaaradda kaabayaasha Dhaqaalaha, iyo Hay’adda Biyaha iyo Fayo-dhawrka ee Dalka Rwanda, waxaana lagu qaban doonaa Xarunta Caanka ah ee Kigali Convention Centre.
Waxaa shirweynahan Wakaaladda Biyaha uga qeybgelaya Axmed Muuse Daahir, Agaasimaha Qorsheynta iyo Horumarinta ee Wakaaladda Biyaha iyo Khaalid Daahir Muuse oo ka mid ah injineerada Wakaaladda Biyaha Hargeysa.
Shirkweynahan waxaa ka soo qeyb-gelaya khubaro biyood, madax hay’addo caalami ah, masuuliyiin dawladeed iyo madax ka socota Hay’addaha biyaha iyo fayo-dhawrka ee waddamo badan oo caalamka ah.Waa fursad muhiim ah oo laysku waydaarsado aqoonta iyo teknoolajiyadda ugu danbaysay ee la xidhiidha biyaha iyo fayo-dhawrka.
Maadama oo muddooyinkii ugu danbeeyay, isbeddel deg deg ahi ka socday biyaha Afrika iyo wadamada kale ee soo koraya sida fulinta mashaariic biyood iyo fayo-dhawr oo waaweyn, shirweynahani wuxuu u gogol xaadhayaa iskaashi, aqoon is-weydaarsi iyo kobcinta koritaanka hay’adaha Biyaha iyo fayo-dhawrka Afrika iyo caalamka intiisa kale.
Qodobada ugu muhiimsan ee Shir diiradda lagu saari doona waa kuwan hoos ku xusan:
• Fidinta Adeegga Biyaha iyo Daaweyntooda
• Daaweynta Biyaha Wasakhda ah (Wastewater) iyo adeegyada fayo-dhawrka
• Maamuka Midaysan ee Qorshaha iyo Maamulka Biyaha ( Integrated Water Management and Planning )
• Maamulka iyo Maareynta Hay’adaha Biyaha iyo Fayo-dhawrka
• Maal-gelinta Maashaariicda Biyaha
Waa Maxay Ururka Caalamiga ah ee Biyuhu (International Water Association)?
Ururka Caalamiga ah ee Biyuhu (IWA) waa ururka ugu balaadhan dhinaca biyaha , kaas oo ka shaqeeya horumarinta, cilmi baadhista iyo is-weydaarsiga aqoonta iyo teknoolajiyadda biyaha ee dunida oo dhan. Wuxuu isku keena khubarada biyaha iyo fayo-dhawrka , Hay’addo Caalami ah , Cilmi baadhayaal, Shirkadaha teknoolajiyadda biyaha, iyo Hay’adaha Biyaha iyo Fayo-dhawrka oo ka kala yimi in ka badan 140 Waddan.
Ururkani wuxuu qabtaa shirar iyo aqoon is -weydaarisyo farabadan oo lagu lafa-guro arrimaha biyaha iyo fayo-dhawrka ee Wadamada Caalamka.
Waxaa xusid mudan inlay Wakaaladda Biyaha Hargeysa xubin ka noqotay Ururka Caalamiga ah ee Biyaha bishii August 2023
Fursaha Ugu Jira Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ka Qeyb-galka Shirweynahan
• Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxaa si gaar ah loogu martiqaaday Madasha Hoggaamiyaasha Wakaaladaha Biyaha iyo Fayo-dhawrka (Utility Leaders Forum) oo ah fagaarayaasha ugu muhiimsan shirweynaha
– Waa madal ay Wakaaladda Biyaha Hargeysa ku soo bandhigi doonta hawlaha shaqo ee ay waddo, qorshayaasheeda iyo horumarka dhinacyda teknoolajiyadda Biyaha ee ay ku talaabsatay.
– Waxay Wakaaladda u horseedaysa inay samaysato saaxiibo badan gaar ahaan Wakaaladaha biyaha ee dhiggeeda ah .
– Waa madal ay Wakaaladdu ka baran karto aqoon badan iyo teknoolajiyad casri ah oo la xidhiidha Biyaha .
Waxaa Qoray :
Axmed Muuse Daahir ,
Agaasimaha Qorsheynta iyo Horumarinta ee WBH

About The Author