Select Page

Waxaan u hanbalyeynaynaa Labada Tartame ee ku guulaystay boosaski shaqo ee WBH….

Waxaan u hanbalyeynaynaa Labada Tartame ee ku guulaystay boosaski shaqo ee WBH….
Hanbalyo!, Hanbalyo!,
Waxaan u hanbalyeynaynaa Labada Tartame ee ku guulaystay boosaski shaqo ee WBH (Labada Tartame ee u sareeya natiijada hoos ku lifaaqan).
Warbixin Kooban:
• 127 Tartame ayaa guud ahaan soo xaraystay boosaska shaqo ee Waaxda IT-ga WBH.
• 92 Tartame ayaa kusoo baxay Wajiga Koobaad (Short List) ee kala reebka tartamayaasha
• 76 Tartame ayaa galay Imtixaankii koowaad, waxaa maqnaaday 16 Tartame.
• 23-kii Tartame ee kasoo gudbay imtixaanka 1-aad ayaa galay imtixaankii 2-aad ee practical-ka ahaa oo qabsoomay Khamiistii 25/01/2024.
• Labada Tartame ee liiskan ugu sareeya ayaa ku guulaystay labadii boos ee ka banaanaa Waaxda IT-ga WBH.
• Wixii boos shaqo kasoo baxa Xafiiska IT-ga inta ka hadhay sannadka 2024, waxa looga yeedhayaa liiskan Tartamayaasha kusoo xiga 2 Tartame ee guulaystay, sida caadada u ah Imtixaanada shaqo ee Wakaaladda.
Allah Mahad Leh

 

 

 

 

About The Author