Select Page

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Oo Nairobi Kaga Qaybgalay Shir Lagaga Hadlaayo Horumarinta Mashruuca biyo balaadhinta Caasimada

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Oo Nairobi Kaga Qaybgalay Shir Lagaga Hadlaayo Horumarinta Mashruuca biyo balaadhinta Caasimada

wakaalada-tttNairobi (HWA)- Kulanka saddexdii bilood mar ay isugu yimaaddaan Maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha maalgeliya mashaariicda biyo ballaadhinta caasimadda Somaliland, ayaa 03/11/2016 ugu furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulankan saddex-biloodlaha ah oo ay ka qeybgaleen Qaandhaabixiyeyaasha; Baanka Horumarinta Germarka (KFW), Midowga Yurub (EU), Baanka Adduunka (WB), Hay’adda Horumarinta ee Ingiriska (DFID), Hay’adda GIZ, Hay’adda UN Habitat, Safaaradaha Germalka iyo Netherlands, ayaa warbixinno kala duwan ka dhagaystay weftiga uu hoggaaminayo Wasaarada Qorsheynta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Salaan Jirde (Cali-shoombe) iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis, kaga wada hadlay halka uu marayo mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda Somaliland.

Ugu horreyn, Md. Ibraahim Siyaad Yoonis oo warbixin qoto dheer halkaa kaga siiyey Qaadhaanbixiyeyaasha ka maalgeliya Wakaaladda Biyaha Hargeysa mashaariica biyo ballaadhinta caasimadda Somaliland, ayaa sheegay halka uu marayo mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa, isaga oo xusay inuu gebogebo ku dhow yahay, isla markaana dadweynaha ku dhaqan caasimadda Somaliland biyo ku filan heli doonaan horraanta sannadka cusub.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Salaan Jirde (Cali-shoombe), ayaa isaguna warbixinno la xidhiidha mashaariica biyo ballaadhinta Hargeysa uga ka warbixiyey Qaandhaanbixiyeyaasha ilaa hadda waxa u qabsoomay inay yihiin kuwo guul laga gaadhay, isla markaana ay filayaan inay dhawaan u qabsoomaan inta iyo in ka badana.

Ugu dembeyn, Weftigan uu horkacayo Wasaarada Qorsheynta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Salaan Jirde (Cali-shoombe) iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis wax ka weydiiyeen Qaandhaabixiyeyaasha waxa ugu qorsheysan.

Qaadhaanbixiyeyaasha qaar ka mid ah oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in dhinacooda waxyaabaha u qorsheysan mustaqbalka dhow inay Somaliland la qabtaan, iyaga oo xusay si wanaagsan u wada shaqeeyaan dhammaan mashaariicda kala duwan ee laga hirgeliyey Somaliland.

 

Wariye Siciid Xuseen Yuusuf

Siciid4@yahoo.com

About The Author