Select Page

Wefti Ka Socda Baanka Horumarinta Ee Dalka Jarmalka Iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Oo Kormeer Ku Tegay..

Wefti Ka Socda Baanka Horumarinta Ee Dalka Jarmalka Iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Oo Kormeer Ku Tegay..

Hargeysa(HWA)waftiga jarmalka 1waftiga 22waftiga j 33waftiga j 44Wefti ka socda  Hay’adda Baanka Horumarinta ee dawladda  Jarmalka  ee (KFW) kuna sugan dalka Somaliland ,  ayaa iyaga oo ay weheliyaan Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa  Eng. Maxamed Cali Daarood, waxay Hay’addan oo Mashruuca Biyo Gelinta Hargeysa ka caawisa Somaliland, ay socdaal kormeer iyo u kuurgalis ah ku soo mareen halka uu maraayo mashruucani iyo Xarumaha Biyo shiinaha iyo Geed Deeble ee Kaydka Biyaha Caasimadda Hargeysa uga yimaadaan.

Kormeerka ay shalay ku tageen Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa  Eng. Maxamed Cali Daarood iyo Weftiga ka socda Baanka Horumarinta Dalka Jarmalka ee Biyo Balaadhinta Hargeysa maalgelintiisa dhaqaalaha ku bixiya oo ay hogaaminayso Madaxa Qaybta Biyaha Bariga Afrika u qaabilsan Bangiga Horumarinta dalka Jarmalka Ms Cloudio Parker, waxaana weftigu kormeer ku soo mareen halka uu maraayo mashruucan Biya ee ay maalgeliyaan iyo Xarumaha Kaydka Biyaha ee Waqooyiga Hargeysa kuyaala, waxaana ay uga mahadceliyeen Maareeyaha Wakaalada Hargeysa sida fiican ee mashruucan fulintiisa uu ugu hawlan yahay iyo sida ay uga go’an tahay inay Caasimaddiisa Hargeysa Biyo ku filan hesho.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa  Eng. Maxamed Cali Daarood  oo faahfaahin ka bixinaayey Weftigan ka socda Dawladda Jarmalka gaar ahaan Baanka Horumarintaa ee Jarmalka ee maalgelinta ku sameynaaya Biyo gelinta Caasimadda Hargeysa waxa uu yidhi “Maanta waxa halkan inoogu yimid si ay u arkaan bal Xaaladda Xarumaha Biyo soo saarka ee Deegaanka Geed Deeble iyo Biyo Shiinaha, waxaana wefti balaadhani inaga la jooga Baanka horumarinta Aduunka ee Dalka Jarmalka oo runtii noo fulinaaya mashruuca weyn ee magaaladda Hargeysa guddaheeda, mashruucaasi oo aan wali bilaabmin balse aanu runtii ku rajo waynahay in uu noo bilaabmo dhismihiisu sannadkan Bisha 6aad ama Bisha 10aad ee 2018-ka , waxa kale oo ay weftigan Baanka Aduunku doonayaan inay ogaadaan xaalada dhabta ah ee Biyo soo saarka iyo mashaariicda ay wadaan iyo mashaariicda ay Midawga reer Yurub ka wadaan Somaliland ee ah mashruucii hore u soo socday ee Dhigista Beebabka arintaasi ayey u yimaadeen, Eng. Maxamed Cali Daarood  waxa uu intaasi ku daray “Waxaana weftigan ka socda Baanka Horumarinta ee Dalka Jarmalka hogaaminaysa  Madaxa Qaybta Biyaha Bariga Afrika u qaabilsan ee Bangiga Horumarinta dalka Jarmalka in mudo ah ayey na la hoogeen, dawladda Jarmalkuna waxay noo la shaqaysa qaab aad uga duwan qaabka ay noo la shaqeeyaan deeq bixiyayaasha kale oo dhan oo nidaam wanaagsan oo waxtar leh runtii, waxaana runtii daneynayaan inay waddanka Somaliland wax gashadaan oo mashruucan wayn ee Biyo gelinta Caasimadda ee Wakaalada Biyaha Hargeysa iyo Wasaaradda Khayraadka Biyaha , Wasaaradda Beeraha iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa ba ka shaqaynayaan iyaga ayaa inoo maalgeliya , gacantana inoogu haya iyada oo ay la fulinayso wakaalada Biyaha ee Hargeysa , imikana waxaanu ku rajo waynahay maadama oo dawladda Jarmalku ay doonayso inay maalgashato Afrika oo maalgelin badan ku sameyso inay Taageero badan u  sii sameyn doonaan Somaliland ayaanku ka rajaynayna Baanka horumarinta ee dalka Jarmalku”

Madaxa Qaybta Biyaha Bariga Afrika u qaabilsan ee Bangiga Horumarinta dalka Jarmalka Cloudio Parker oo iyaduna dhinaceeda halka ka hadashay waxay tidhi “Waxaanu soo gaadhnay halkan oo ah Somaliland waxaanu ku guda jirna hawlgal uu fulinaayo Baanka horumarinta ee dalka Jarmalka (KFW), Hay’adda KFW waxa ay xarunteedu tahay magaaladda Frank Ford ee dalka Jarmalka, waxaanu Somaliland u nimid in aanu kormeer iyo u kuurgelid ku sameyno mashruuca aanu maalgelino ee Biyo gelinta, waxaana Baanka Horumarinta ee Jarmalku ay maalgelinaysa Biyo gelinta  Somaliland iyada oo aanu metelayno dawladda Jarmalka, waxaanu uga mahadcelinaynaa Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa shaqada fiican ka qabteen mashruucan , waxaanu qabanay kulan maalin soconaayey , waxaanu booqanay qaybta Kaydka ee magaaladda guddaheeda, waxaanu hada booqasho ku joogna Xarumaha Biyo soo saarka ee ay ka iman doonaan Biyaha Hargeysa la geynaayo, waxaanu kalsooni wayn ku qabnaa in mashruucu wakhtigiisa ku dhamaan doono , waxaanan arki doona isaga oo wacnaan ku dhamaada”

Wariye Siciid Xuseen Yuusuf

Siciidm2090@gmail.com

Siciid4@yahoo.com

HWA

About The Author