Select Page

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo kulan la qaatay Safiirka UK  Amb.Kate Foster 

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo kulan la qaatay Safiirka UK  Amb.Kate Foster 
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo kulan la qaatay Safiirka UK  Amb.Kate Foster
https://youtu.be/0B5tTI3GGh0
https://youtu.be/0B5tTI3GGh0
hwa(wbh) Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mohamed Ali Darod ayaa kulan la qaatay Amb.Kate Foster oo ah Safiirka Dawladda UK ee Somaliland/Somalia iyo wefti ay hogaaminayso oo ka kala socday xafiiska Dawladda UK u qaabilsan Horumarinta Debedda(FCDO) iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.
Xarunta Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa iyo goobta uu ka socdo dhismaha Keyd qaadi doona 4183 Cubic metre oo gebogeb ku dhaw, noqon doonana keydka wayn ee magaalada ayaa ka mid ah goobaha ay Safiirku booqatay.
Dawladda UK ayaa ka mid saaxiibada Somaliland ka taageera dhinaca horumarinta kaabayaasha aasaasiga ah. Waxa ay Dawladda UK sidoo kale ka midtahay Dawladdaha taageerada ugu balaadhan ku leh mashruuca Biyaha Hargeysa iyo hindisii hore ee Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa oo uu gacan ka geystay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.
Kordhinta ceelasha Biyaha iyo soo-ururintooda, bixinta dhaqaalihii ku baxay dhuumaha 23km ah ee Geed-deeble ilaa Hargeysa iyo Hirgalinta nashqaddii iyo sahamintii hore ee mashruuca biyogalinta magaalada gudaheeda ayaa ka mid ah qaybaha uu taageeray Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF oo gacanta dhaqaale ee ugu badan ka hela Dawladda UK.
https://youtu.be/0B5tTI3GGh0
https://youtu.be/0B5tTI3GGh0

About The Author