Select Page

Somaliland Wakaaladda Horumarinta Biyaha & Fayo-dhawrka ee Dalka Uganda & Wakaaladda Biyaha Hargeysa, oo si wada jir ah ugu guulaystay Mashruuc horumarineed.

Somaliland Wakaaladda Horumarinta Biyaha & Fayo-dhawrka ee Dalka Uganda & Wakaaladda Biyaha Hargeysa, oo si wada jir ah ugu guulaystay Mashruuc horumarineed.
Wakaaladda Horumarinta Biyaha & Fayo-dhawrka ee Dalka Uganda & Wakaaladda Biyaha Hargeysa, oo si wada jir ah ugu guulaystay Mashruuc horumarineed.
Waxaanu maanta Xarunta WBH kusoo dhawaynay wefti ka socda Wakaaladda Horumarinta Biyaha ee Uganda (Uganda National Water & sewerage Corporation, NWSC) Mas’uuliyiintaas oo u yimi sidii aan uga wada shaqayn lahayn mashruuc aanu si wada jir ah ugu guulaysanay kuna tartameen 250 Wakaaladdood oo Waddamo kala duwan ka soo jeedda, kana mid noqonay 50 Wakaaladdood oo ku guulaystay mashruucan iskaashiga ah. Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda uu mashruucani u leeyahay Bulshada.
Mas’uuliyiinta kasoo qayb-galay dhinaca Wakaalada Horumarinta Biyaha iyo Fayo-dhawrka ee Uganda waxa ka mid ahaa:
1.George Okol, Agaasimaha waaxda Ganacsiga & xidhiidhka macaamiisha ee NWSC
2.Joseph Tweheyo, Agaasimaha Biyo-soo-saarka ee kampala
3.Allan Kaford, Waaxda Arrimaha Dibedda ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha iyo Fayo-dhowrka ee Dalka Uganda
Dhinaca Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxa ka soo qayb-galay :
Maareeyaha Guud ee Wakaaladda, Maxamed Cali Daarood, oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta qaybaha kala duwan ee Wakaaladda.
waxaaana diirada lagu saaray ujeeddada mashruuca & sidii looga faa’ideysan lahaa xagga kor-u-qaadida Awooda farsamo iyo aqoooneed ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo is-waydaarsiga khibradaha ee labada dhinac.
Maareeyaha WBH, oo soo dhaweeyey weftiga wuxuu ku amaanay NWSC inay tahay Wakaalad dhisan oo ka mid ah kuwa hogaamiya Wakaaladdaha Biyaha ee Africa, wuxuu hoosta ka xariiqay xiliga fiican ee uu kusoo beegmay & muhiimadda mashruucan. Dhinaca kale, Madaxda NWSC waxay ka markhaati keceen dedaalka ay ku jirto WBH & sida ay wada jir uga faa’ideysan doonaan mashruucan xirfaddaha iyo khibradaha kor loogu qaadayo.
Ujeeddada mashruucani iyo dhinacyada uu koobsanayo:
Dhismaha awoodda Wakaaladda Biyaha ee dhinacyada adeegyada Farsamada, & tababaro la xidhiidha, kor u qaadida adeeg-bixinta Biyaha & bad-qabkooda.
Adeegyada la rabo in si gaar ah kor loo qaado hanaanka lagu maamulo waxa ka mid ah:
1.Maamulka Biyo-soosaarka
2.kor-u-qaaddida fayo-dhawrka biyaha
3. kor-u-qaaddida qiimaynta iyo Daba galka Mashaariicda
4. horumarinta maamulka biilasha iyo Dakhli ururinta
5. ka hortaga iyo la qabsiga saamaynta isbaddelka Cimilada aduunka
6. la macaamilka danyarta & arrimaha Bulshada.
Mahruucan oo socon doona 3-sanno, waxa labadan Hay’addood la fulinaya Hay’adda UN Habitat, waxaana maalgalinaya Midawga Yurub(EU).
Mashruucan ‘Capacity Development For Enhanced Water services Delivery For Hargeisa Water Agency(CAP DEWASH), ayaa qayb ka ah mashruuc ay ku tartameen 250 Wakaaladdaha Biyaha ee Waddamada soo koroya, waxaana 50 Wakaaladdood oo ay ku jirto Wakaaladda Biyaha Hargeysa nasiib u heleen in ay noqdaan Hay’addaha ka faa’ideysanaya mashruucan. Waxa Wakaaladdaha ku gulaystay u wada shaqayn doonaan laba laba Hay’addood oo khibraddaha is-waydaarsanaya, awood dhis aqooneedna weheliyo.
Allah ayay mahad oo dhan u sugnaatay.
Wakaaladda Biyaha Hargeysa,May 8,2022.

About The Author