Select Page

Kulanka Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Bangiga Horumarinta Jarmalka ee KfW.

Kulanka Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Bangiga Horumarinta Jarmalka ee KfW.

Kulanka Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Bangiga Horumarinta Jarmalka ee KfW
Waxaa xarunta Bangiga Horumarinta Jarmalka( KfW) ee magaalada Frankfurt am Main ka qabsoomay kulan u dhexeeya Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Julia Morawietz oo ah Maamulaha Mashaariic badan oo ay KfW ka wado Bariga Qaaradda Africa, kana mid yahay mashruuca biyaha Hargeysa iyo Dr. Yannick Scheid oo ah la taliyaha dhinaca farsamada ee Bangiga Horumarinta Jarmalka ee KfW ( Dr. Yannick wuxuu shirka kaga qeyb galay khadka Telefanka )
Kulanka waxaa lagu falanqeeyay arrimahan soo socda :
1. Mashruuca Biyaha ee Jarmalku ka wado Magaalada Hargeysa
Waxay Wakaaladda Biyaha Hargeysa bangiga warbixin ka siisay halka uu marayo mashruuca biyaha ee magaalada Hargeysa, kaas oo ay maalgelinayso Dawladda Jarmalku , iyadoo lacagtana soo marisay Bangiga Horumarinta Jarmalka ee KfW.
Wuxuu Bangigu sheegay inay ku faraxsan yihiin in mashruuca biyaha shaqadiisu dib-u-bilaabantay , islamarkaana ay ku rejo weyn yihiin in mashruucu dhamaan doono bilowga sannadka 2024.
2. Warbixinta Mashaariicda kale ee Horumarineed
Waxay Wakaaladdu, sidoo kale, bangiga warbixinta ka siisay mashaariicda kale ee ay maalgeliyaan wadamada ama hay’adda Wakaaladda ka taageeera dhinaca biyaha , sida Sanduuqa Horumarinta ee Somaliland (SDF) , Midowga Yurub iyo Coca Cola Africa Foundation.
3. Maashaariicda ay Wakaaladdu Maalgelinayso
Waxaa bangiga warbixin kooban laga siiyay mashaariicda ay Wakaaladda Biyaha Hargeysa maalgelinayso, sida dhismaha dhaamka weyn ee Kalqoray , xadhiga dabka ee Geed Deeble ilaa Horahadley , casriyeynta adeegyada biyaha ee Wakaaladda , cusboonaysiinta dhismayaasha Wakaaladda Biyaha Hargeysa , kobcinta xirfadaha iyo aqoonta shaqaalaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa
4. Diyaarinta Mashruuca Cusub ee Dawladda Jarmalku ku Maalgelinayso Biyaha Hargeysa
Wuxuu Bangiga Horumarinta Jarmalku ka warbixiyay halka uu marayo mashruuca cusub ee Dawladda Jarmalku ay qorsheynayso inay ku maalgeliso biyaha Hargeysa, kaas oo xoogga saaraya dhinacyadan soo socda :
• La socoshada keydadka biyaha dhulka hoostiisa (Groundwater Monitoring)
• Ka shaqaynta Waaritaanka Keydadka Biyaha Dhulka Hoostiisa (Aquifer Stabilization)
• Ka Faa’iidaysiga Tamarta Cusboonaanta si loogu isticmaalo Ceelasha iyo Xarunta Biyo Soo Saarka ee Geed Deeble
• Yareynta Biyaha Daata ( Non –Revenue Water Reduction)
• Daarasado la Xidhiidha Dhismaha biyo-xidheeno , si Hargeysa loogu helo biyo ku filan.
Waxuu Bangigu Wakaaladda ku wargeliyay in ay meel fiican ay marayaan hawlaha diyaarinta mashruuca cusub ee kor ku xusan , dhawaanna ay Shirkadda ku guulaysatay tartanka samaynta qiimeynta hordhaca ah ee mashruucu ay hawsha bilaabi doonto .
Ugu danbayn , waxay Wakaaladdu Dawladda Jarmalka iyo Bangiga Horumarinta ee KfW uga mahadcelisay taageerada ay la garab taagan yihiin mashruuca biyaha Hargeysa iyo Shacabka Somaliland.
W/Q
Axmed Muuse Daahir
Agaasimaha Qorsheynta &
Horumarinta ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa
Frankfurt am Main, Germany

 

About The Author